Weedho Xikmadaysan

1. Ma joojin kartid carabyada (hadalada) dadka laakiin ha u oggolaan carabyada (hadalada) dadka inay adiga ku joojiyaan

2. Jooji fakirka ah in aad duruuftan adag & dhibkan weligaa ku jiraysid. Sida xilliyada sanadka isu bedelaan ayay xaaladuhu isu bedelaan, noloshu waa wareeg, mana jirto wax sidooda iska ahaanaya weligood, xitaa naftaada waxay leedahay taariikh ay dhacay

3. Wax wanaagsan ayaa noqon kara wax xun hadii aad ka eegto dhinaca mugdiga ah. Wax xun ayaa noqon kara wax fiican hadii aad ka eegto dhinaca iftiinka ah

4. Buurtan aad xambaarsan tahay, waxa keliya oo lagaa rabay in aad korto dhinaca kalena ka degato, laakiin adigaa dhabarka & garbaha ku qaatay oo culays isaga dhigay

5. Kuwa raba in ay gurtaan faa’iidada Wadankooda waa in ay dulqaad u yeeshaan daalka iyo xanuunka ay kala kulmaan taageerida Wadankooda

6. Awooda Qaran laguma cabiro baaxada Ciidankeeda, balse waxaa lagu gartaa sida ay ula dhaqanto dadkeeda kuwa ugu liita

7. Dadka Wanaagsan waa sida Shumici oo kale; waxay u gubaan (u dhibaan) naftooda si ay iftiin u siiyaan dadka kale

8. Jiilka Maanta: Waa necebyihiin inay hurdada ka kacaan Subaxnimada hore. Caajis badan baa haya Casarki, Galabti. Waa daalan yihiin Fiidki. Waa careysan yihiin markay sii seexanayaan Habeenki.

W/D: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *