Wax Badan Ka Baro Kansarka Caloosha Ku Dhaca, (Calaamadaha. Sababaha Iyo Daawada)

kansarka calooshakansarku wuxuu mudo dheer ku qarsoonaadaa qaybaha jilicsan ee Caloosha, ka hor inta aanu si kedis ah u kobcin, hadaba waxaan halkan ku soo koobi doonaa Kansar caloosha wejiyadiisa kala duwan ee uu Dadka ugu dhaco

Calaamadaha lagu garto:

  • Caloosha oo si dhaqso ah u casirantaa waa calaamad kamida ifafaalihiisa inkasta oo ay halkan lawadaagto waxyaalo kale oo badan.
  • waxaanse lagu garan waayin adigoo ka was waasa, iskana soo taaga cunitaanka Hilibka,
  •  dareenka Uurkujirta iyo cadaadiska Ubacda (abdomen) oo kordha,
  • Apitite oo luma iyo miisaanka Qofka oo si xawli ah isu dhima,
  • Ruuxa oo dhiig madow mantaga iyo Saxaro madaw oo aad u ur badan.

 

Waxyaabaha Sababa

Inkasta oo aan si buuxda loo xaqiijin waxyaalaha sababa Xanuunkanka Kansarka Caloosha ayaa hadana waxaa hubaal ah in qiiqa ama dhuuqidda Sigaarka iyo cabitaanka Alkoholku
soo dedejiyaan Xanuunkan dilaaga ah.

 

  • Dubista Cuntooyinka (Nitrosamine)
  • Sunta kadhalata Qiiqa marka lagubo waxyaalaha duxda leh (Plyzyklische armatische Kohlenwasserstoffe) ayaa iyana kamida waxyaalaha qarxiya Kansarka-caloosha.
  •  Sunta kadhalata Walxaha caaryaystay (Aflatoxine) iyo Cuntooyinka xumaaday iyo Bakteeriyada nooca loo yaqaano Helicobacter ayaa iyana loo tiriyaa kuwa sababa Xanuunkan.

Dadka Unugul Inuu Kudhoco Kansarka-calooshu:

Kansarka-caloosha oo ah mid  kamida kuwa ugu faraha badan ee Dadka kudhaca marka loo eego noocyada kala duwan ee Kansarka,badiyaana laga helo dadka da’doodo Afartan (40) Sano kaweyntahay,khatartiisuna waxay siyaadaa:

1. Culayska Masuuliyada leedahay hanoqoto mid Qoys ama mid qaab kaleba lehe.
2. Stress-ka faraha badan,iyo Qofka oo isku buuqa,
3. Dadka qaba Gaaska gaamuuray (Chronic)
4. Iyo weliba Dadka guntimaha Caloosha kuleh.

 

Daaweyntiisa:

Qaliin deg-deg ah oo hayaraato ama haweynaatee qayb caloosha kamida lagu goynayaa waa lama huraan,iyadoo qaybta caafimaadka qabta ee soo hartay lagu tolayo Mindhicirka dhuuban.

Inkasta oo qaliinkaasi yahay mid culus hadana waxaa maanta lagu guulaystey in lasameeyo qaliino gebi ahaanba Caloosha meesha laga saaro oo qofkuna sii wadan karo nolol caadi ah,walow ay bilo qaadanayso inta qofka dheefshiidkiisu dib ula qabsanayo qaadashada Cunto waafi ah, Macdanaha Vitaminada iyo waxyaabaha kale ee Jirka kamaqan waxaa mudadaas lagu kaabaa Dawooyin buuxiyaa kaalintaas.

 

Check Also

cabista caanaha geela

Nafaqada Iyo Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *