Waxyaabaha Keena In Jidhku Qalalo Iyo Sida Looga Hortago

Assalaamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuh.

Wax yaabaha caadiga ah ee keeni kara in dubku qalalo.

Waxyaabaha keeni kara in uu dubka jidhku qalalo aad ayey u faro badanyihiin. Waxaay noqon kartaa xaalada jidhka dibada uga timid iyo mid jidhka gudihiisa ka imanaysa. Waxay noqon kartaa mid la xidhiidha xanuun, nafaqo daro, jawiga kala gadisan iyo isticmaalka cosmetics .

Haddii ay jirto xaalad xasaasiyed oo ka timid waxyaabaha cosmetics ka ee la isticmaalo ama waxyaabaha guriga loo isticmaalo way keeni karaan in uu qofku xasaasiyed qaado oo uu jidhku qalalo. Marka uu qofku uu kolba sii waynaanayo na isbadallo badan ayaa ku iman kari maqaarka iyo jidhkaba. Waxaaba dhici karta in aad xasaasiyed aad ku yeelatid wax aanad horay xasaasiyad uugu lahayn. Waxaa kale oo dhici kara in xitaa uu qofku ku yeesho xasaasiyed waxyaabo hore uusan u isticmaalin. Kuwaas oo noqon kara waxayaabaha cosmetics, waxyaabah wax lagu dhaqo,saabuunaha iwm. La soco marka uu jidhku dhidhsan yahay ama midabkiisu isbadalayo.

Islamarkaana raadi meesha ay ciladu ka timid ama wax yaabaha aad isticmaashay. Haddii aynu ka faaloono dadkeena soomaaliyeed sidaynu u badan nahay waxaanu nahay dad aan naftooda daryeelin, intabadana waxaan cunaa cuntooyin aanan ku jirin nafaqoyin isku dheeli tiran iyo waxayaabaha jidhka kobciya sida dufanka wanaagsan ee jidhka ee good colesterol ka ah ku waas ooy ka midyihiin dufanka Omega oo kala ah omega-3 omega-6 iyo omega 9 oo dhamaantoodna laga helo, midhaha, kaluunka iyo dhirta oo ah dufanka ka hortaga colesterol ka xun, kobciyana colesterol ka wanaagsan, jidhkana dufankiisa dabeeciga ah daryeela ama ilaaliya. Waliga dufanka Omega waxa uu jidhka u taraa waxtar aad u wayn kana hortagaa cuduro aad u fara badan. Waxaa kale oo ah lagama maarmaan si uu jidhkaaga meelo badan sida maqaarka, indhaha, timaha ,dabnaha iyo cidiyuhu si ay u badbadaan waa inuusan vitamin B-total kaa maqanaanin. waxayaabaha kale ee la xidhii kara jdihaka oo qalala waxaa ka mid ah hurdo la´aan , calool istaaga iyo. jidhka oonan helin biyo kufilan

Hurdada uugu fiican ee jidhku ku kobcaa waatan ah inta u dhaxaysa 7-8 saaco, Ugu badnaan 8 saaco ugu yaraana 7 saaco adigoo markaana hurdadaada habeen ku dadaalaya kana bilaabaya 9 ama 10 habeenimo. Sababta hurdada habeenkii oo la waayaa ay u keeni karto dry skin ama jidhka oo qalaala waxaa weeye habeenkii dhiiga ayaa isa sifeeya, unugyada baa isa saxa oo jidhka ayaa ku nasta. Amaase xagga biyaha, jidkeenu waxa uu ka kooban yahay 70-75% waa biyo. Maadama uu jidhku markiisa horaba uu biyaha intaa leeg ka koobnaa waa lagama maarmaan inaad biyo kugu filan maalintii aad cabtid. Waayo jidhka meelkasta oo ka mid ah iyo unug kastoo ka mid ah si uu hawshiisa u guto wuxuu u baahan yahay, oxygen, biyo , hurdo wacan iyo nafaqooyin isku dheeli tiran. Haddii kala xubin walba hawsheedii nusqaan baa ku imanaysa cilado aad u fara badana way imanayaan. Maalintii ugu yaraan waa inaad cantaa 2 liter oo biyo ah (qofka buka sida kalyaha iwm dhakhtarkiisa u sheegaya qiyaasta). Caloosha oo taaganina way keentaa qalaylka jidhka. Haddii uusan midhiciradu nadiifoobin oo maalinkasta qofku calooshiisu bixin waxaa ku imanaya dufanka midhicirada hoos u dhac la xidhiidhi kara maqaarka.

Haddii uu yahay jidhakaagu mid aad u qalalan, isku day inaad isticmaashid alaabaha organic ama dabeeciga ah ee waliba bilaa cadar iyo bilaa permufes ka ah, waxaa laga yaabaa in ay ku caawiso.

Isbadalada ay cimiladu u keento jidhka.

Haddii aad dagan tahay, ama imikaba u soo guuray meel ay cimiladeedu tahay mid qalalan, waxa uu u baahanayaa jidhkaagu qoyaan saa´id ah. Marka laga soo baxo cimli oo laga cimilo kale kali ayaaba ukeeni kara maqaarka isbadal. Haddii aad tahay qof maqaarkiisu yahay sansitiv waaba ka sii xag jiraa. Tusaale ahaan marka uu qabowgu badan yahay ama winter ku jiro oo waliba hawo qaboobina socoto waxa ay kaa qaadanaysaa hawado qoyaanka jidhka. Waxa haboon in aad markaa isticmaashid cream culus oo kusiin kara qoyaan badan, adigoo markaana iska ilaalilanaya cream yada ay walxaha khatarta ahi ku badan yihiin ama ku jiraanba.

Isticmaalka cream yada ama anti-age cream.

Haddii aad isticmaashid cream ama saabuuno khaldan khaasatan kuwa ka hortaaga dada waxa ay keeni karaan in ay cilid ku timaado maqaarka. Waxaa haboon inaad baratid habka wanaagsan ee maqaarka loo nadiifiyo, adigoo markaana isticmaalaya waxyaabo naturels ah oon wax sun ama dhibaato ah lahayn. Waanad isticmaali kartaa cream ama scrub loogu tala gala maqaarka, balse iska hubi waxyaabaha kujira. Haddii aad isticmaalaysidna waxyaabaha anti-age am aka hortaga dada iska hubi inay ku jiraan (retinol) waa walax jidhka qalayl ku ridi karta.

Gabowga.

Maraka uu qofku waynaado oo kolba da ku biirto waxaa ku ibaada maqaarka isbadal aad u wayn. Wuxuuna jidhku waayaa subagiisa dabeeciga ah ee uu Allah ku abuuray. Markaa waxa uu jidhku u baahan yahay in la qooyo oo loogu dadaalo in la ilaaliyo inuusan dhamaanin subaga dabeeciga ah. InshaAllah waxaan soo diyaarin doona vedios ku tusaya sida loo ilaalin karo maqaarka.

Si khaldan oo maqaarka loo nadiifiyo .

Haddii aad si khaldan u nadiifisid waxa ay keeni kartaa maqaarka oo is badala. Waxaa haboon inaad baratid habka wacan ee loo nadiifinayo maqaarka. Isticmaal mar walba body scrub waliba adigoo samaysanay home made body scrub. InshaAllah ka baro video imandoona. Haddii kalan isticmaal product yada jidhka naaciimka u aha ee wax yeeladoodu yartahay. Haddii aad isticmaashid saabunaha caadiga ah ama sida saabun cadarta iwm waxa ay jidhka ka qaadanayaan subaga dabeeciga ah, markaana kuu gaysanaya qalayl.

Cabitaan yar iyo nafaqo darro.

Haddii ay kugu yaryihiin cabitaanka la cabo, khaasatan biya cad waxa ay kugu keeni karaan in uu dubku ku qalalo. Jidhku waxa uu u baahan yahay biyo badan. Biyohu waxa ay sifeeyaan jidhka iyo waliba qoyaan badan seeyaan unugyada kala duwan. Waxa uu qofku u baahan yahay ilaa 2 liter oo biyo ah maalin walba. Mida kale ee kuu soo raaci karta biyo la´aanta oo jidhkaaga qalaly ku keeni karo waxaa ka mid ah nafaqo daro. Adigoo markaa aanan cunin nafaqo isku dheeli tiran, khaasatan khudaarta, kaluunka, caanaha, digiraha, beedka, hilibka wanaagsan, vitamins, omega-3 omega-6 iyo omega- 9. Waxa aytaasina keeni kartaa inuu dubku qalalo oo cunada aad cunaysaa ay saamayso. Ku dadaal in aad markaa jidhkaaga aad dheeli tirtid.

Jidhka sensitive ka ah.

Ha iska dhago tirin jidhka sensitive ka ah, ee wax ka qabo si dagdag ah. Hana isku tijaabin wax walba waayo jidhkan ciladihiisa ayaa badan oo wax badana ma xamili karo. Waxaa jira products jidhkan noocan ah loogu tala galay oo wacan. La tasho Skin doctor ama qof khibrad u leh. Waxii xamaasad ku kicin kara jidhka sensitive ka ahna ku dadaal inaad ka dheeraatid.

La soco maaqaalada kale ee aad ka baran kartid sida loo daryeelo jidhka iyo maqaarkaba.

Baaraka Allahu fiikum

-Saamiyah

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *