Waxtarka Saliida Qumbaha (Coconut Oil)

saliida qumbaha, faaidooyinka saliida, qumbe timahaCilmi baaris lagu sameyeey aya lagu ogadey in saliida qumbaha iney jirka ka caawiso in uu iska difaaco fayraska iyo bakteeriyada. waa saliid aad u qimo badan oo ay tahay inay guri walba taalo. Maqaarka ayaa mar la marsadaa, marna wad qadaneysaa, xata cuntada ayaad ku karsan kartaa. Saliida qumbahu waxa ay xamili kartaa dab aad u kulul. xaga saliidaha kale aaney xamili karin. waxaa muhim ah iney Saliida aad isticmaleysid ay ahaato mid dabiici ah (Organic ) oo saafi ah.

Faaiidooyinka saliida qumbaha:

  • Saliida qumbuhu 90% waxay ka samaysan tahay dufanka acidka leh ee loo yaqaan “Fatty Acids” kaasoo waxtar weyn u leh jirka bini’aadanka. dufanka kale markii uu qofka cuno waa in jirka uu kala soocaa balse dufanka saliida qumbaha marka uu jirka galo waxaa si toos ah loo geeyaa beerka si tamar ahaan loogu isticmaalo. Marka dufankaan tamar ahaan loo isticmaalana waxuu dawo u yahay qalalka iyo cudurka laleebabada oo ah mid ku dhaca qayb ka mid ah maskaxda oo kontaroosha dhaq dhaqaaqa muruqaha.
  • -Qeybo ka mid ah dunida waxay u tahay cunto aasaasi ah, qarniyo badan ayayna cunayeen. Waxaa jirta qowmiyad loo yaqaan “Tokelauans” oo dagta qeyb ka mid ah dalka New Zealand  cilmibaaris lagu sameeyay qawmiyadaas waxaa lagu ogaadey in aananba lagu arkin xanuunka wadna qabadka (heart attack) kaasoo ka yimaado xidada wadnaha oo xirmo, sababtuna waxay tahay in cuntada ay cunaan boqolkiiba 60% waa geedka qumbaha.
  • Cayilku waxaa uu ka mid yahay dhibaatooyinka ugu waa weyn dunida maanta haysta. Saliida qumbuhu waxay ka mid tahay waxyaabaha yareeya cayilka. Waxaa jirta daraasad ku talisay waxaa jirta  in hadii la qaato 15 illaa 30 gram oo qumbo ah maalintii in ay gubayso 120 kalari oo jirka ka mid ah. Hadaba hadii aad rabtid inaan cayilka iska ridid ku dadaal isticmaalka saliida qumbaha adigoo ka foogaanaya dawooyinka halista badan ee la sheego in cayilka lagu yareeyo.
  • Saliida qumbaha waxaa ku jira aashito loo yaqaan lauric acid taasoo awood u leh inay disho noocyada kala duwan ee Jeermiska sida fangaska bakteeriyada, iyo fangaska.
  • Saliida qumbaha waxay yareeysaaa khatarta cudurka kolestaroolka ama dufanka dhiigga.
  • Saliida qumbaha waxay timaha ka ilaalisaa waxyeellada waxayna qoyskaa maqaarka. Korka iyo timaha ayaa la marsadaa waxayna hagaasisaa muuqaalkooda. Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu arkay in saliida qumbuhu ay u fiican tahay dadka maqaarkoodu qalalan yahay.
  • Fatty Acids ka ku jira qumbaha waxuu uu wanaajiysaa shaqada maskaxda, waxaana uu yareeyaa khatarta cudurka dhimir beelidda ee loo yaqaan “Alzheimer’s”.
  • Saliida qumbaha waxay yareysaa khatarta qallalka. Tijaabo lagu sameeyay caruur qabtay cudurka qallalka oo cunto looga dhigay qumbe ayaa lagu arkay inuu qumbuhu uu caawin karo inuu yareynta qallalka.

Check Also

cabitaano dabiici ah, subaxdii, aroortii

Cabitaanno Ku Wanaagsan In Qofka Uu Cabbo Aroortii Oo Uu Maalintiisa Ku Bilaabo

Dadka u diran caafimaadkoodu waxa ay marar badan ka fikiraan cabbitaanka caafimaad ahaan ugu fiican …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *