Warqad ka timi Hooyo iyo Aabe oo Ku socota Ilmahoodi!!

warqad hooyo iyo aaboWarqad ka timi Hooyo iyo Aabe

Ku socota Ilmahoodi

Ilmahaygi,
Goortii aan gaboobo, waxaan rajeynayaa inaad i fahantaan dulqaadna ii yeelataan lacala hadaan saxamada jabiyo ama miiska maraq ku daadiyo sababtoo ah arageygi baa sii yaraanaya.
Waxaan rajeynayaa inaadan igu qeylin dadka waaweyn waa xasaasi mar kasta waa ka naxaa kolki aad qeyliso.
Goortii maqalkeyga daciifo oo aan maqli kari waayo waxa aad sheegeyso, waxaan rajeynayaa inaadan iigu yeerin “Dhagool” fadlan ku celi wixi aad tiri ama ii qor.

Waan ka xumahay Ilmaheygi, waan gaboobayaa.
Goortii jilbaheyga tabar dareeyaan waxaan filayaa inaad dulqaad u yeelato inaad i sara kiciso sidi aan kuu caawin jiray goortii aad yareyd oo socod baradka ahayd.

Fadlan ii dulqaado goortii aan ku celceliyo hadalka sidi diiwaan jabay, waxaan rajeynayaa inaad i dhageysato, fadlan ha igu maadsan oo ha dhibsan inaad i dhageysato.

Ma xasuusataa marki aad yareyd oo aad rabtay buufinka? Aad baad ugu celcelin jirtay ilaa aad hesho wixi aad rabtay.
Fadlan ka raali noqo urkeyga, dadka waaweyn waxay leeyihiin ur gaar ah, fadlan ha igu qasbin inaan qubeysto, jirkeygu waa daciif, dadka waaweyn si fudud bay u xanuunsadaan goortii qabow badan ay dareemaan. Ma xasuusataa goortii aad yareyd? Waan ku eryan jiray sababtoo ah ma aadan rabin qubeys.

Waxaan rajeynayaa inaad dulqaad badan ii yeelato goortii dabeecadeydu is bedesho waa qeyb ka mid ah waayeelnimada, waxaad fahmi doontaa goortii aad gabowdo.
Haddii aad waqti firaaqo hesho, waxaan jeclahay inaan wada hadalno xitaa daqiiqado yar, had iyo jeer keligey baan ahay mana heysto qof aan la hadlo. Waan ogahay inaad shaqo mashquul ku tahay, xitaa haddii aadan xiiseynayn sheekadeyda fadlan waqti ii hel. Ma xasuusataa goortii aad yareyd waxaan dhageysan jiray sheekooyinkaagi caruurta aad jeclayd.

Goortii waqtiga ii yimaado, aadna u xanuunsado oo sariirta ka kici waayo waxaan filayaa inaad dulqaad u yeelato inaad i daryeesho. Waan ka xumahay, hadii aan si kadis ah sariirta u qooyo ama wax qaribo, waxaan rajeynayaa inaad sabur u yeelato daryeelkayga saacadaha ugu dambeeya nolosheyda, Ma sii waarayo.

Goortii waqtiga geerida ii timaado, waxaan filayaa inaad dhinaceyga joogto gacanteydana qabato waxaan wajahayaa geeri. Hana iga welwelin qof kasta waqtigiisa dhaafi maayo. Hadaad iga dameyso ha iga hilmaamin ducadaada.

Waan ku jecelnahay,
Hooyo iyo Aabe

Haddii Aabe iyo Hooyo, ama midkood, kuu nool yahay ka duceyso, u noqo baar, u naxariiso oo daryeel. Allaha u naxariisto haddii ay kaaga sii hor mareen daarta dambe ee lagu waarayo.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *