Faham U Yeelo Jidhka Loo Yaqaanno Combination Skin Iyo Sida Loo Daryeelo

Combination skin ,jidhka daryeelka, qurxintaMaanta waxaan idiin hayaa jidhka loo yaqaano (combination skin) jidhkan ayaa ah mid aanay inta badan hablaha somalidu aqoon u lahayn, oo had iyo jeer waxaad moodaa inaynu naqaano uun jidhka qalaylka, jidhka saliida badan, iyo jidhka wax diida, se jidhkan ayaa ah mid aan dhib badanayn oo u dhaw jidhka caadiga ah hadii si fiican loola dhaqmo.

Jidhkan ayaa ah mid had iyo jeer dhabanadu noqdaan jidhka caadiga ah, ama jidhka qalayl ka ah, fooda iyo gadhkuna waxay noqdaan saliid taasoo loo yaqaano (T-zone) micnaheeduna tahay saliida ku uruurta gadhka iyo fooda. Meeshan saliidu fadhiisato oo ah gadhka inta ugu badan ayaa sababta inuu jidhkan qofka lihi uu yeesho finan ka soo baxa gadhka oo kaliy

Jidhkan ayaa u bahan markasta qofkii awoodi kara (facial cleanser & tonner) oo lagu xoqo habeenkii iyo aroortii si uu jidhkani u helo wax loo yaqaano (Ph balance) , waan ogahay ma heli karaan hablaha ka faaiidaysta maqaaladyda ee ku nool wadankii, se waxaad isku daydaan qofkii dareema inuu gadhkiisu finan iyo saliid leeyahay wa inuu isticmaalo Liindhanaan iyo Biyo diiran oo markasta lagu xoqo gadhka iyo fooda, muhiimada laga leeyahay baa ah in la dhaqaajiyo saliida si anay dhib kale ugu keenin wajiga jidhkiisu noocan yahay.

Jidhkan ayaa ah mid ay isku kereemis dhawyihiin jidhka saliid leh oo loo wada isticmaali karo, iyo waxa loo yaqaano (which hazel tonner) oo labadaba loogu talo galay jidh saliid leh, markaa jidhkan maanta aynu ka hadlayno ee ah (combination skin) ayaa ah mid gadhka iyo foodu saliid badan fadhiisto, sababtaas awgeedna way isku dhawyihiin jidhka saliida leh.

Hadaba, maanta waxaa intaa ku eeg noocyada jidhka caadiga ah ee ay leeyihiin habluhu ama dumarku intay yar yihiin, jidhadh kale oo badan baa jira oo ah marka xaaladaha dumarku is badalaan ay yeeshaan sida, jidhka cimiri deg degu ku dhaco , markay gaboobaan,markay xanuustaan, iyo markay cadceedu jidhka disho ee aan la daryeelin. Jidhadhkan oo iyaguna magacyo kale leh runtiina si gaara loola dhaqmo waxaa ka mida:

1. Mature skin —jidhka cimri degdegu ku dhaca

2. Dehydrated skin — jidhka xooga u qalalay ama haraadan ooman

3. Ageing skin— jidhka marka la gaboobo

4. Congested skin? jidh xumaday oo daldalooladiisuna xidhmeen, finana kudhageen gadhka, ama ahaan jiray markiisii hore (oily skin)

Hadaba, waxaan hore idiinku soo qoray jidhka saliid leh waxyaabaha la marsan karo cunto ahaan, ee ay ka midka ahaayeen boorajka, malabka, iyo liindhananta. Jidhkana waa loo isticmaali kara waxay isku mid yihiin jidhkaa saliid leh, markaa waxan idiin sheegayaa inaad u isticmaashaan jidhkan qofkii lahoow, waxyaabihii aan hore idiinku soo qoray jidhka saliida leh (home remedies). Idinkoo marasan kara uun (Facial mask) kan laga samaynayo cuntada wiigii mar kaliya IA, waayo cuntooyinka qaar ayaa jidhka si fiican oga saara jeermiska ama (dead skin ) wax loo yaqaan, iyagoo ka dhiga waji jiliic ama dhalaala, hadaba sidaa darted wa in wiigii mar uun la marsado, qofkoo ku daynaya ilaa nusasaac qudha!! Sida caadada inoo ah somaali ahaan la iskuma dayn karo ama laguma seexan karo waxyaabahan!???

W/Q: Amina Abdillahi Mohamed

Check Also

haaraha wajiga,

Sababaha Keena Haaraha Wajiga Iyo Sida Loo Goyn Karo

Haaraha wajiga ku samaysma waa cillad ku badan dhalinyarada khaasatan dumarka da’a dhexaadka ah.  Haaruhu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *