Maxaa Keena Dhididka Badan Sidee Se Looga Hortagi Karaa?

Dhididka ka yimaada jidhka waa hab dabiici ah isla markaana qabooja jidhka laf ahaantiisa,waana cusbada jidhka ku jirta ee saaidka ah in uu ruuxa dibada u saaro. Dhididka dhaafsan baahida jidhka waa dhibaato dadka qaar ay qabaan marka loo eego caafimaad ahaan,waa xaalad riyo guud sameysa malaayiin ruux. Dhididka inta badan waxa uu ku lug leeyahay calaacalaha, cagaha,iyo kilkilaha.

Dadka qaar ayaa dhidadkoodu ku yimaada hadii ay wax yar socdaan ama jaranjaro fuulaan ama ruux inay si fiican isu gacan qaadaan,amaba howl aan sidaasi u weyneyn qabta isla markaana waxaa isbadala dhididkii oo noqda mid ura, waana lagu kala duwan yahay siifada qofka ka soo baxda marka uu dhidido kuwa ayaabey dantu kugu qasabtaa in aad goobta uu ruuxaasi jooga ka cararto,

Dadka nuucaas ah iyaguna dhib ayey qabaan bulshaduna dhib ayey ku qabaan. tusaale hadii ruuxaasi uu yahay qof aan nadaafadiisa fiicneyn ama dharka uu xidho aanay ahayn kuwa badan oo uu mid ama laba uu isbuuc wato, waa hubaal in ruuxaasi loo adkeysan karin siifadiisa.

Hadaba waxaa jira habab badan oo aad isaga ilaalin karto dhidadka faraha badan hadiii aad raacdo talooyinkan:

Waa lagaga maarmaan hadaad dhidid badan tahay in aad maalinti labada gelin aad dharka kala badalato hadaad awoodo.
Markasta in aad gacmaha iska meydho oo aad heysato maro yar ama wax uun aad gacmaha isaga tirtirto, kana fogaato wax kasta oo aad isleedahay dhididku wuu kaaga imaanayaa, maka wer-wersantahay wax kasta oo ay dadka u maleyn karaan in aad shiireyso hadaba ka feker muxuu waxaasi yahay , saaxibada qaar ayaa kaftankoodu uu saaid yahay ama amrka ay ku salaamayaan ku ruxruxa iska ilaali kuwaana.

90% dadka qaba xaaladahan waxey ku beeraan walaac iyo feker joogto ah oo saameyn ku yeesha noloshooda.

Waxaad isu arkeysaa qof ka dhidid badan dadka kale
Waxaad qaadaneysaa maro iyo wax kasta oo aad dhididka isaga nadiifineyso
Dadka labadii qof ee meel taaganba waxaad moodeysaa in adiga kaa sheekeynayaa
Adiga oo naca misana karahsada dhididkan kaa da’aya
Istaress ama walaac kaaga dhasha arintan iyo waxyaabo kale.

Dhidid xad dhaafka ah ee ka dhasha heerkulka jidhka ayaa keena in uu sareeyo walwal shucuureedka qofka . Waxa kale oo sabab u noqon kara in aanu isu dheeli tirnayn nidaamyada hormoonada iyo habdhiska jidhaakada. Laakiin guud ahaan dhaqaatiirta qaar ayaa qora in qofka isticmaalo waxyaabaha uduga ah ama cadarka la marsado , aragti ahaan habka shiirkan ku yimaado ayey u keeni kartaa caafimaad daro waa in ay jirto sabab la garanayo ama daawo ma laha.

Dhakhaatiirta qaarkoodna waxay ku taliyaan iin la isticmaalo waxyaabo alkol ku badan yahay marka hore wuxuu kuula muuqanayaa in aad caraf badan dareemeyso laakiin marka dhididkaada iyo wixii aad marsatay isku milmaan waxaa soo baxa siifad si xun u urta.

Dhakhaatiirta qaarna waxey sameeyaan qalliin si ay u dhinto neerfaha siiya qanjidhada dhididka ee ka yimaada maskaxda. Dhibaatadu waa in dareemayaasha la xakameeyo qanjidhada dhididka , waxa ugu muhiimsan waa awoodda aad u xakameeyso cabir ahaan marinnada dhiiggaaga . Kadib waxaa suuragal ah Gacmahaaga iyo kilkilooyinkaaga in ay joojiyaan laga yaabee dhididka .

Hadaba waxaan kuu soo gudbinayaa talooyin laga yaabo in ay wax kuu taraan markii aad tijaabiso kadib.

Waxaa jira siyaabo caadi xuub-hagaajinta hyperhidrosis, iyo marmarka qaarkood si buuxda lagaga bogsanayo. Sababta weyn looma eego hawl weyn tani waxaa la cunaa cunto uu jidhkaada dulqaadan karo. Tusaale ahaan, marka aad wax cuneyso habdhiska jidhkaada ayaa qaarkood shaqo adag qabta dabadeed wad dhididaa kadib siifad aya timaada, marka aad cadhooto sidaas oo kale qeyb jidhka ah ayaa shaqo adag qabata misana dhidid ayaa kaa yimaada, marka aad naxdo iyana waa la mid dhididka wuu yimaadaa.

1- Ka fogow basbaaska iyo cuntooyinka caffeinka uu ku jiro.

Kaffeinka iyo basbaaska waa kuwa markiiba dhaga fudud oo si toos ah ayey markiiba makaxda ula falgalaan waxeyna kobciyaan barfasoor wax ka dhiga jaamacada George Washington University, ayaa yidhi “Wax kasta oo kobciyaa neurotransmitters kuwaas oo mararka qaar saamayn karaan qanjidhada waxay keenaan dhidid. ”

2- Cab shaah loo yaqaan sage tea

Shaahan oo aad maalintii afar jeer cabtaa waxuu jidhka ka yareeyaa in uu dhidid badan keeno. Marka cab hadaad heli karto.

3-U cun sida saxda ah raashinka

Tiro yar oo fitimiino B complex ah yacni ma ogolaanayaan nuugis haboon oo uu sameeyo jidhkaada iyo qashain saar uu sameeyo hadaba cun raashinkan hadaad awoodo.

Midho freesh ah, wax kasta oo aad doorbidid, waa in ay sameeyaan qeyb u muhiim ah jidhkaada waxaa ka mid ah in aad joogto u cunto hadaad dhidid badan tahay : Xabxabka ( qaraha ) Tufaaxa,liinta,shamaamka ( qajaarka ) iyo in aad qudrad ( salad ) cuntid inta u dhaxeysa quraacda iyo qadada iyo cashada dhexdooda. Qudradaasi waxaa ka buuxa Vitimiin B badan.
Dhinaca brotiinka : cun Kallun,Ukun ( beed ) digir, iyo cuntada xabuubka leh dhamaan waa u wanaagsan yihiin in dhdididka xad dhaafka ah ay yareeyaan.

4- Ku meydho biyo qabow.

Marka aad ku qubeysato biyo qabow waa dhab jidhka wuxuu galaa xaalad ka duwan kii uu ahaa wuxuu dareemaa deganaan mana dhacdo in aad dhidido marka aad ka soo baxdo meydhashada, marka daaimo biyaha qabow meydhashadooda.

5- Iska xiir hareeraha meelaha timaha leh sida kilkilaha

Tani waa mid ka mid ah hababka dabiiciga ah ugu waxtarka badan si uusan u gudbin dhidid xad-dhaaf ah. Sababta waa mid fudud, dhididka ka socda meelaha timaha ku yaalaan sida kilkilaha. waxaa dhaqso uga dhalata bakteeriyo keenta Ur qudhmuun oo qofka ka soo haada marka iska baabi’i tintaasi hoos iyo korba waayo in aad xoog u dhidido isla markaana dhididkii uu ka soo muuqdo iyadaa sabab u ah.sidoo kale Waxay bixiyaan meel bannaan oo ku filan hareeraha meesha kilkisha taasoo u oggolaan waayso uumi iyo socodka xorta ah ee hawada.
6- Dhimis miisaanka jidhkaada.

Xaqiiqdii 90% dadka ay soo wajahdo dhididka faraha badan hadii aad tahay qof buuran waa dhab waad ka dhidid badan tahay sida caadiga ah weyna keentaa buurnidaa in aad yeelato dhidid xad dhaaf ah marka taladu waa in miisaanka aad yareyso oo aad normal noqoto.
7- Ka fogow isticmaalka deodorantaha iyo saabuunta qaar.

Ma wanaagsana in aad isticmaasho waxyaabo kasta oo leysku buufiyo macnaheedu maaha in aad ka fogaato udguunka, hasa yeeshee kiimikada qaarkood jidhka waxey ku yeeshaan waxyeelo sunta ku jirta deodarantaha qaarkodo waxey sameeyaan isbadal ku yimaada meelaha huurka ah taasi oo keenta Ur ama siifad qudhmuun oo aan wanaagsaneyn. Hadaba waxaad isticmaali kartaa si aad u xakameyso Urka xad dhaafka ah kareem dabiici ah oo aan wayeelo laheyn. Iyo meydhasho joogto ah. Ku dadaal nadaafada.

SICIID XAGAA AFRAX.

JOURNALIST.
SOURCE: PREVENTDISEASE
EMAIL: SXAGAA@HOTMAIL.COM

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *