Waxyaabaha Fududeeya Labo Qof Oo Isbaratay Inay Durba Is Fahmaan

Is fahamka waxaa asaas u ah dhawr waxyaabood oo u bahan in mid walba gooni looga hadlo, waxaase uggu muhiimsan amuurahan:-DA ADA, WAX BARASHADDA iyo ISKU DHUL KU WADDA NOOLAN SHIYAHA

-DA ADDA: Isfaham sanaanta da adu ku timaada oo ah in 2-dda qof ay isku da a yihin ama iska ag dhaw yihin waxay dhalisaa in labadda qof ay isku sheeko noqdaan, oo aysan marna kala daalin ,, marka nolal lawadda dhisto, halka dhanka kale (hadii aad loo kala wayn yahey) ay adkaato in wax badan la isku waafaqo hadii aan la helin qof dulqaad badan oo isagu mar kasta u dabca kan kale isagoo fiirinaya maslaxadda guud ee guriga ama hadii caruur jirto caruurta. Dulqaad badniduna waa wax alle adooman kisa u qaybiyo ,, waxaana dhacda in la helo in badan oo aan mid-na mid u sabrin iyo intaas oo kale oo dulqaad iyo karti iskula jooga.

Meelaha dulqaaadka iyo kartida ka duwan bulshadda kale laga barto waxaa mid ah DIINTA,, qofka oo aad u raac-raaca dadkii wan-wanagsana sidda ay u wada dhaqmi jireen ,, iyadoo aan look ala saarin (Lab iyo dhedig).. Raggu waa in uu bartaa sidda Ragii wan-wanaagsana ee ummaddan islaamka ah aduunka gaarsiiyey ulla dhaqmijireen haweenkooda ,, sidaa oo kale gabadhuna waa in ay milicsataa gabdhihii ragas wan wanagsani qabeen sida ay u soo sareen UBAD himo sidda (yididiilo sidata).

-WAXBARASHADDA: aqoontu waxay dhistaa qofka xambarsan waxayna siisa wax uu uga duwan yahey inta kale ee aan alle u fududeyn in ay wax uun bartaan, in dad aqoon leh is fahman way ka sahlan tahey in la isku fahmo da adda wadda jirkoodu waa khayr wadda socda , waxaase dhacda in inbadan oo wax bartey ay guryaha ku soo kordhiyaan MURAN iyo is qab qabsi ,, marka ay rabaan in ay isticmaalan waxa ay barteen.

Waxaase hubanti ah dad wax uun bartey in ay bulshadda ku leeyihin saameyn ka badan ,, middka aan waxba baran ,, sidaa oo kale ayeyna guryaha dadkaasi bulshadda uggu yihiin tusaale wanaagsan ,, inta badan waxaa jira in aan waxba baran oo ka dhaqan fiican in badan oo wax baratey balse waxaan ka hadleynaa bulsho dhaqan keedu yahey is kaalmaysi iyo in qofba kan kale uu u arko in uu yahey QEYB ISAGA buuxinaysa ,, la,aanteed /laantisna uusan waxba qabsan Karin.

-ISKU DHUL KU WADDA NOOLAN SHIYAHA: isku degaan ahaan shuhu waxa uu fududeeya in dadku is fahmo dhaqan ahaan, qofkuna uu arki karo meelaha iyo goobaha uu kan kale aad u booqdo, sidaa oo kale baahida degaanka ka jirta ee dadka wadda nool ka dhaxaysa (in la is kaalmaysto, nolashana la wadda dhiso ,,, midba waxa uu kan kale dheer yahey isagu qabto ,, la iskuna bogaadiyo ,, iyadoon la dhaafin xaduudka).

W/Q: Shariif Maxamed

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *