Waa Tee Maadada Hadii Aad Barato Kaa Dhigi Karta Bilyaneer?

bilyaneerQiimayn la sameeyay ayaa daaha ka rogtay shahaadada ama kuliyadda ugu badan ee dadka taajiriinta ah soo barteen, falanqayn lagu sameeyay xogihii iyo macluumaadkii qiimaynta ayaa lagu ogaaday in rubuc ka mid ah Malyuuneerada dunida ay soo barteen kuliyadda Engneering-ka.

sida ay xustay warbixinta, In ka badan 22% ayay Engneeradu dunidu ka yihiin maalqabeenada caalamka, waxaa intaasi sii dheer in dadka barta kuliyaddaan badankood ay noqdaan hal abuurayaal ganacsi taasoo maantay gaarsiisay in ay noqdaan bahda waxbarasho ee maalka ugu badan ee dunida iska leh.

Bahda labaad ee ugu maalqabeensan dunida ayaa waxaa ay soo barteen kuliyadda ganacsiga, 12% ayayna ka yihiin malyuuneerada caalamka.

Dadka barta ganacsiga ayaa iyagu ah kuwo lagu tababaray abuurista, maamulidda iyo kantaroolidda ganacsiga, bahdaan ayaa badankood ah ikhtiraacayaal dunida wax badan ku soo kordhiyay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in hantiilayasha caalamku ay kaalin miisaan leh ay kaga jiraan dad aanan gabi ahaanba haysan shahaado jaamacadeed.

Shakhsiga sanadkaan kaalinta koowaad u galay Malyuuneerada caalamka ayaa noqday shakhsi aanan shahaado jaamacadeed haysan waana Bill gates, waxaa sidoo kale ogaal mudan milkiilaha shirkadda Facebook Mark Zuckerberg inuusan dhamaysan Jaamacadda.

Amy Catlow oo ka mid ahaa khubarii qiimaynta anisixisay ayaa yiri “ waxaana shaki ku jirin in macluumaadkaani uu keeni doono dood ku saabsan qiimaha shahaadooyinka aan haysanno maantay, si aan u gaarno xasilooni dhaqaale, waxaa loo baahan yahay takhasusaad kala duwan, laakiin dad badani marka ay maqlaan warbixintaan, waxaa ay buux dhaafin doonaan fasallada Engineering-ka.”

Warbixintaan oo lagu daabacay barta warbaahinta the telegraph ayaa noqnaysa mid dood badan abuuri doonta, dhanka kale, daraasad soo baxday sanadkii 2014-kii ayaa lagu caddeeyay in kuliyadaha Caafimaadka, Engneerinka, Dhaqaalaha iyo Ganacsigu ay yihiin kuwa ugu qaalsan ee la barto.

Xigasho: http://www.telegraph.co.uk Via Radioiftin.com

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *