Wax Ka Baro Vitamins-ka Ugu Muhiimsan Ee Jirku Aanu Ka Maarmi Karin & Cuntooyinka laga Helo

cuntooyinka vitamins-kaMaxeey yihiin vitamins-ka aan ubaahannahay? Jawaabteedu waa eey iska fududahay, oo waxaa waaye “Dhamaantood ayaan ubaahannahay”, maxaa yeelay midkasta oo kamid ah qeybaha kala gadisan ee aay Vitamins-ka leeyihiin wuxuu waxtar weyn uleeyahay qeybaha jirka, marka ay jirkeena kamaqan yihiin vitamis-ka waxaan dareenaa xaalad aan aheyn xaaladii aan ku sugnaan jirney ee caadiga aheyd sida: anagoo caajis farabadan, firfircooni la’aan, iyo jirkoo kunoqda sidii wax ku jabajaban oo kale.

VITAMINS-KA MAXEEY YIHIIN? INTEENA KAHELI KARNAA?

Xaqiiqdii vitamins-ku waa sheeyo ama wax yaabo jirka aad ugu baahanyahay, uuna shaqeyn Karin la’aantood si jirka uu uqabto waxyaabo kala duwan oo asaasi ah. Meelaha eeynu ka heli karnana waa cuntada eeynu cunno.

Hadaba cuntadaa noola sheegay in aan ka dhex heli karno vitamins-kaa muhiimka ah, ayaa waxaa loo kala qeeybiyaa afar qeybood oo kala aha sidan soo socota:

1) Kooda Qudaarta (The Fruit and Vegetable group):Fruits-and-Vegetables

qeybtan ayaa waxaa soo hoos galaya dhamaan wixii qudaar aha ama faakihaad ah ee bini aadamka cuno wax tarkana u leh sida: Karootada, Ansalaatada, Bagalka, Barbarooniga, Liimo banbeelmada iyo Dhanaantaba,Yaanyada,Tufaaxa ,Cinabka, Mooska, Cambaha ,i.w.m.

2) Kooxda Miraha(The Cereal group):cereals

kooxdan ayaa iyana waxaa ka mid ah :miraha aynu beerano sida: Galleeyda, taasoo aynu kasameeysno soorta , iyo wixii lamidka ah, Masagada oo iyadana aan kuba baaninaba qofka markuu jabo, ama lagu umulbixiyo dumarka Soomaaliyeed markay dhalaan, anfaca ay leedahay darteed.

3) Kooxda Hilibka(The Meat group):

MeatFishChickenEggskooxdan ayaa waxaa hoos imaanaya hilibka xalaasha ah ee ALLAAH u baneeyay umadiisa, sida: hilibka doorada, Malaayga, hilibka Geela ,lo’da, iyo kan ariga iyo idahaba, iyo dhamaan guud ahaan intii hilib leh ee Bad iyo barigaba joogta ee ALLAAH xaalaal kadhigay.Waxaa meeshan soo galaya Digirta oo laraacsiiyey qeybta hilibka. Dhinaca kale hilibka aan xalaasha ahayn masoo gali karo sida: kan Doofaarka oo kale ama hilibka baqtida ,maxaa yeelay ALLAAH waxa uu xaaraan kadhigaa waa wax dhib noo ah wax faa’iida ahine aysan inoogu jirin.Dhaqtarada reer Galbeedka dib ayeey ka ogaadeen in uu cuduro farabadan keeno cunitaanka hilibka doofaarka.

4) Kooxda Caanaha(The Milk group):

milkKooxdan ayaa ayadana waxaa hoos imaanaya caanaha xoolaha sida:kuwa geela , lo’da,=ariga, Idaha marka ay fareeshka yihiin iyo marka ay gasacadeeysan yihiinba . Marka qofka jirkiisa kama maarmayo in uu helo cunto isku dheeli tiran, si uu u helo taasna waxaa lagama maarmaan ah in uu qeyb ka cuno koox kasta oo kamid ah kooxaha aan kor kusoo xusnay.Sidoo kale khubarada cilmiga nafaqada ee loo yaqaan Nutritionists ayaa ayaguna hoosta ka xariiqaya arintaan.Cudurada ugu qatarsan ee kadhasha qofkoon helin cunto isu dheeli tiran, ayaa waxaa ka mid ah :Nafaqo darada ama “Malnutrition”.

NOOCYADA VITAMINS-KA IYO MIDKASTA WAXA UU INOO QABTO

Vitamin A:aan ku bilaabee wuxuu muhiim u yahay wax yaabo farabadan sida: koriinshaha qofka , araga qofka, in qofku yeesho maqaar caafimaad qaba, waxaa kale uu aad ugu fiican yahay daboolo farabadan oo jirka gudihiisa ku yaala.

Meelaha eeynu kahelno Vitamin-kan muhiih ka ah waxaa ka mid ah: Caanaha iyo wax yaabaha caanaha laga sameeyo, Ukunta, Qudaarta iyo faakihaadka.

Vitamin B:Vitamin-kan waxa uu inagu caawiyaa in tamar ama “Energy” laga helo cuntada si loogu koro, waxaa kale uu inagu caawiyaa in maqaarka iyo Nerves-keena ay noqdaan kuwo caafimaad qaba .

Waxaana aynu ka heli karnaa : Miraha sida: Galleyda, Masagada , sidoo kale Caanaha, Qudaarta, Digirta, Lafta miraha ku dhex jirta ama Beerka miraha ,iyo Hilibka Lo’a.

Vitamin C: Vitamin-kanna waxaa uu ina siiyaa difaac aan kaga hortagno qaboowga, waxaa kale uu asaasi u yahay in qofku helo Ilko caafimaad qaba, Cirrid caafimaad qaba, waxaa kale ee uu uroon yahay Xididada dhiiga.

Waxaana kaheli karnaa :Qudaarta fareeshka aha iyo faakihada.

Vitamin D:vitamin: kanna waxaa uu inaga difaacaa cudurka loo yaqaano lafa duqoowga ama “Rickets” kaasoo ah in qofka lafahiisa noqdaan kuwo aan wax tabar aha lahayn, qalqaloocsamana. badanaana ilmaha aan markay yaryihiin aan helin usoo ban dhigin qoraxda waliba in ku fillan lugaha iyo gacmaha ayaa qalqaloocda waxana uu yeeshaa wax yaabaha Soomaalida eey u taqaan Kalajeedada, hongodyada i.w.m. waloow ay jiraan kuwo dhaxal ku yimaada .

Isha ugu muhiimsan ee laga helo vitamin-kan ayaa ah Qoraxda.Vitamin D-ga waxaa kaloo lagu diyaariyaa warshadaha Kiimikada, waxaana badanaa lagu daraa caanaha aan cabno ee gasacadeeysan.

Vitamin E:vitamin-kan ayaa isagana waxa uu ufiican yahay Maqaarka, waxaa kale ee uu inagu caawiyaa Unugyada ama “Cells” jirkeena in ay koraan, iyo bogsooshasada dhaawacyada gaara jikeena.”Healing”

Vitamin K:Vitamin-kan oo ah midka aan kusoo gabagabeeynayo qoraalkeeygan ayaa isna waxa uu inaga caawiyaa in ay sameeysanto xinjiroowga dhiiga ama “ Blood Clotting” taasoo ah mid aad muhiim u ah, maaxaa yeelay hadii jirku dhaawacmo oo eeysan sameysmeeynin waxa layiraahdo xinjiroowga waxay keeneeysaa in qofka u dhiigbaxo dhaawac yar oo aad u fudud, dibadeedna u dhinto.

Check Also

cabista caanaha geela

Nafaqada Iyo Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *