Walwalka Badan!!

welwelkaHa Walwalin

1. Welwelku waa waqti lumis. Waxba ma badali karo. Wuxuu wareeriyaa maskaxdaada, wuxuuna kaa xadaa farxadaada

2. Ha ka walwalin guuldaro iyo fashil ku soo gaaray, Ku farax in aad cashar baratay, waaya aragnimo heshay, ogsoonow in qof kasta oo guulaystay uu soo maray guuldarooyin badan

3. Ha ka welwelin in Alle ducadaada kuu aqbali waayay, xaqiiqdii Alle ayaa garanaya wixi kheyr kuugu jiro, qorshihiisa ayaana ugu wanaagsan

4. Ha welwelin qof kasta qalad waa sameeyaa, iska hilmaan wixi la soo dhaafay, horayna u sii wado noloshaada

5. Ha ka walwalin dharki aad xiran lahayd, haddii aad dhoolacadayso dhar kasta waad ku soo baxaysaa

6. Xusuusnow 97% waxyaabaha aan ka walwalno ma aha wax dhaca, keliya wixi kuu qoran ayaa kugu dhacaya

7. Ha ka walwalin in caruurtaada ku maqli waayaan, ka fakir in ay had iyo jeer ku daawanayaan, markaa ka taxadar waxa aad sameynayso iyo waxa aad ku hadlayso

8. Ha ka welwelin wax aadan awood u lahayn in aad xakamayso, Alle ma saarin garbahaaga culays aadan xamili karin, dhibaatada aduunka oo dhan mas’uul kama tihid

9. Walwalku ma joojin karo wax xun in ay dhacaan, waxa uu kaa joojiyaa in aad ku raaxeysato wanaaga aad heysato

10. Ha ka welwelin hadii aysan dadku ku jeclayn, Adigu naftaada jeclow. Ha isu bedelin hana iska dhigin qof aadan ahayn si dadka kale kuu jeclaadaan

11. Ha ka welwelin waxa dadka ka yiraahdaan gadaashaada, kuwaasi waa dadka cillad ka raadiya qof kale noloshiisa, halka ay dhibaatada naftooda haysa sixi lahayeen

12. Ha ka walwalin kuwa nacaybka ka buuxo, way caraysan yihiin sababtoo ah Runta aad ka hadasho ayaa burinaysa beenta ay ku noolyihiin oo faafiyaan

13. Ha ka Walwalin wax maqan & mustaqbalka. Alle ayaa garanaya wixi dhici doona. Xooga saar in aad wanaajiso maanta & waxa aad haysato

14. Ha ka walwalin hadii meeshi aad rabtay aadan joogin. Alle ayaa garanaya meeshi kuu roon, Sabur kuna qanacsanow halka aad joogto.

Diyaariye: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimiridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *