Waxtarka Hurdada Iyo Inta Saacadood Ee Qofka Caadiga Ah Ku Filan

Nin baa u tagay dhaqtar isagoo ka cabanaya hurdo la’aan. Baaritaan dheer ka dib dhaqtarkii wuu waayay wax dhibaato caafimaad ah oo bukaanka haya.

“Saaxiib, ma kula taliyaa”, ayuu dhaqtarkii ku yiri bukaankii. “Marka habeenkii aad seexanayso sariirta hala tagin shidooyinka gaarka kuu ah ee aad maalintii wajahdo.”

“Haah”, ayuu la soo booday bukaankii. “oo habeenkii xaaskaygu ma doonto inay kaligeed sariirta si nabad ah ugu seexato.” LOL

Seexashada waqti kugu filan waxay qayb ka tahay helid caafimaad jireed iyo mid maskaxeedba. Qofka aaadamiga ah wuxuu u baahan yahay ugu yaraan7-8 saacadood.

WAXTARKA HURDADA

1.DIFAACA JIRKA: Qofku markuu seexdo hurdo ku filan waxaa kordha awooda difaaca jirka ee uu kaga hortagayo cuddurada ay keenaan Baakteeriyada iyo firusyada.

2.TAYADA CAQLIGA: Marka qofku seexdo waxay culumada sayniska hurdadu isku raaceen in weli maskaxdu shaqaynayso oo ay ku mashquusho kaydinta iyo isku aadinta xirfadihii iyo waaya-aragnimadii maanta qofku soo kororsasday. hurdo ku filan waxay qofka siisaa xasuustiisa oo kororta halka hurdo la’aantu la timaado ilowsho badan.

3.KA HORTAGA CAYILKA : Cilmi-baaris dhawaan la sameeyay waxaa lagu ogaaday inay isku xiran yihiin hurdo la’aanta iyo ciyilka saa’idka ah ee aan la dhimi karin.

4. CUSBOONAANTA MASKAXDA: Ka soo qaad inaad maanta oo dhan aad shaqaynaysay, waxaad ka daashay murqihii iyo maskaxdiiba. Maskaxda iyo jirkuba waxay u baahan yihiin nasiino. Haddii Nasiino la waayo waxaa imaada daal murqaha jirka iyo maskaxda oo lulmoota. sidaas awgeed maskixiyan qofku ma cusba oo ma faraxsanaanayo. Waxaa qofka ku dhaca welwel iyo xanaaq iyo dabeecad kulayl.

5. CAAFIMAAD-DARO: Qofku marka uusan seexan waqti ku filan wuxuu u nuglaadaa inay ku dhacaan xaaladaha dhiigkarka, kaadi-macaanta, qulubka, welwelka iyo cayil saa’id ah.

6. KORRIINKA: Carruurtu caadiyan waxaa nudayaasha jirkoodu koraa xilliga habeenkii ah oo murqaha iyo maskaxduba nasanayaan. Sidaas awgeed, carruurta aan habeenkii seexan ama qaba cuddurada hurdada carruurta u diida sida caburka iyo neef-qabatinka waxay u nugul yihiin inaysan si fiican u korin.

QOFKA CAADIGA AH MEEQA SAAC OO HURDO AYUU U BAAHAN YAHAY

Qofka qaangaarka ah 24kii saac wuxuu u baahan yahay 7-8 saac oo hurdo ah, halka carruurta kurayda ah u baahan yihiin 9 saac, dhallaanka yar yarna ilaa 10 saac. carruurka sabiga ah(Babies) waxay u baahan yihiin ilaa 16 saac.

WAXYAALAHA HURDADA CARQALADEEYA

Shaaha, kafeega, Qamrada iyo qaadka ayaa ah waxyaalaha ugu waawayn ee dadka ka hor-istaaga inay hurdo ku filan seexdaan. sidoo kale, waxaa jira noocyo daawooyin ah oo bukaanka marka loo qoro ku keena hurdo la’aan.

OGOOW SIDA KAFTANKA MAQAALKA BILAABAY DHIBAATOOYINKA QOYSKUNA HURDO LA’AAN BAY KEENAANE WAAYO QOYS ISKU QAYLIYA HABEENKII MARKII LA SEEXAN LAHAA HURDO LA’AAN BAY KEENTAA.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *