Wax Ka Baro Xanuunka Qoor-Gooyaha

xanuunka qoor gooyahaMeningitis-ku ama Qoor-gooyaha sida soomaalida u taqaanno, waa cudur halis ah oo si dhakhso u dila caruurta iyo dadka waaweynba, wuxuu nafeeyaa, maskaxda, indho-beel ayuu keenaa ama dhagoolnimo, haddii aanan 24-ta saac ee ugu horreyso wax laga qaban.

Waa xanuun waaliddin badan ay ku waayeen caruurtooda maadaama si kadis ah uu ku billawdo, una eg xanuunnada leh qandhada iyo madax xanuunka laakiin ka helis badan, wax ka qabadkiisane waqti xadidan leh.

Meningitis waa infekshan ku dhaca xuubyada ku daboolan maskaxda iyo xangullaha lafdhabarta “Spinal Cord” dhex mar.

Markuu infakshanka ku dhaco, xuubyada ama dahaarka maskaxda way bararaan, kadibne qofka wuxuu dareemaa calaamada lagu garto xanuunka oo ah madax xanuun, qandho iyo surka ama qoorta oo togmato ama adkaato.

Xanuunka waxaa keeno dhowr nuuc oo jeermis oo kala ah feyras, bakteeriyo fangas intaba.

Dhibaatada xanuunka uu geesto waxay ku xiran tahay heerka uu xanuunka yahay inta aan daawada lagu bilaaban iyo nooca jeermiska ee keenay iyo haduu qofka qabo xanuuno kale iyo da’da uu jiraba.

Qofka markuu xanuunka ku dhaco waxay calaamadaha uga soo muuqdaan dhowr maalmood gudahooda wuxuuna dareema qandho siyaado ah iyo madax xanuun daran, qoorta oo taaganta, matag, wareer, qalal, dhacsanaan hurdo iyo iftiinka oo qofka dhibo, ama finan maqaarka ah haduu yahay nooca ay keento bateriyada loo yaqaano meningococcal.

Ilmaha da’da yar calaamadaha kore way ka duwanaan karaan in ay la yimaadeen laakiin hadii lagu arko, qandho siyaado ah, ooyin joogto iyo ilmaha oo iska hurda ama dhaqdhaqaaq iyo fircooni aan lahayn iyo iyagoo naaska ama caanaha diida iyo barar laga dareemo nushnushleyda waxaa dhici karto in meningitis uu qabo.

Dhibaatooyinka halista ah ee hadii cudurkaan aan la daaweyn laga dhaxlo waxaa ka mid ah:

Dhagoolnimo, Hilmaan, Waxbarashada oo caruurta ku adkaato, maskaxda oo naafowdo taasoo keeni karo jirka qeybo ka mid ah oo dhaqaaq lahayn, socoda oo qaldamo, qalal joogto ah, kilyaha oo howlgabo, qofka inuu miirka ka tago ama uu u dhintaba.

Fadlan xanuunkaan waa halis si sahal ah ayuuna caruurta iyo haweenka uurka leh iyo dadka duqooshinka u dilaa, hadii calaamadahaan kor ku xusan isku aragto sida ugu dhakhsiyaha badan ula xiriir isbitaal.

Xanuunka baaritaankiisa waxaa lagu ogaadaa, iyadoo lafdhabarta laga qaado dheecaanka maskaxda oo laga fiiriyo calaamado lagu garto qoor-gooyaha iyo nooca uu yahay intaba.

Qof kasta lagama qaadi karo dheecaankaas, waxaa jiro xaalado aan la qaadi karin sida haduu cadaadiska maskaxda ay sarreyso, oo helis ah haddii dheecaanka la isku dayo in la qaado.

Hadii xanuunkaaga waqti hore la helo, daaweyntiisa way sahlan tahay, waxaana lagu daaweeyaa antibiotic cirbado ah, waana xanuunada hadii laga shakiyo daawada horay laga bilaabo oo baaritaan lala sugin.

W/Q: Dr. Usama Cismaan

Check Also

qawadka

Sababaha Keena Qawadka Iyo Calaamadaha Lagu Garto

Qawadka  waxaa caafimaad ahaan loo yaqaan “Tinea versicolor”  waa cudur ku dhaca maqaarka waxaana sababa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *