Wahsiga Iyo Dhibaatooyinkiisa W/Q: Maxamed badel cali ( taqwiim)

Waa maxay wahsigu?
Wahsigu waa dareen maskaxeed ku dhaca dadka, kaas oo ku keena daal iyo caajis kadibna yareeya ficilkooda. Wahsigu waa in aad dib udhigto hawl kuu qorshaysnayd inaad qabato wakhti cayiman, iyadoo ayna jirin wax sabab ah oo keenay dib udhigaas caajis adi kaa yimid mooyee.]

Hadii aad is aragto adiga oo wax hada aad qaban karto isku sii balaminaya inaad qabato markale waad wahsanaysaa.
Waxaa la sheegaa in dadka dhamaantood laga hello dabeecada wahsiga, laakiin lagu kala duwan yahay heerka uu gaadhsanyahay. 20% oo kamida dadka ayaa la xaqiijiyay inay yihiin kuwo si joogto ah u wahsada (chronic procrastinators).

Noocyada wahsiga:-
wahsigu wuxuu dadka ugu dhacaa siyaabo kala duwan , waxaana lagu soo koobi karaa labo nooc oo waawayn oo kala ah :-

1: Wahsi saameeya dabeecada qofka (Behavioral Procrastination)
Wahsiga noocan ah waa mid aad uxun, wuxuuna ka dhigaa qofka mid markasta diida inuu ficil sameeyo isagoo isku qancinaya inay jirto caqabad hortaagan. Tusaale ahaan in qofku iska dhaadhiciyo in uu wakhtigu ku yaryahay oo uusan hawl qaban karin, ama in uusan awoodin inuu hawshaas qabto oo ay ubaahantahay awood iyo xirfad uusan isagu lahayn. Dadka uu ku dhoco wahsiga noocan ahi inta badan waa dadkalsooni yar markastana ku fashilma inay wax qabtaan , hase ahaatee markasta fashilkooda sabab usameeya.

2: Wahsiga saameeya go,aanka qofka ( Decisional Procrastination)
Dadka uu ku dhoco wahsiga noocan ah waxaa ka luma go,aanka wayna ku adagtahay inay wax qabtaan, dadkani waxay aad uga baqaan inay khaldamaan, waxayna raadiyaan mar walba in ay helaan xaalad jawi dagan oo ay waxkasta saxaan kahor inta ayna wax qabanin, taasina way ku adkaataa kadibna waxay ku kaliftaa inayna waxba qabanin.

Calaamadaha wahsiga:-
Calaamadaha wahsigu way ay fara badan yihiin lagumana soo koobi karo qoraal gaaban, laakiin waxaan soo qaadanaynaa inta ugu muhiimsan ee lagu garan karo qofka wahsada,
waxaana kamida:-

  • Markasta waxay isku qanciyaan in wakhti uhadhan yahay wax kastana ay qaban doonaan.
  • Hawlahooda oo dhan way fudaydsaddaan waxayna ka dhigaan wax wakhti yar lagu qaban karo.
  • Waxay isku ballamiyaan wakhtiba wakhtiga ka danbeeya.
  • Waxay kasoo qaadaan waxay qorsheeyaan inay qabteen.
  • Waxay umaleeyaan in wax la qaban karo marka jawigu saxanyahay oo kali ah.
  • Waxaa ku adag in ay hawlahooda kala qorsheeyaan iyagoo ukala hormarinaya say u kala muhiimsan yihiin.
  • Markasta ooy fashilmaan ma waayaan waxay ku andacoodaan ama eedda ku roggaan.
  • Waxay markasta ka baqqaan inay khaldamaan.
  • Malaha hadaf toosan oo ay ku hirtaan ama rabaan inay xaqiijiyaan.
  • Waxaa ku adag inay hawl dhamaystiraan.
  • Markasta waxay khayaamaan naftooda waxayna ku qanciyaan been.

Kuwaas iyo kuwo kale oo aan halkan lagusoo koobi karin ayaa ah callaamadaha lagugarto qofka wahsiga badan.
Dhibaatooyinka wahsiga:-
Wahsigu wuxuu qofka bini,aadamka ku keenaa dhibaatooyin farabadan, kuwaas oo isugu jira kuwa maskaxeed, dareen iyo waliba tayada qofka oo xumaata.
Hadii aan si kooban usoo dhigno dhibaatooyinkiisa waxaa kamida:-

  • Wuxuu kugu kalifi inaad sheegto been fara badan.
  • Wuxuu kaa dhigayaa qof aan masuuliyad qaadi karin.
  • Waxaad dareemi murugo iyo shalayto fara badan.
  • Dadka oo ku karha bulshadana aad ka dhex noqoto qof aan sumcad lahayn.
  • Baahidaada bini,aadamka oo fara badata maadaamoo aadan waxba qabsanin.
  • Maskaxdaada iyo jidhkaaga oo daciifa.
  • Wakhtigaagii oo ku dhaafa adoon waxba qabsanin.
  • Fursado badan oo kaa luma.
  • Noloshaada dhan oo cidhiidhi noqota.

Hadaba si aad uga hortagto wahsiga oo kugu keeni karo dhibaatooyin farabadan oo saameeyn fool xun ku yeelan kara noloshaada kaana dhigi kara qof daciif ah oo aan waxba qabsanin, waxaa haboon in aad ka hortagto hadii aad calaamadahan aan soo sheegnay qaar kamida isku aragto.

Xakamaynta wahsiga:-
Wahsiga oo keeni kara dhibaatooyinkaas aan soo sheegnay si gaar ahna ugu badan dadka dhalinyarada ah waxaa loo bahaanyahy in la xakameeyo, lagana hortago.
Waxaa jira qaabab kala duwan oo aad uga hortagi kartid wahsiga waxaana ugu muhiimsan
kuwan soo socda:-

1: Marka ugu horaysa is ogoow inaad tahay qof wahsi badan:-
Waxaa laga yaabaa adigoo wahsi badan dhibaato badanna uu kugu hayo inaadan is ogaynba, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in aad naftaada daacad unoqoto oo aad is ogaato waxa aad tahay, lana socoto markasta waxa kuu saxan iyo waxa kaa khaldan, hadii aad taas samayso way kuu dhib yartahay inaad ka guulaysato wahsiga
iyo dhibaatadiisaba.

2: Isku day inaad ogaato sababta aad u wahsanayso:-
Hadii aad isu aqoonsato qof wahsada waxaa iyana muhiim ah inaad ogaato sababta aad u wahsanayso , tani waxay daawo ka tahay inaad xal uhesho dhibkaaga. Hadii aadan garanaynin sababta ku keenaysa wahsiga, way adagtahay inaad iska
xakamaysid, waxayna keeni inaad markasta dhibkaas kusii jirto, sidaa darteed waa lama huraan inaad ogaatid sababha kugu keenaya wahsiga.

Waxaa kugu sababi kara wahsiga waxyaabo badan sida :-

  • Shaqada aad qabanayso oo kugu adag kadibna aad dhibsato.
  • Qorshayntaada oo aan fiicnayn kadiban ay hawluhu iskaga kaa dhex darmadaan.
  • Inaad sugto inta wax kasta iska saxayaan.
  • Inaad tahay qof kalsooni yar oo aan go,aan lahayn.

Kuwaas iyo kuwo kale oo badan ayaa sababi kara wahsiga, marka waxaa loo baahanyahay inaad garato halku uu wahsigu kaaga imanayo kadibna aad xal uraadiso.

3: Isticmaal hababka ka hortaga wahsiga:-
Wahsiga siyaabo badan ayaa looga hortagi karaa, waxayna ku xidhantahay dabeecada kala duwan ee dadka iyo inta uu gaadhsiisanyahay ka go,naanshaha qofkaasi, waxaase jira qodobo muhiima oo hadii aad samayso aad kaga badbaadi kartid wahsiga iyo dhibaatadiisa waxaana kamida kuwan:-

  • Qorshee wakhtigaaga.
  • Samayso hadaf aad hiigsanayso hana ka daalin fulintiisa.
  • Samee hawl qorsheedyo kalana hormari hawlahaaga.
  • Usamee jadwal iyo wakhti gooni ah hawl kastoo kuu qorshaysan.
  • Samayso halbeeg aad ku cabirto hadba halka aad marayso.
  • Ha qorshaynin waxaadan qaban doonin ( daacad u ahaw naftaada).
  • Go,aankaaga jecloow.
  • Naftaada abaal marin ubalan qaad kuna balami markii aad hawl dhamayso.

Gunaanad :-

  • Wahsigu ma aha wax lagu soo dhasho waa dabeecad la barto.
  • Wahsiga waad joojin karaa hadii aad go,aan dhaba la timaado .
  • Wahsiga oo kugu bata wuxuu sababaa dhibaatooyin farabadan ilaa heer uu noloshaada ka dhigo mid aan macno lahayn oo burburta.
  • Nolosha inaad ku guulaysato waxaa qayb muhiim ah ka ah inaad naftaada ka adkaato , wahsiga ood iska ilaalisana waa naftaadii ood ka adkaatay.

HA WAHSANIN WAHSIGU WAA CUDURE

W/Q: maxamed badel cali ( taqwiim)

Kalasoo xidhiidh: taqwiim99@hotmail.com

Check Also

KACSI LA'AANTA RAGGA, JIMICSIGA,

Ahmiyada Jimicsiga Uu U Leeyahay Dawaynta Kacsi La’aanta Ragga

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu sheegay in jimicsigu uu xal u noqon karo kacsi …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *