Wax ka Baro Dilaha Aamusan Xanuunka Dhiig Karka ama Hypertention-ka

dilaa aamusan dhiig karka dhiigga cudurkaWaa maxay Dhiig karku?Cadaadiska dhiiga ama pressure ka dhiigu waxa uu ku xidhanyahay hadba awooda uu wadnuhu ku shaqaynayo, malady hadii si kale loo sharaxano waa marka dhiiga wadnuhu tuurayo ama ka imanayaa ee waraabinya dhamaan xubnaha jidhka intiisa kaleuu cadaadis badan oo aan caadi ahayn kusoo tuurayo dhiiga.

Cadaadiska Dhiigu waa laba qaybood oo kala ah.

1 Systolic blood pressure Cadaadiska sare oo ah marka wadnuhu isku soo ururo ama jiidmo ee uukadibna dhiiga tuurayo,

2 Diastolic blood pressure Cadaadiska Hoose waa marka uu wadnuhu soo karaar qaadanyo, ama nasanayo ee dhiig cusub qaadanayosi uu pump gareeyo.

Dhiig Karka ama Cadaadiska Dhiigga ee Sareeya waxa loo yaqaanaa dilaha aamusan. Waa cudur aan lahayn calaamado digniin ah. Waa maxay sababta dhiig karku halis u yahay? Dhiig karku waa cudur culus. Marka cadaadiska dhiiggu sareeyo ama dhiig kar jiro, wadnahaagu waa inuu u shaqeeyo si ka xoog badan intii caadiga ahayd si uu dhiigga u dhaqaajiyo oo u gaadhsiiyo dhamaan xubnaha jidhka oo dhan. Haddii aan la daweyn, dhiig karku waxa uu kugu kordhin karaa suurogalka inuu kugu dhaco: – xidid dhiig oo maskaxda ka xidhma – dhibaatooyin kelyaha ku dhaca – dhibaatooyin indhaha ku dhaca – dhimasho – wadne=qabad.

HABKA LOO CABIRO DHIIGKARKARKA AMA DHIIGABA

Dhiigkaraka waxaa in tabdana lagu cabiraa cabirka(millimetres of mercury mm).

Inta badan waxaa laysku raacsanyahay in 120/80 yahay caadiga,

Hadii cabirka dhiigu dhawr jeer ookal duwan uu noqodo ama ku dhawaado

140/90 waxaad ubaahantahay in aad dhakhtar la xidhiidhid.

MAXAA KEENA AMA SABABAH UUKU YIMAADO DHIIGKARKU

Marka aan lagaranayn sababta uuku yimaado dhiigkarku waxaa lagu magacaaba (Primary or Essential hypertention)..

Marka sababta uuku yimaado lagaranayo waxa la odhan karaa waxa keenay ama sababay in uu dhigkar yimaado sababahan.

  1. Chronic Kidney diseases Cuduro ku dhaca xaga kalyaha
  2. Diseases of kidney blood vessels, xanuuno ku dhacay Xidada kalyaha.
  3. Hormonal dis orders (Khalkhal xaga dheecamada jidhka),
  4. Tumors( fiixaha amaburoyinka cancerka).

Noocan koowaad ee looyaqaan primary hypertention ama essential hypertention lama yaqaan waxa keena ilaa haatan.

Laakiin dhakhtarku waxa uu ogaan karaa noocan labaad waa hadii uu qofka ka raadiyo xanuunada secondaryga ah ama labeeya, isaga oo adeegsanaya aqoontiisa , iyo qalabka caafimaad waana sidan hoos ku qoran

Dhiiga kalaya Kidney function test( urea.creatinine), kaadi(Urine analysis), cabirka wadnaha (ECG AMA EKG) IWM.

Sidee qofku udareemaa dhiigkarka

Inta badan lama dareemo calaamado khaas ah, laakiin waxaa jira calaamdahan hoos ku qoran.

  1. madax xanuun/daal/jaha wareer/dawakhaad.
  2. dareenka gacmaha ama lugaha oo taga ama lawaayo numbness
  3. dhiig sanka ka yimaada ama qufac dhiig wata(epistaxis.hymptysis .
  4. neef aad ukhtar ah oo qofka qabata.

Calaamadahani waa kuwo inta badan la xidhiidha khasaaraha u ugu gaysto unugyada kale eejidhka.

Waxyaabaha lala xidhiidhinayo ama risk factorska waxaa kamid ah

  • A hadii uujiray hide raac familyga dhiigkark, ama dhiiga maskaxda ku furma.
  • B Baruurta badan
  • C Sigaar cabdi aad ubadan, D Stresska ama isku buuq aad ubadan
  • E Kaadi macaanka diabetes type 1 and type 2.
  • F cudurada kalyaha.
  • G Dukanka cuntaday ku badantahay iyo MILIXDU.
  • H JIMICSI LA AAN (Lack of physical exercise).
  • I Dufanka dhiiga oo aad usareeya High Cholesterol level.
  • J Daawooyinka qarkood.

Talooyinkan Raac hadii aad DHIIG KAR LEEDAHAY

. Ha lagaa soo cabbiro cadaadiska dhiigga. Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegi doona haddii aad qabtid dhiig kar ama cadaadis dhiig oo sareeya. Cadaadiska dhiig ee la rabo waa 120/80. Xiitii haddii cadaadiska dhiiggaagu ku siman yahay tirada la rabo, ha lagaa cabbiro ugu yaraan hal mar sannadkii. 2. Xukunka la wareeg! Raac talaabooyinka lagu yareynayo cadaadiska dhiiggaaga haddii uu aad u sareeyo. Qaad imminka talaabooyinka aad caafimaad ku heli lahayd, si hadhow aanuu kuugu dhicin dhiig kar ama cadaadis dhiig oo sareeya. Si aad uga badbaadid dhiig kar: – Higso miisaan caafimaad leh. Isku day inaanuu kugu soo kordhin miisaan dheeraad ahi. Iska yaree miisaanka haddii miisaankaagu sareeyo. Isku day inaad si tartiib ah miisaanka u lumisid, qiyaastii nus rodol ilaa 1 rodol todobaad kasta ilaa aad ka gaadheysid miisaan caafimaad leh.

Noqo qof firfircoon maalin kasta. Waa aad socon karta, ciyaari kartaa ciyaar dhaqan ama qoob-ka-ciyaar, isticmaali kartaa salaanka ama jaranjarada, ciyaari kartaa ciyaaraha isboortiga, ama waxa aad sameyn kartaa firfircooni kasta oo aad jeceshahay. – Yaree milixda iyo soodhiyamka aad ku isticmaashid karinta cuntada. Iibso cuntooyinka lagu dul qoray “ma laha soodhiyam” (sodium free), “soodhiyam yar” (low sodium) ama “soodhiyam la yareeyay” (reduced sodium). Miiska cuntada ka qaad weelka milixda. – Iska yaree aalkolada ama khamriga. Ragga khamriga cabbaa waa inaanay ka badsan maalintii hal ama laba cabbitaan. Dumarka khamriga cabbaa waa inaanay ka badsan maalintii hal cabbitaan. Dumarka uurka lihi waa inaanay cabbin wax khamri ah ba. Haddii aad leedahay cadaadis dhiig oo sareeya ama dhiig kar, ha joojin halganka wax-ka-qabashada.

Qaad talaabooyin waxana suurogal ah inaad xakameysid ama yareysid cadaadiska dhiigga ee sareeya ama dhiig karka aad qabtid. Si aad u yareysid cadaadiska dhiiggaaga ama dhiig karkaaga:

1. Ku dhaqan talaabooyinkan: – yeello miisaan caafimaad leh. – noqo qof firfircoon maalin kasta. – iska yaree cuntooyinka ay ku badan yihiin milixda iyo soodhiyamka. – iska yaree cabbitaanka aalkolada leh ama khamriga.

2. Dawada u qaado sida dhakhtarku kuu sheego.

3. Ha lagaa cabbiro cadaadiska dhiigga marrar badan. Iska cabbir cadaadiska dhiigga ama dhiig karka! Ka-hortagga ayaa wax badan ka fiican daweynta lagu siiyo ka dib marka cudurku ku haleelo.

DR ESSA ABDI JAMA MD,MBBS

Check Also

Dawada Malabka Iyo Liin Dhanaanta La Isku-Daray

laalinta culeeyska jirka oona lagu ilaaliyo culeeyska saxda ah ee u qalma muuqaalkaada iyo da’daada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *