Wax Badan Ka Baro Xanuunka Gaaska Caloosha (gastritis)

Gaaska caloosha, gaas calooleed, gastritis, gastric acid,

Maanta waxaynu soo qaadaneynaaa waxa uu yahay gaaska caloosha ( gastritis) waxa keena calaamadaha lagu garto sida loo baaro iyo waliba sida loo daaweeyo.

waa maxay gastric (gastritis)?

Waa caabuq diiqa, ama boog ku timaadda dahaarka caloosha. Waxaa uu u noqon karaa mid si degdeg ah u dhaca (acute) iyo mid daba dheeraada(chronic).

Maxaa sababa gastric (gastritis)?

  • Isticmaalka alcohol
  • In badan inaad mantagt
  • Stress ka
  • In gaajada laysku daawado
  • In aashatada calooshu ayna dheeli tirnayn
  • In cuntada xawaashka badan la isticmaalo (spicy)
  • Inaad isticmaasho daawooyinka la yidhaah anti-inflammatory drug sida asprin ta.

Waxaa kaloo sababi kara loona aaneeyaa:

Helicobacter pylori (H. pylori) waa bakteeriya (bacteria) ku nool xuubka (mucus) ku dahaaran caloosha. Haddii la daaweyn waayana caabuq ama humbuluuluq (infection) ayuu kuu horseedayaa boog ama nabar (ulcer) dadka qaarna cancer xagga caloosha ahi ayey ku sababta.

Pernicious anemia:

Waa dhiig la’aan timaadda marka calooshu ay weydo waxyaabihii dabeeciga ahaa ee looga baahnaa in si sax ah ay u soo nuugaan ama ay u burburiyaan vitamin B12.
Bile reflux: in bile-ka uu dib ugu noqdo caloosha, xanuun ayaana imaanaya.
Infection: ay keenaan bakhtire (bacteria) ama virus ayaa iyadana loo aaneeyaa.

FG: haddii la daaweeyn waayo gastric waxa imanaaya dhiigbax daarana waxaana saa’idayaa cancer calasha inuu kugu yimaado.

Calaamadaha lagu garto gaaska caloosha (gastritis):

  • Yalaalugo (lalabo), mantag, laabjeex iyo mantag dhiig la socdo.
  • Inuu soo noqnoqdo xanuun xagga caloosha ah sidii nabar oo kale. Caloosha oo dibbirta, apitet xumo. Miisaanka oo yaraada.

Sidee lagu garan/ aqoonsan karaa magaca cudurka iyo astaanta saxda ah?

Waxaa la sameeeyaa baaritaan.

Upper endoscopy: waa qalab (tuubbo afka kamarad ku wadata) bukaanka afka laga geliyo ilaa caloosha lagu dhaadhiciyo, waxaa hubinayaa in calooshuay leedahay wax caabuq ah ka dibna waxaa la sameeynaa biopsy waa hab lagu soo jaro sample yar oo tissue ah (wax yar ka mid ah hilibka caloosha ama gaskeeda) ka dibna shaybaadhka (laboratory) ayaa lagu baadhaa.
Baadhitaan dhiig (Blood test): waxa la hubinayaa in unugyada dhiigga cas (red blood cell) uu ku yaryahay bukaanka uu yahay dhiig la’aan (anemic).
Fecal occult blood test (stool test) (baadhitaan saxaro): waxaa lagu ogaadaa in saxarada bukaanka dhiig la socdo.

Daaweynta gaaska caloosha (treatment):

Marka la ogaado waxa sababay ama bakhtitiraha (bacteria) keenay, waxaynu u kala saaraynaa daawada dhawr nooc :
-Antibiotic medications to kill H. pylori.

Waxaad qaadanaysaa antibiotic waa hadduu yahay chronic gastric amoxicillin, clarithromycin (Biaxin), metronidazole (Flagyl) and tetracycline dawooyinkaas aya intabadan qaadankartaa.
-Medications that block acid production and promote healing.
Waxay xirayaan acidka ay calooshu sii dayso waxayna kor u qaadaan inuu qofka bogsado waaxaa ka mid ah daawooyinkaan.
Omeprazole (Prilosec), lansoprazole (Prevacid), rabeprazole (Aciphex), esomeprazole (Nexium), dexlansoprazole (Dexilant) and pantoprazole (Protonix).

-Medications to reduce acid production.

Ku wani waxay yaraynayaan acidka waxaana ka mid ah:
histamine (H-2) blockers, waxay yareynayaa acidka lagu soodeeynaayo marakin dheefsiidka iyo waliba xanuunka badan.

Sidookale kuwa acidka joojiya waxaa ka mid ah :

ranitidine (Zantac), famotidine (Pepcid), cimetidine (Tagamet) and nizatidine (Axid).

-Antacids that neutralize stomach acid. ku wani waxay caadi (neutralize) ka dhigayaan acidka si deg deg ahna way kuu bogsiinayaan.

Sidee loo yarayn karaa khatarta gaaska caloosha?

Wuxuu u baahanyahay qofkasta oo qaba xanuunka gaaska inu qaato talooyinkan.

  • Qaado daawada gaaska adigoo la tashanaya shaqaale caafimaad / dhakhtarkaaga.
  • Qaado cunto baal leh (ama buunsho leh, diir leh, buushi leh, gal leh, qolof leh nin ba siduu u yaqaanno sida gallayda, garawga, hadhuudh yaryaraha ama masaggada oo aan laga qaadin qoloftii) ugu yaraan halmar maalintii sida shuurada, digirt iyo hadhuudhka.
  • U qaado si sax ah talada uu ku siiyo adeegahaaga caafimaad.

Haddii aad qaadatid talada dhakhtarka oo ay ku caawini waydo. Ha ka quusan Raxmadaa Allah ogow marwalba marka uu albaab kaa xidhmo, Allah albaab kale ayuu kuu furaa. Xasuuso marwalba inaad isku akhridid intii aad quraan taqaanid oo dhan kolba intii aad ka gaadhid. Quraanku waa shifa ugu wayn ee aad isku dawyn kartid. Haddana isku akhri 7 faatixo salaad kasta ka bacdi.InshaAllah waad fiicnaan, hanna iloobin adkaarta iyo ducooyinka una sabr inshaAllah. Waxaa kale oo jira albaab kale oo haddii uu Allah kuu qadaro aad isku dawayn kartid, taasina waa waxyaabaha dhirta aha ama dhulka ka soo baxa ee dabeeciga ah.

InshaAllah maqaalka kale ee xiga kan waxaan soo ban dhigi doonaa waxyaabo aad u faro badan oo dabeeci ah oo ku caawin kara ee la soco inshaAllah.

Baaraka Allahu fiikum

Saamiya (Umm-Cafiifah)

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *