Waxtarka Shukulaatada Madow Ay U Leedahay Caafimaadka Hooyada Uurka Leh Iyo Ilmaha Ay Siddo

Cilmibaadhis ay dhowaan sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan jaamacadda Laval ee magaalada Quebec dalka Kanada ayaa daahfurtay in shukulaatada madow oo hore loogu ogaa in uu xaaladda nafsiga ah dejiyo dabeecaddana furfuro uu sidoo kalana raad caafimaad oo togan ku leeyahay caafimaadka hooyada uurka leh iyo ilmaha ay siddo.

Cilmibaadhistani waxa ay caddaysay in gabadha oo xilliga uurka cunta shukulaatada  guud ahaan iyo gaar ahaan nooca uu ku jiro xaddi badan oo ah isku-dhiska Flavanols ay xoojiso koritaanka ilmaha uurka ku jira, in uu madheerta ka caawiyo in hawlaheeda ay si habsami iyo tayo badan u gudato iyo in uu yareeyo khatarta dumarka qaar ku dhacda ee loo yaqaanno sumowga uurka iyo dhibaatooyin kale oo xilliga uurka iman kara.

Tijaabooyin lagu sameeyey 129 dumar ah oo leh uur toddobaadkii 11naad illaa 14naad ku jira, kuwaas oo muddo 12 toddobaad ah qayb ka mid ah la siinayey 30 giraam oo ah shukulaato leh maadadda Flavanols, qaybta kalana shukulaato oo ay ku yar tahay maadadda Flavanols, si joogto ahna loola socday caafimaadkooda iyo caafimaadka ilmaha ay sidaan, aakhirkii markii ay umuleen madheertooda baadhis lagu sameeyey laga ogaaday in ay ka xooggan tahay kana waxtar iyo tayo badan tahay madheerta hooyada aan shukulaatada badan cunin.

Waxa ay khubaradu sheegeen in madheertu ay qabanaysay shaqo ka badan in ay quudiso oo nafaqayso ilmaha oo keliya, taasina ay keentay in ilmaha caafimaadkiisu wanaagsanaado miisaankiisuna fiicnaado.

Check Also

cabitaano dabiici ah, subaxdii, aroortii

Cabitaanno Ku Wanaagsan In Qofka Uu Cabbo Aroortii Oo Uu Maalintiisa Ku Bilaabo

Dadka u diran caafimaadkoodu waxa ay marar badan ka fikiraan cabbitaanka caafimaad ahaan ugu fiican …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *