Waxyaabo Diintu Aysan Ogalayn Damiirkayguna Isiin Karin Ayuu Isoo Bandhigaa..! MAXAAN SAMEEYAA?

Asc shekh mohamed idris Waxan ahay gabar aad u da yar kuna nol wadanka …….(dal Yurub ka mid ah) shekh waxan raba inad talo igu siso ilahay dartisa masha allah markasta waan arka wacdigaga iyo wanadada wanagsan ilahay ajaar iyo xasanad haka siyo aniga iyo musliminta kalana ilahay hanaga dhigo kuwii waxa ku qata aamiin.

Shekh arintayda hadan ka hadlo inaan ariin ku so bandhigto ariintaso ah wilaan wada so conay oo ilagalay wacad balana igaga qaday inuu igursanayo anigana aan ka aqbalay wuuna wacay walid kaygi oo joga somalia mudo laga so waregay 3 bilod wuuna isbadalay ixtiraan ima siyo dhaqankena marka la ego ama xagaa dinta waxa yabo aan ficnayn oo damiirkayga isinayn buu iso bandhigaya saladana ma tukado markan ka dido waxa yabahana wuxu idhahaya arimahena waan dhamaysanayna ee ima jeclid miya aniga dhaan waswaas iyo shakii buu igu aburay heerkina waxay leyihin niinki aad nabartay away isaga iyo niin uu abtigi ku shegayo baa la wada hadlay aniga iyo isagina sidaan niinkan xidhidh ula sameyayna wanag maan daremiin wayo markasta wuu ii edaynaya hadan dhaho waxas ma inoo ficna waa inaan ilahay ka cabsano waxan go ansaday inaan ka hadho madama uusan ilahayba xasusanayn hadana waxan ka walwalay balantii haga bixiin sas owgeed bankula tashanaya wajigan ku bartayna ugama jedo manta shekh ka ralii noqo xaga qoralka somaliga ma ku ficniye hadu ku dhibo wcs wr wb

Gabadhaas Waxaan Leeyahay: Adeer Ilaahay Tawfiiqda haku waafajiyo, Ninka aad ballantiisa ka wel welsantahay, waa nin raba inuu sharaftaada iyo diintaada ku ciyaaro, dhawr goorna ku weydiistey waxyaabo aan diinta iyo dhaqankaba ku habboonayn, Ilaahay uun baa kaa badbaadshey laakiin khatar ayaad ugu sigatay inaad diin iyo sharafba ku weydo, wiilkan u muuqda inuu yahay waraabe is miskiininaya intuu gacanta kugu dhigayo, wexeyna ka muuqataa qaab dhaqankiisa.

Adeer Guur waxaa lagu dhisaa Diin iyo Akhlaaq, labadaasna midna kama muuqdo ninkan aad xiriirka la yeelatay oo waa ka qaawanyahay, gabdhahana wax helay mooyee debinka si sahlan ayey ugu dhacaan.. Waxaan kugula talinayaa inaad xiriirkan sida ugu dhaqsi badan u jarto, wax xiriirana haba yaraatee isaga iyo kuwa la midka ah aadan la yeelan what so ever, markey guur noqotana reera aad uga dambayso ragga kusoo doona, adiguna meel xun ha is dhigin adeer ilaahay haku dhawro..Waxaan kuu rajaynayaa khayr iyo guul iyo guur wanaagsan oo aad ku degto, hana deg degin calafkaagu wuu iman in sha allaah, wabillaahi tawfiiq

W/Q: Shiikh Maxamed Idriis

Check Also

Sida Qof La Isku Jeclaysiiyo

si kasoo horjeeda sida dad badani aaminsan yihiin jaceylka waa la kaantarooli karaa. Tan macnaheedu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *