Waxtarka Huruuda Iyo Xanuunada Ay Dawayso

Huruuda oo afka qalaad lagu yiraahdo Turmeric ama Curcuma ayaa dawo ahaan loo isticmaali jiray kumanaan sano ka hor dalalka India iyo China. Dhowrkii sano ee u dambeeyay ayay saynisyahanadu iyo cilmi baarayaasha casriga ahi ogaadeen in huruudu tahay dawo dabiici ah oo lagula tacaali karo xanuuno badan

Sidoo kale mudo aad u dheer ayay dadku u isticmaalayeen xawaash ahaan maadama cuntada ay u yeesho dhadhan macaan iyo midab qurxoon.

Hadaba xanuunada ayay huruudu dawada ka tahay waxaa ka mid ah:

  1. Niyad jabka:

Hurudu waxay dawo ka tahay niyad-jabka iyo diiqada, waxaa arrintaa lagu ogaaday daraasad lagu sameeyay 60 qof oo qabay cudurka niyad jabka ee loo yaqaan major depressive disorder (MDD). Waxaana la arkay in huruudu ay ka waxtar badan tahay dawada ugu caansan aduunka ee niyad jabka (Prozac).

2. Hur-bi’iye (Anti-inflammatories):

Maadada Curcumin ee ku jirta huruuda waa hur ama lur-bi’iyaha ugu awoodda badan, waxay dhinaca awoodda la mid tahay dawooyinka hur-bi’inta sida aspirin iyo ibuprofen. Xanuunada hurku sababo waxaa ka mid ah, kansarka, riixada, kolesteroolka sarreeya, iyo xanuunada raaga.

3. Maareynta lafo xanuunka:

Maadada curcumin ee ku jirta huruuda sidaan kor kusoo sheegnayba waa lur bi’iyaha ugu awoodda badan waxay yareysaa kaarka, tijaabo ayaa sameeyay 45 qof oo qaba roomaatiisamka, waxaana dadkaan loo qeybiyay 3 qeybood: Qeyb waxaa la siiyay maadada Curcumin, qeybna waxaa lasiiyay diclofenac, qeybna waxaa la iskugu daray Curcumin iyo diclofenac.

Natiijada kasoo baxday  waxay ahayd mid cajiib ah, waxaa la arkay in dadkii qaatay Curcumin ka xanuun yaraadeen kuwii kale.

4. Daaweynta kansarka:

Sida lagu arkay daraasado la sameeyay  maadada Curcumin ee ku jirta huruuda waxay dhishaa unugyada kansarka waxayna ka hortagtaa koritaankooda. Waxay sii aad ah ula dagaalantaa kansarka naasaha, kansarka mindhicirrada, kansarka caloosha iyo kansarka maqaarka ku dhaca.

5. Maaraynta macaanka:

Huruudu waxay yareysaa sonkorta dhiigga, waxay awood siisaa hormoonka insulin. Huruuda waxaa loo arkaa dawada dabiiciga ah ee ugu fiican ee cudurka macaanka. Daraasad ay samaysay Auburn University waxaa lagu sheegay in huruudu ay 400 jeer ka awood badan tahay dawada ugu caansan ee loo adeegsado cudurka macaanka (gaar ahaan nooca 2-aad) ee loo yaqaan Metformin.

6. Daaweynta xanuunada caloosha:

Tijaabooyin lagu sameeyay maadada Curcumin iyo awoodda ay leedahay baabi’inta hurka xanuunka mindhicirrada ayaa lagu arkay in bukaannadii ay xaaladoodu aad u hagaagtay kadib markii  ay qaateen maadada Curcumin isla markaana ay ka maarmeen dawooyinka hur-bi’inta ee Corticosteroids.

7. Xakamaynta dufanka:

Huruudu waxay yareysaa dufanka dhiigga mana lahan waxyeello (side effects). Dawooyinka loo isticmaalo kolesteroolka sida Lipito waxay waxyeello gaarsiiyaan kilyaha iyo beerka. Dhakaatiirta ayaa  haatan bukaannada u qora dawooyinka dabiiciga ah sida huruuda iyo saliida kalluunka.

8. Xanuun baabi’iye:

Awooddaha ugu waa weyn ee maadada Curcumin waxaa ka mid ah xanuun baabi’inta. Waxaa jira daraasad Mareykan ah oo ku talisay in huruuda lagu daweeyo xanuunka dadka gubtay.

9. Qurxinta Jirka: 

Huruuda waxaa loo isticmaalaa qurxinta jirka, taasoo aad looga adeegsado dalkeenna, waxay ifisaa maqaarka, waxay yaraysaa findoobka iyo nabarrada wajiga ka soo baxo.

Huruuda cuntada ayaa lagu darsan karaa huruuda iyadoo loo isticmaalayo xawaash ahaan ayaa suugada ama maraqa ama bariiska lagu darsadaa, shaaha iyo caanahana waa lagu qasan karaa.

Waxa muhim ah in qofki qaba xameetida ama bile obstructions iyo dumarka uurka leh aay la socood siyan dhakhtarkooda intaanay qadaan.

Check Also

cabitaano dabiici ah, subaxdii, aroortii

Cabitaanno Ku Wanaagsan In Qofka Uu Cabbo Aroortii Oo Uu Maalintiisa Ku Bilaabo

Dadka u diran caafimaadkoodu waxa ay marar badan ka fikiraan cabbitaanka caafimaad ahaan ugu fiican …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *