Wax Ka Baro Faaidooyinka Caafimaad Ee Ku Duugan Lowska

Khubarada nafaqada qaarkood ayaa waxay yidhaahdaan inay ku filan tahay in dadku isticmaalaan lixdan garaam(60gm) oo lows ah maalintii. Waxa sido kale ay sheegtay khuburadani in cunista lowsku uu ka ilaaliya jidhka qofka in uu haleelo xanuunka macaanka ( diabetes), cudurada wadnaha iyo kuwo ku dhaca halbowlayaasha wareegga dhiigga iyo waliba kor u kaca xanuunka cholesterol-ka.

Midhaha lowska ayaa waxa la aaminsan yahay inay yihiin wax yaabaha bani aadanku cuno kuwo ugu faa’iidada badan xaga caafimaadka bani’aadanka. Bani aadanka ayaa waxa ay geedkan ogaadeen afar kun oo sano ka hor xili hada laga joogo oo isaga laga helay deeganada ku teedsan xeebaha Mediterranean ka ee kuyaal Italy, Spain, Morocco, iyo Bariga Dhexe.

Dadyowgii hore ee daganaa meelahan ayaa ku tiirsanaa cunista lowska oo isagu ahaa cuno dhamaystiran , sababtoo ah waa cuno aad qani ugu ah protein (19% protein ka miisaankiisa) sabab too ah waxa uu keena dareen dhereg ah.

Midhaha lowska waxa ay hodan ku yihiin acidka dufanka leh ee caafimaadka ah, dufankiisuna maaha kan caafimaadka waxyeela. Daraasadu waxa ay sheegtay in dufanka lowsku yahay sida saliid saytuunka ,oo uunan qofka u keenayn buurni.

Lowsku waxa uu siiyaa jidhka bani’aadanka dufan aad u badan oonan ahayn kan caafimaadka u xun iyo macdamaha sida magnesium, calcium, copper, iyo vitamin da, “B” iyo ”J” oo le faa’iidooyin xad-dhaaf ah .Waxa kale oo uu lee yahay lowsku vitamin B1 oo isagu xoojiya awooda dareemayaasha, iyo vitamin “B2? oo isagu unugyada jidhka ku xoojiya tamar.

Dadka qaar kamid ah waxa ay yidhaahdaan cunista lowska mudo afar bilood ah waxa uu ka ilaalinayaa jidhka qofka xanuunka macaan ka (diabetes), sababta ah lowsku waxa uu wanaajiyaa heerka maadada insulin-ta. Laakiin waxa ay u baahan tahay bay yidhaahdeen shan meelood meel waa in uu noqdaa protein ku mid kamiyaada lowska maalintii porteinka uu bani’aadanku qaato, kaasoo u dhigma 60 ilaa 80 garaam sida uu sheegay website ka ”Tsentröm monastery Gazondhayt” ee Jarmalka ah.

Waxa sido kale qaar kale ay sheegeen in qofka raba in uu maamulo heerka cholesterol-ka ee dhiiga lagula talinayo in uu cuno lowska,isaga oo waliba loosku wanaajiyano heerka dhumucda lafaha, iyada oo taasi aynan keenayn korodhka culays dheeraad ah ama buurni.

Source: Deutsche Welle

Check Also

KACSI LA'AANTA RAGGA, JIMICSIGA,

Ahmiyada Jimicsiga Uu U Leeyahay Dawaynta Kacsi La’aanta Ragga

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in jimicsigu uu xal u noqon karo kacsi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *