Waxyaabaha Keeno Illowshaha Badan

Illowshaha ama hilmaanka waa cillad ay aad uga sheegtaan dhalinyarada zamankaan, hilmaanka waxaa keeni karo waxyaabo badan oo cudur ka mid yahay.

Hilmaanka waxuu noqon karaa wax iska caadi ah oo muddo gaaban heyn karo qofka iyadoo ka imaan karo xaaladda uu ku suganyahay markaa sida “Diiqada” oo kale.

  1. Hurdo Yaraanta: maskaxda bini-aadamku waxey leedahay laba kayd oo kala ah mid ku meel gaara iyo mid rasmiya, wax kasta waxa la geeyaa kaydka ku meel gaarka ah inta uu qofku soo jeedo, marka laseexdo ayaa wixii loo baahnaa loo gudbiyaa kaydka rasmiga ah, haddii aan la helin hurdo ku filana waxa dhaceysa in la haleeliba waayo kaydkii rasmiga ahaa, macluumaadkiina ay si sahlan u lumaan. Dhafarka iyo hurdo la’aantu waxay keenaan xusuus la’aan iyo wax-xifdin la’aan.
  2. . Maandooriyayaasha: maandooriyayaasha sida khamriga waxay ugu horeeyaan waxyaabaha xasuusta yarida iyo hilmaanka keeno
  3. Welwelka: dadka inta badan la kulma ciriiriga nafsiga ah, fakarka iyo welwelka badani waa  kuwa ugu tirada badan guud ahaanba dadka la kulma khalkhalka maskaxda waa marka la bar bar dhigo dadka inta badan xaaladooda nafsiga ahi ay caadiga tahay. Waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in  dadkan diiqadda iyo welwelku bariinsadaan ay khalkhalka maskaxda iyo illowga badan 40 laab uga dhow yihiin dadka caadiga.  Welwelku waa sababta ugu badan ee dhalinyarada aan balwada lahayn u keento hilmaanka, dhalinyaradu waxay dareemaan markuu imtixaanka soo dhaw yahay in aysan waxba xifdin karin tanoo kalo waa welwelka uu ka hayo imtixaanka iyo cabsida ay ka qabaan ayaa keensanayso inay wax xifdin kari waayaan.
  4. Daawoyinka Qaar: Daawooyinka qaar waxaa laga qaadaa hilmaan, waxaa habboon inaad dhakhtarkaaga kala tashato daawooyinka aad qaadanaysid inay saameyn kugu yeelan karaan. Daawooyinka ilowshaha keeno waxaa ka mid ah daawooyinka dhimirka, kuwa hurdada, kuwa dhiig-karka, kuwa gaaska, kuwa hargabka iyo sanboorka.
  5. Siigada: Siigeysashada waa arrin xun oo dhalinyaro badan ay caado ka dhigteen, waxaa laga dhaxlaa xifdi la’aan iyo Faham yari.
  6. Daawashada filimaanta Jinsiga ah: Filimaanta jinsiga oo la joogteeyo waxay dhaawacaan xasuusta qofka, wuxuuna qofka isku arkaa hilmaan badan iyo diirad-saaris la’aan.

Illowshaha ku yimaado xaaladahaan kore qofka wuu ka bogsan karaa hadduu joojiyo waxyaabaha dhibka ku hayo, waana ku meel gaar dhibaatada maskaxda gaarayso illaa inuu qofka muddo waday dhibaatadaas, taasoo saamyn joogto ah ku yeelatay maskaxda mooyee.

Hilmaanka  wuxuu noqdaa cudur markii qofku uu la kulmo dhibaatoo caafimaadeed sida cudurrada “Parkinson’s iyo Alzheimer’s”.
Ilowshaha wuxuu ku bilaaban karaa qofka dhibaato jug ah oo qofka dhinaca maskaxda ka soo gaarto ama dhibaato xag nafsaani ah.

Check Also

Si Dabiici Ah Uga Nadiifi Beerkaaga Sunta

Beerkeenu wuxuu maalin walba si adag uga shaqeeyaa sidii uu jidhka uga difaaci lahaa dhibaatooyinka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *