Walbahaarka Joogtada Ah Wuxuu Astaan U Noqon Karaa 6-daan Cudur Ee Khatarta Ah

astaanQofka oo dareema daal nafsi ahi waa arrin dabiici ah oo ku timaadda, hawsha badan ama hurdo yaraanta, laakiin qulub iyo walbahaar aan sabab lahayn ama tacabka oo joogto noqdaa waxa ay astaan u noqon karaan in uu hayo xanuun khatar ah ama ugu yaraan in qulub iyo isku buuq soo hayo.

Qormadan oo aynu Afsoomaali usoo rognay ayaa shabakadda Jarmalka ah ee Gesundheit oo ka faalloota arrimaha caafimaadku waxa ay ku soo bandhigaysaa xanuunno walbahaarka ama diiqadda nafsiga ahi astaan u noqon karaan, waxaana ka mid ah:

1. Dhiig la’aan (Anemia): Hoos u dhaca ku yimaadda unugyada dhiigga cas ama walaxda Hemoglobin oo ku yaraata dhiigga. Tusaale ahaan waxaa dhiig la’aan lagu tirinayaa, dumarka aan uurka lahayn haddii uu xaddiga Hemoglobin ee dhiiggooda ku jiraa uu ka yaraado 11 g/dl, ragga qaangaadhka ahna uu ka yaraado 13 g/dl. Sidoo kale waxaa dhiig la’aanta keena dhiigga oo ay ku yaraato asiidhka Folic iyo xadiidka oo isagu ah sababta ugu badan ee dhiig la’aantu ka dhalato.

2. Qofka oo naqasku qabto xilliga hurdada: Xaaladdan oo afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Sleep Apnea’ waa xanuun keena in maskaxdu ay heli weydo xaddi ku filan oo ah neefta Ogsajiinta, dhibaatana ku keenta hurdada qofka. Caalamadaha lagu garto in qofku uu xanuunkan qabana waxaa ka mid ah dawakhaad iyo madax xanuun marka hurdada uu ka toos ah.

3. Faytamiin la’aan: Faytamiinnada qaarkood haddii ay jidhka ku yaraadaan waxa ay keenaan daal nafsi ah iyo diiqad badan, xaaladdan oo kalana waxaa fiican qofka isku arkaa in uu cuno cuntooyinka faytamiinnadoodu isu dheelli tiran yihiin.

4. Fayras: Caabuqa sambabada, xanuunka duumada iyo duriguba waxa ay ka mid yihiin cudurrada Fayraska iyo bakteeriyadu ay keenaan, waxa aanay inta badan jidhka ku keenaa awood la’aan iyo shucuur daal iyo burbur ah iyo mararka qaarkood in qofku uu hurdo iyo jiif uun doono.

5. Macaanka ama qanjaha: Macaanka iyo gaabis ku yimaadda shaqada qanjidhka cunuhu waxa ay qofka ku keenaan daal iyo burbur. Khalkhal ku yimaadda qanjidhkan shaqadiisuna waxa ay hoos u dhigtaa xaddiga hormoonada jidhku soo saarayo, taas oo sababta timaha oo qofka ka data, ciddiyaha oo daciifaha, doonista cuntada (Amateedka) oo ka taga, khalkhal ku yimaadda u fiirsiga maskaxdiisa, miisaanka oo kordha iyo daal joogto ah.

6. Kanskar: Haddii qofka diiqadda iyo tacabka nafsiga ah si joogto ah isugu arkaa uu iska waayo sababaha aynu kor ku soo xusnay waxaa muhiim ah in uu iska baadho nooc uun kansar ah. waxa ay khubarada caafimaadku xaqiijiyeen in kanskarka noocyadiisa oo dhami ay ku bilowdaan diiqad, tacan nafsi iyo burbur jidhka oo dhan ah oo uu qofku tahli waayo in uu si habsami ah u wato hawlmaalmeedkiisa.  Laakiin ha ku degdegin in aad tacanka iyo diiqadda markaba u fasirato Kansar, waayo tacanka iyo burburka ka dhasha kansarku waxa uu qofka si joogto ah u hayaa muddo illaa lix bilood ah oo aan kala go’ lahayn, waxaana weheliya madax iyo raqabad xanuun badan, cillado caloosha ah iyo maskaxda oo baraarugsanaanta iyo fiiradu ku yaraato.

Talo: Khubaradu caafimaadku waxa ay ku talinayaan in qofka burbur iyo daal nafsi ah dareemaa uu marka koowaad inta aanu cudurradan iska baadhin uu ku dadaalo in uu saacado ku filan seexdo habeenkii, cadhada iyo wax yaabaha acsaabta kicinaya ka fogaado, nasasho fiicanna qaato, si uu u hubiyo in ay xaaladdani sii socoto. Sidoo kale waxaa muhiim ah in qofku biyo badan cabbo si uu daalka iyo burbruka ula dagaalamo, maalin kasta waa in uu cabbo ugu yaraan  Hal Litir iyo badh biyo ah, waxaa iyaduna fiican in xaaladdan oo kale uu qofku biyo qabow subaxdii ku maydho, isla markaana uu lugeeyo si wareegga dhiiggu u fiicnaado.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *