Waxbarashada & Teknolojiyadda

waxbarashada iyo teknolojiyadaCasriga aan ku noolnahay maantay waa casrigii technology-yada sidaa darteed waxa maalinba maalinta ka dambeysa ku soo kordhaya dunida technology-yad cusub oo daboolaysa qaybaha kala gadisan ee nolosheena, hadii aan usoo daadagno dhubucda mawduuceena oo ah safarka aan ugu jirno waxbarashada waxaa jira qaybo kala gadisan ee technology-yad ah oo naga caawinaya sidii aan u heli lahayn aqoon cusub.

Technology-yada darteed ma noqon aqoontu mid u xiran qolo gaar ah, aqoontuna waxay noqotay mid u furan dadka qaybihiisa kala gadisan.

Waxaana qayb libaax ka qatay fiditaanka aqoonta (internet-ka) hadaba qisadaan yar akhri intaan u sii gudbin inta ka dhiman dhambaalkani.

“anigaan qoray dhambaalkaan hada aad akhrinaysid waxaan ka bartay internet ka wax aanan ka baran school iyo jaamacad, maalintii ugu horeysay ee aan cagaha soo dhigay waxaan ka bartay luqadda English ka design ka, samaynta, iyo horumarinta website yada, video editing ka iyo waxyaabo kale oo badan”

Hadaba halkaan waxan ku soo koobayaa khibradayda iyo qaabka ugu wanaagsan oo aad raaci lahayd akhriste si aad internet ka cilmiga ku jira ula baxdo.

  1. YouTube

Hadii aad diyaar u tahay inaad internet ka wax ka barato maanta laga bilaabo iska yaree inaad youtube ka u isticmaasho inaad heeso, video-yo ila qosol ah iyo xayawaanada ka daawato. Kana dhigo youtube ka macalinkaaga koobaad, raadi channel lada khuseeya qaybta aad barato waxaadna ku samaysaa subscribe si aad u hesho video yada cusub ee lagu soo daro channel kaas.

2.Facebook / Twitter

facebook / twitter ha ka dhigan kuwo waqtiga kaa dila, ka dhigo kuwo aad wax ka faa’ido pages ka iyo dadka aad is leedahay aqoonta aad raadinaysid inay kaga waayo aragsanyihiin la soco had iyo jeer. Sidoo kale waxaa ku biirtaa group yada aqoonta la isku dhaafsado si wixii su’aal ah aad u waydiiso bulshada ku jirta group yadaas aadna uga hesho jawaabtaa raadinaysay.

  1. Website-yada

Tijaabadayda hadii aan kuu soo gudbiyo, marka aad internet ka wax ka raadinaysid waxay kaa qaadanaysaa waqti iyo inaad google wax badan weydiiso si aad u hesho website-kii sax da ahaa ee aad ka heli lahayd waxa aad raadinaysid, hadaba maalin kale hadii aad u baahato isla website kii ama website-yadii aad ka heshay wixii aad raadinaysay waxay noqonaysaa inaad intii oo kale marto mar labaad iyo mar walba oo aad u baahatid, waxaaba laga yaabaa website kii magaciisa inaad ilowday ama linkigii, hadaba si uu waqti kuugu dhaqaaloobo ama aysan saasoo kale kuugu dhicin waxaad ku book mark gareysataa (Save gareysataa) browser ka aad isticmaalayso si biri ka maalin hadii aad u baahato aad click kaliya ugu siiso.

Liis Channel-lo ama website yo aad ka helaysaan aqoon free ah:

waxan filayaa inaad ka faaidaysan doonto, maantay laga bilaabona aad noqon doonto mid ka mid ah dadka fara ku tiriska ah ee ka faaidaysta waqtigooga iyo technology-yada.

Qore: Cabdullaahi Yusuf Muuse

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *