Waxtarka Caafimaad Ee Baamiyaha

baamiyahaCilmibaadhis ay samaysay Valery Aspenas oo ah haweenay caan ka ah dalka Faransiiska oo ku takhasustay Nafaqada iyo faa’idooyinka cuntada ayaa iftiimisay in Baamiyaha ay ku jiraan maaddooyin badan oo aad ugu fiican caafimaadka qofka.

Daraasaddan aynu soo turjunay waxa ay daahfurtay in Baamiyuhu uu qani ku yahay Faytamiin C, isla markaana uu si weyn u caawiyo isu-dheelli-tirka iyo nidaaminta sonkorta iyo Kalastaroolka jidhka ku jira. Daraasaddu waxa ay sheegtay in maadaama oo asiidhka Folic Acid ku badan yahay Baamiyaha uu yahay khudradaha cunistoodu aad ugu fiican tahay dumarka xilliga ay uurka leeyihiin.

Daraasaddan aynu kasoo xiganay  wakaaladda wararka ee Sharqal Awsat waxa ay intaas ku dartay in Bamiyuhu uu u fiican yahay caafimaadka kelyaha isla markaana uu maqaarka (Jidhka) kala dagaalamo coodh-coodhka iyo astaamaha gabowga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *