Baro Faaidooyinka Caafimaadka Ee Muuska

Muusku wuxu ka mid yahay Khudradaha ugu caansan aduunka. Khudrada muuska oo ka mid ah khudradaha sida joogtada ah ay soomalidu u cunaan ayaa leh Faaidooyin farabadan kuwaas oo badankoodu kobciya caafimaadka Jidhkeena. Halkan waxa lagu soo koobi doona Faaidooyinka ugu muhimsan muuska.

1. Muusku wuxu ka koobanyahay 3 sonkorood (SUGAR) oo kala ah Sugaros, Fractose iyo Glucose iyo waliba maadada loo yaqaano (fiber) ama gas waxayna dhamaantood ka qayb qaatan sidii Enerygy loo siin lahaa Jidhka.

2. Muusku wuxu dawo ka yahay isku Buuqa ama warwarka madax xanuunka leh, cunidiisa aad ayay u yaraysa sida ay sheegtay daraasad lagu sameeyay Maskaxda bani aadamka.

3. Muuska waxa ku jira Vitamin loo yaqaano B6 kaas oo caadi ka dhiga Glucoseta-ka ku jirta dhiiga dawana ka ah cudurka loo yaqaan PMS.

4. Muusku wuxu dawo ka yahay cudurka Anemia ama birta oo ku yaraata dhiiga isagoo kordhiya soo saarka Hemoglobinka.

5. Muusku wuxu dawo ka yahay kor u kaca cadaadiska dhiiga iyada oo ay ku badantahay Maadada loo yaqaan Potassium oo ay ku yartahay milixdu taas oo aad u yaraysa kor u kaca cadaadiska dhiiga.

6. Muusku wuxu awood badan siiya maskaxda isago kor u qaada energyga Maskaxda.

7. Muusku wuxu faaido badan u leeyahay qofka joojinaya cabista sigaarka ama Tobbacada.

Iyo waliba Faaidooyin kale oo badan hadaba aynu wada ogaano Faaidoyinka Cunista Muuska

By:  Haji Mustafe Haji Farah

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *