Wax Badan Ka Ogoow Nimco Samriye Iyo Nolasheeda

nimco samriyeNIMCO CUMAR MAXAMED oo badi loo yaqan (nimco Samriye) laakin siday nimco iishegtay SAMRIYE waa Naanaysta aabehed CUMAR MAX’ED.

Nimco samriye waxay ka mid tahay dhalinti ku dhalatay Magaalada Muqdisho ee Dalka Somalia, Waxaa la keenay nimco hargeysa iyado aad u yar isla markaasna ay ku barbartay.

Waxay nimco jidka waxbarashada ka bilawday magaalada Hargeysa iyado dugsiga Hoose / Dhexe ku Qadatay dugsiga caanka ah e Sh.Bashiir waxay sido kale dugsigi sare ku qadatay dugsiga Farah Omaar.

Hadaba Sanadi 2004 iyado nimco Dugsiga sare ee Farax omaar kaga jirta fasalka Form Two iyado Wakhtigasna ka mid ahed ardaydii soo saari Jirtay Wargays kaso bixi Jiray Dugsigaas , ayaa waxa nimco uso baxday fursad ay BBC/Somali ku raadinayeen gabdho loo tababaro saxaafada kadib Dugsiga aya logu yimid arintiina waa la so bandhigay Sidii ayaney tababarkii ku galashay Ilaa ayka heshay tabaro kale oo ka danbeeyay kaas oo ay wax Wayn kaga baratay culumta Saxaafada.

Sanadki 2006di ayay ka mid noqotay dad badan oo Imtixaan u galay telefishanka Horn Cable Tv oo wakhtigaas hawada soo galay laakin magaciisa la odhan Jiray Hargeisa Cable tv. Kadib imtixaanki waxay nimco si Rasmi ah uga Mid Noqotay Shaqaalihii Tvga ee kaso gudbay imtixanki.
Nimco samriye waxay ka mid tahay rukunada ugu culus ee tvga horn cable iyado kaso daysa barnaamijyo aad u xiiso badan o so jidasho leh, waana wariyada somaliyed ee loogu jecelyahy dhanka hablaha, waa qof bulshawiyada isla markana aanad ka cajiseen hadala murtida iyo dhaxalgalka ah ee kaso burqanaya afkeeda qurxoon.

Sannadki 2014 waxa nimco la guundoon siyay abaal marinta sannad laha ah ee Danta guud iyo Daryeelka bulshada ( DGDB).

waxay badana xiisaysa u kuurgalka iyo nooleynta fanka iyo suugaanta.

Nimco samriye waa marwo alle haw barakeyo aqalkede.

Diyaariye: Xamse Xj Faarax Max’ed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *