Waxaa Xaqiiq Ah In….

Waxaa xaqiiq ah:

– Kali noolashiyuhu ( in aad kaligaa noolaato ) waa Dhibaato amaba Ciqaab.
– Dad xun in aad la noolataase ka imtixaan iyo dhib badan.
– In aad saaxib xun yeelatana waxaa ka wanaagsan in aad kali noolaato.

Hadaba hadii aan ognahay in ay adag tahay in bani’aadamku uu kali noolaado inuu saaxiib xun yeeshana ay ka wanaagsan tahay inuu kali noodaado , waxaa jirta fursad kale oo kenaysa in uusan kali noolaan Taasoo ah

Qof waliba waxa uu awoodaa oo gacantiisa ku jirta inuu doorto cida uu soo dhawaysanayo iyo qaabka ay u ekaanayso , Waxaase aad u adag inuu qofku badalo dhammaan dabeecadaha iyo dhaqamada ay leeyihiin asaxaabtiisa .

Sidaa awgeed waxaa habboon in aad marka horreba ka fiirsato cida aad ka dhiganayso saaxiib oo ay noqoto cid diin leh oo dhaqan iyo dabeecad wanaagsan leh waayo marka koowaad adiga ayay gacantaada ku jirtaa cida aad u dooranayso in ay noqoto Saaxiibkaaga amaba Saaxiibadaada .

Isku day ina aad doorato saaxiib wanaagsan waayo saaxibka wanaagsan waxaa dhici karta lafadhigiisa oo kaliya in uu ku anfaco oo Alle (SW) dambigaaga ku dhaafo.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *