Sida Loo Daryeelo Jidhka Saliida Leh (Oily Skin)

Maqaalkaygan manta waxan ku soo qaadanayaa jidhka saliida leh cuntooyinka loo marsan karo, se waxa marsan kara uun hablaha jidhkooda aan cadayn, waayo waxa laga yaabaa hablaha jidhkooda wax mariyay jidhkaasi waa khafiif ama wuu cas casaada, markaa hadii ay marsadaan cuntooyinka qaar waxaa lagayaaba inay ku dhacdo (skin irriation) ama wax shagax ka soo idhaahdaan cas casi, markaa walaalo fadlan waxaan kala dardaarmayaa qofkii wajigiisa wax mariyay cuntooyinkan qaar baa dhib u keeni kara, qofkii ka tagi waaaya, marka hore ha ku tijaabiyo gadhka oo qudha markaa eeg siduu jidhku noqdo.

Markaa qoraalkan wuxu u gaaryahay gabadh kasta oo jidhkeedu saliid leeyahay, wajigeedu qoyo had iyo jeer, finan yar leh. Jidhkan saliid leh ee aan manta soo qaatay ayaa ah jidhka ugu dhibtada badan ee dumarku yeeshaan, jidhkan ayaa ah jidh had iyo jeer kadeedan, hadii dal daloolada wajigu xidhmaan qofku wuxuu isku arkaa finan waawayn oo dheecaan leh. Jidhkan saliida leh ayaa u baahan nadaafad ka badan ta jidhadhka kale, waayo jidhkani wuxu sameeyaa saliid iyo dhidid badan, oo ka soo baxa jidhka oo had iyo jeer ka gala daloolka jidhka (pores) ilaa ayfadhiisanayaan meesha loo yaqaano (hair follicle) meeshan oo ah bartay xaadu ka soo baxdo , saliidan iyo biyahan ayaa noqda jeermis, haddii jeermiskaasi meeshaa sii fadhiyo dhibaato badan buu keenaa.

Jidhkan saliida leh (oily skin type) ayaa ah jidh dadka aan lahaan jirin xaataa ku dhaca hadii ay xaaladoodu is badasho, waayo waxad arkaysaa qof jidh caadiya lahaan jiray (normal skin type) oo marka ay gabadhu uur yeelato ee ay isbadalaan (hormones) keedu iyo cuntooyinka qarkood, ka bacdi noqota qof jidh saliid leh , runtiina waxa sababa saliida oo ku badata jidhka xad dhaafna noqota. Jidhkan ayaa ku danbeeya jidh wax diidaya, hadii aan la daryeelin.

Jidhkan saliida leh ayaa caan ku ah ciyaalku marka ay yihiin (16-17), iyagoo yeesha finan cas cas fooda iyo gadhka, dadka waawaynina waxa lagu gartaa had iyo jeer saliidbaa ka soo baxda fooda iyo gadhka iyo finan uu jidhkani caan ku yahay.

Hadaba, dawada kaliya ee lagu yarayn karo finankaas, waa jermiska oo lala dagaalamo, wajigan oo aroortii iyo habeenkiiba laga saaro waxa loo yaqaano (dead skin) jidhkan saliidiisa waxa lagu yarayn karaa maydhis badan iyo qalajin badan, qofkoo isticmaalaya tuwaal yar oo jilicsan ama (plottingpaper), jidhkan iyo dhibaatadiisa ayaa ku dhaca dumarka 40%, kaasoo sababa, finan cas cas, finan mad madoow, jidh wax diida hadhoow, iyo cun cun.

Jidhkan ayaa hal faaiido u leh dadka leh, gaboowgu kuma soo deg dego wajigooda, halka dadka (dry skin type) lehi ay markaaba iyagoo yar wajiga ka gaboobaan. Se hadana jidhkan saliida leh ayaa runtii dhib aad u badani ka haysta hablaha leh, hablo aad u badan oo ila soo xidhiidhayna ay lahayeen jidhkan saliida leh, hadaba sidaan kor ku soo sheegay, dhibtiisa aad u badan, jeermiska iyo uskagaa u gudbaya jidhka hoose ee ka galaya dalaalka jidhka (pores) ayaa sababa dhibaatada dadka saliida leh.

Sida hoos ku qoran waxyabahanaa la yeesha marka la nadiifin waayo ama loo isitcmaali waayo waxyaabo loogu tala galaya oo caawiya saliida sida (facial cleanser) oo aad umuhiima in lagu sameeyo laba jeermalintii.!

-Finan yar yar oo cas cas(red spot)
-Dhabanada oo xoog u
-cas casaada (redness)
Finan mad madoow (blackheads)
-Finan waawayn oo dheecan leh (pimples Acne)
Waji wax diida (sensitive skin)

-Jidhsaliid badan (shiny skin)

Hadaba, walaalo hablaha somaliyeed qofkii jidhkiisu saliid leeyahay ee isku arka waxyabahan kor ku qoran, in aan walaalo arrintani marnaba wax maris ku tagayn, sida fikirka ay qabaan habloo dhami oo ah in tiiyoo dhibtani jirto hadana wax kale la sii mariyo. Walaalo marnaba caqli maaha in jeermis iyo uskag ku jira jidhka oo jidhka hoostiisa fadhiya hadana wax kale la sii mariyo, bal arrintan ha loo fiirsado!?qofkii awooda ha raadsado qofjidhka aqoon u leh oo ka caawiya, ka kalana bal intu nadiifin karo liindhanaan kolay tahay, ha isku dayo inuu jeermiskan la dagaalamo.

Hadaba cuntooyinkan hoos ku qoran way cawin karaan jidhka saliid leh (home remedies for oily skin)

Xabka beedka (white egg)

Beedkan xabki ahi aad iyo aad buu ugu fiicanyahay jidhka saliida leh, qofkii wuxu u isticmaalaya sida qasilka oo kale, ka bacdina biyo diiran ba lagu maydhaya wajiga.

Tufaaxa

Tufaaxani wuxuu aad ugu fiicanyahay jeermiska jidhka gala ayuu dibada u soo saraa, isagoo la ridqay ka bacdina wajiga la mariyo, ama isagoo sharaaba.

Liindhanaan

Liindhanaatu wa waxa ugu cajiibsan ee markaaba jidhka saliida leh caawisa, jidhka waxay u noqotaa qofkii aan awoodin (tonner) oo kale, waxanay u samaysa waxa loo yaqaan (Ph Balance) saliida taagan fooda iyo gadh ayay jidhka kale ku kala qaybisa, markaaa waxa odhan lahaa hablaha la kadeeda jidhkan saliida leh, waliba finanka leh way caawiyaa jidhkana way yar dhalaalisaa!

Boorash

Boorashkan waxa lagu daraa biyo yar in yarna wa kariyaa daqiiqado, ka bacdi wajiga la mariyaa sida (facial mask) wuxuu yareeyaa ama caawiya waxa loo yaqaabo (blackheads) waxaana isticmaali kara uun dadka saliida ku leh wajiga! Waayo waxaad arkaysaa hablo jidh qalayl ah leh oo marsanay booraj, waxbuu yeela jidhka aan loogu tala galin, muhiimada laga leeyahay ba ah inuu qalajiyo ama nuugo saliida, marka uu marsado qof jidhkiiso
qalayl yahay muxu u tarayaa!??

Babayga:

babaygaan ayaa ah mid isaguna aad u muhiima jidhkana qurxiya, cunistiisa iyo marsashadiisuba, isagana sida qasilkaa loo marsanayaa , wuxuu dibada u soo saara jeermiska ama (dead skin cells) lakiin kalida 10 daqiiqadood ba loogu tala galay in la marsanado!

Tamandho/yaanyo:

Tamandhadan ayaa iyaduna aad ugu fiican wajiga saliida leh, waliba dadka cas casaanka leh, jidhka way qaboojisa, daldalooladan way furtaa, markale waxay samaysa (Ph balance level) bay jidhka u samaysaa, jidhka way dhalaalisaa, finankana way yareeysaa. Markaa wa la ridqayaa wana la marsanayaa, tamadhadan waxa ku badan oo laga helaa fitamiin C oo jidhka quruxdiisa u fiican!

Biyo badan

Qofku wa inuu biyo badan cabaa, cuntooyinka bisbaaska lehna iska yareeya markay finan iyo cas casaanku jiraan, waxkastoo subagu ku badan yahay wa inuu qoku ka dheera, waayo jidhka saliida ayaa ku sii badata!

Tuwaal

Tuwaal cad oo ah nooca madax loo isticmaalo oo biyo kulul lagu shubo ka bacdina, marka wajiga la nadiifiiyo lagu uumiyo, uumiskan ayaa mid caawiya daldaloolada jidhka fura, ka bacdina waxa dibada u soo baxa jeermiskii. Intaa ka bacdi hadan biyoo qaboobaa deg deg loogu maydha wajiga si ay u xidhmaan!

Fiiro Gaara: waxyabahan kor ku qoran oo dhan waxa isticmaali kara uun oo aan ugu tala galay, waji saliid leh sidaan kor ku sheegay, qof jidhkiisu nooc kale yahay ma isticmaali ka.!??

Allaa Mahad leh

Amina Abdilahi Mohamed

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *