Waxtarka Qorfaha Iyo Sida Loogu Daaweeyo Xanuunada Qaar

Qorfuhu (Cinnamon) waa geed aad looga isticmaalo dhulka Soomaalida  wuxuu ka baxaa wadamada India, Sri Lanka, Indonesia, Brazil, Viettnam, Egypt, China iyo madagascar.

Qorfaha waxaa lagu darsadaa cabitaanka iyo cuntooyinka sidoo kale geedka waxaa laga isticmaala qolofta meraxda iyo saliidiisa.  Baaris la sameeyay ayaa waxaa lagu sheegay in maadoyinka saliidisa laga helo ay kala yihiin Eugenol, cinnamaldehyde, methoyycinnamaldehyde, cinnamylalcohol, cinnamylacetate, cinnamic acid, Oligomeric, Cinnzelanol, Cinnzeylanin, mucilage iyo proanthocyanidins.

Dadkii horay waxay u isticmaali jireen soo bixinta timaha  dadka bidaarta leh waxa kale loo isticmaala daweynta dhawacyada fudud.

Faaidooyinka kale ee qorfaha waxaa ka mid ah:

-waxaa lagu daraa geedkaan cuntooyinka iyo shaaha si uu u carfiyo.

-Caleenta geedka qorfaha waxaa loo isticmaal shaah dhireed (herbal tea) oo inta la kariyo ayaa la cabbaa.

-Saliidda laga sameeyo caleenta geedka qorfaha waxaa lagu daaweeyaa cudurada  jeermiska, cuncunka, anti-biyootik ahaana waa loo isticmaalaa, sidoo kale cudurada wadnaha, xanuunada guud, roomatiisimada iyo lafa xanuunka.

-saliida qorfaha waxay la dagaalantaa nabarada caloosha, dhawacyada iyo illka xanuunka.

-Inta badan waxaa loo adeegsada qadashada qorfaha inuu kor uqaado difaaca jirka waliba hadii lagu daro malab wuxuu keenaya fiitamiino kala nooc ah iyo birta  wuxuu kor uqaadaa unugyada dhiiga cad-cad (W.B.C) kuwaaso ka hortaga bakteriyada iyo cudurada halista ah.

-Qorfaha waxaa  loo isticmaalaa xanuunada ay ka mid yihiin: gaastarigta, sonkoroowga,  cudurada dhimirka, dhiig karka, hargabka, qandhada, socodsiinta caadada dumarka iyo daalka. Isku darso malqacad/qaado malab ah iyo malqacad qorfe ah. Daawadaan ka kooban malabka iyo qorfaha waxay sidoo kale hoos u dhigtaa in jirku keydiyo baruurta.

-Qorfaha iyo malabka waxaa lagu dhaashadaa wajiga si loo baabi’iyo finanka

Fiiro gaar ah: Dumarka uurka leh waa inayan u isticmaalin si xad dhaaf ah, iyadoo loo sababeenayo toobnida uu toobayo ilma galeenka ama ciriir uu ka dhigayo.

Check Also

cabista caanaha geela

Nafaqada Iyo Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *