Siyaabaha Loo Kobciyo Caafimaadka Iyo Quruxda Indhaha

Indhaha oo ka mid ah lixda dareeme ee aanu aadamuhu nolol maalmeedkiisa uga maarmi Karin, waxa ay dhinaca kalana qurux u yihiin muqaalka wejiga ee qofka, quruxdooda iyo caafimaadkooduna waxa uu dhammaystir iyo astaan u yahay quruxda wejiga oo ay u muujin karaan dhalinyaro ama gabow, caafimaad ama xanuun, farxad ama murugo, firfircooni ama caajis iwm. Haddaba haddii caafimaadka indhaha iyo quruxdooda si fiican loo daryeelo, waxa aanay ku xidhan tahay hadba sida loo daryeelo caafimimaadkooda iyo badqabkooda.

Qormadan oo aynu ka soo xiganay Shabakadda wararka ee Alcarabiya waxa ay ka hadlaysaa noocyo ka mid ah cuntada oo kaalin mug leh ka qaata caafimaadka iyo quruxda indhaha, tusaale ahaan wanaajiya aragga, qurxiya muuqaalkooda isla markaana ka ilaaliya coodh-coodhka, madow ku samaysma hareerahooda ama hoostoosa oo kiish yar oo xaydh ururtay ahi ku samaysmo sida dad badan lagu arko, sidoo kale ka hortaga in timaha sunnayaashu dhammaadaan iyo in indhuhu bararaan. Waxa aana ka mid ah:

Baradhada:

Baradhadu waxa ay si yaab leh uga takhalustaa madowga ku samaysma indhaha hareerahooda, waayo maaddooyinka baradhada ku jira qaar badan oo ka mid ah ayaa caddayn dabiici ah ku sameeya maqaarka.

Isticmaalka – Baradhada ayaa diirka sare laga dhilayaa, kadibna sida sharaabka caadiga ah loo shiidayaa, kadibna tallaagadda / Qaboojiyaha lagu ridayaa. Baradhadaas sida sharaabka loo shiiday oo aad u qabow ayaa inta cudbi yar oo nadiif ah la geliyo la marinayaa indhaha hareerahooda muddo 15 daqiiqo ahna lagu deynayaa, markaa kadib biyo nadiif oo aan waxba lagu darin lagaga maydhayaa.

Shaaha cagaaran (Shaah Akhtar):

Shaaha cagaaran waxaa ku jira maaddooyin caawinaya dabcinta muruqyada ku xeeran indhaha, yaraynayana in ay bararaan.

Isticmaalka – Kiish yar oo ka mid ah Shaah Akhtarka (Lipton sidiisa u xidhan) ooh ore loo isticmaalay ayaa lagu ridayaa tallaagada/Qaboojiyaha muddo saacad ahna lagu deynayaa, kadibna indhaha inta la isku qabto isaga oo qabow dusha laga saarayaa marba il. Waxa ay muddo gaaban kadib indhuhu yeelanayaan dhalaal iyo qurux saayid ah.

Biyaha Maa’ Wardi:

Gobal yar oo cudbi ah ayaa lagu qoynayaa biyaha Maa’ Wardiga loo yaqaanno oo hadda laga helo dalkeenna dukaamada alaabada dabiiciga ah iibiya, kadibna waxaa la dul saarayaa indhaha oo la isku xidhay, muddo saacad ah ayaa lagu deynayaa. Waxa ay dabcinayaan  muruyada indhaha, waxa ay ka tirtirayaan dhammaan calaamadaha daalka iyo diifta, sidoo kale waxa ay indhuhu ka helayaan Faytamiinka nooca E looyaqaanno oo indhaha u kordhinaya dhalaal iyo qurux dheeraad ah.

Caanaha:

Caanuhu waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu fiican ee indhaha lagaga nadiifin karo ciidda, saxarka, iyo weliba hadhaaga  bootarrada iyo walxaha is dhalaalinta lagu sameeyo (Make up).

Isticmaalka- Gobal yar oo cudbi ah ayaa caano lagu ridayaa, kadibna la marinayaa cidhifyada indhaha iyo ilyarada (Halka xafajada laga soo qabto), iyada oo si aad u laddifan oo isha la dhowrayana loogu masaxayaa. Muddo 5 daqiiqo ah ayaana lagu deynayaa, kadibna biyo caadiya lagaga maydhayaa.  Waxa ay indhaha ka soo saarayaan wax kasta oo ay qalad tahay in ay ku jiraan, sida qashinka iwm.

Faasliinta:

Faasliintu waxa ay ka midtahay dufannada jidhka duxda fiican siiya, waxa ay sidoo kale nafaqaysaa timaha.

Isticmaalka – In yar oo faasliin ah ayaa lagu darayaa 10 dhibcood oo ah saliidda nooca loo yaqaanno saliid lawska oo ka mid ah waxyaabaha hadda iib ahaan looga helo dalka, kadibna isku jirkan ayaa iyada oo la adeegsanayo cudbi yar waxaa la marinayaa gunta hoose ee timaha sunnayaasha iyo xitaa xirribaha, habeen kasta, waxa ay ka daweynaysaa daadashada.

Malabka:

Malabka saafiga ahi waxa uu qurxiyaa indhaha, waxa uu tirtiraa hadhaaga boodhka iyo saxarrada ee indhaha ku jira, waxa aanu u sameeyaa dux u soo kordhisa dhalaal iyo qurux.

Isticmaalka – Dhibco malab ah ayaa isha lagu shubayaa, muddo 5 daqiiqo ah kadibna waxaa lagaga maydhayaa biyo cad. Waxaa muhiim ah in la hubiyo in malabku uu saafi yahay.

By: Kamaal Marjaan

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *