Waa Maxay Xaasidnimo, Maxaase Lagu Gartaa Qofka Xaasidka Ah?

XAASIDNIMADA ,

WAA MAXAY XAASIDNIMADA, MAXAASE LAGU GARTAA QOFKA XAASIDKA AH?

Xaasidnimada waxaan oran karnaa waa laba qaybood mid uu qofka ku dhasho iyo mid qofka uu gadaal ka noqdo iyada oo ay ku kaliftay inuu xaasid noqdo wadciga adag uu kusoo koray ama marxalada kala duwan ee nolosha kasoo martay,

Xaasidnimada waa wax qofka qalbigiisa ku jirta oo ku kalifaysa qofka ama ku khasbaysa in uu dadka xasdo si walbaba ay ahaato isaga oon ka faa’iideyn waxba,

Hadaba waxan kala qaadaynaa tan lagu dhasho iyo tan gadaal laga noqdo,#Xaasidnimada lagu dhasho waa mid qofka iskaga abuuran taas oo aan oran karno waaba qofka hobby-giisa oo uu ka helo ,waxayna kasoo bilaabata xiliga caruurnimada,

Tusaale ahaan ilmaha qaar waxaad arkaysa ilma ilma kale inta uu dadka waaweyn iska eego qaniinaya ama wax ku dhufanaaya, alaabtiisa ka tuuraya, qalinkiisa ama kabihiisa mid ka mid ah waa ilmaha mar walba inta ay iska fiiriyaan qofka ay wax ku samaynayn oo ah ilma kale oo lodkoda ah wax dibin daabyo ah oo uu kaga xanaajinaayo ku sameeya, ilmahaas waxa ka daremaysa waxaas uu ku samaynaayo ilmaha kale oo uu kaga xanaajinayo inu ku raaxaysanayo oo uu farxad ku dareemayo,

hada ku qabato oo waydiiso waxa ku kalifay magaranaayo wax sabab ah, saas ayuu kuweynaada xaasid nimadiisina wuu la weynaada,waxa ayna gaarsiisa heer xun oo uu la naco wax kasta oo wanaagsan umada walaalihis ah, waxa kale oo ay gaarsiisaa heer uu ka naxo qof walba oo wax wanaagsan haysta oo ku ku fekero sidii uu uga kala tuuri laha ama uu uga bur burin lahaa.

Hadaba tan lagu dhasho iyo tan gadaal uu qofku ka noqdaba waxa ay ka siman yihiin dhaqan ka iyo wax walba oo ay samaynayaan marka uu qofku weynaado,

MAXA LAGU GARTA QOFKA XAASIDKA AH?

1: Qofka xaasid ka waxa lagu gartaa waa dibindaabyo miiran wana mid ka shaqeeya gadaashada si uu ufuro xarig kasta oo aad xirtid oo maslaxadaadu ku jirto weliba si dadban oo aadan iska garan ayuu sidaas u sameeya.

2: qofka xaasidka ah waxa lagu gartaa waa munaafaq kuu isticmaalaya laba weji, weji fiican oo aad ku taqanid oo uu dadka ku siro si loo moodo qof fiican iyo weji u qarsoon oo cadowtinimo ah oo uu noloshaada rabo inuu ku gubo.

3: Qofka xaasidka ah waxa lagu garta in uu aad iskugu dardaro dadka isaga oo iska dhigaaya qof caawimaad badan, asxaan badan, run sheeg badan, si aad isugu fur furto oo uu xogtaada iyo meelaha aad weakness ka ama aad ka debecsantahay uu u ogaado si uu u helo wadada ugu fudud oo uu kugu baabin karo noloshaadana u kala tuuri karo.

4: Qofka xaasid ka aha waxa lagu gartaa xiriir joogta ah oo kabadan sidii caadiga ahayd isaga oo aay ujeedadiisu tahay si uu marwalba xogtaada iyo waxa ka cusub noloshaada uu u ogaado si uu isna hawshiisa u wato,adigana aad ugu moodid saaxib fiican oo kaa warhaya marwalba balse arinku sidaas wuu ka duwan yahay.

5: Qofka xaasidka ah waa mid xan badan mar walbana ka sheekeya dadka sharafta leh isaga oo dhaliil xun u raadinayaa dadkas wanaagooda iyo guusha ay gaareen.

6: Qofka xaasidka ah waa qof neceb oo mar walba jecel inuu dab ka dhex shido lamaanaha isqaba ama isguursan raba oo isku faraxsan,saaxibada isku wanagsan oo is jecel,deriska isku wanagsan,walalaha isku faraxsan oo isjecel,waalidka iyo ilmihiisa iyo laba qof oo kasta oo wanaag ka dhexeyo ( Somaliduna waxay ku maahmaahda hebel waa sadex neceb)

7: Qofka xaasidka ahi waa mid xanuunsanaya oo ka xuunsanaya nimcada Ilaahay dadkiisa u qaybinayo ee maalin laha ah waxa uu jecelyahay in Khaaliqa isaga uun wax siiyo oo dadka oo dhami aysan wax kasoo gaarin nimcadaas,dhibatada haysata xaasidkana waxay tahay dagaal aan guul laga gaarayn ayuu ku jiraa dharaar iyo habeen,

8: Qofka xaasid ka ah waa mid ay ka maqan tahay xasiloonida iyo farxada oo aaminsan in waxkasta oo wanagsan Allah isaga ka qadiyey oo ku fekeraaya dadka kale ayaa adiga kaa nasiib wanagsan ,

9: Qofka xaasidka ah waa saaxibka dhabta ah ee shaydaanka ama kaba sii xagjira oo shaydanka aya la qaatay waa qof xitaa markuu Salaada ku jiro ku mashquulsan oo ka fekeraya sidii uu qof walalkiis ah u damiri laha ama dabin ugu dhigilahaa,waa qof waqtigiisa inta ugu badan ku lumiya baabi’inta iyo wax yeelaynta bini’aadamka .balse waa mid marwalba ku fashilma dabinta iyo xumaanta uu sameeyo,guulna aan ka gaarin.

10: qofka xaasidka ah waxa ku yar iimanka iyo ka cabsashada Rabbi (SW) waxaana u fudud wax walba oo uu cagta ku marin karo wanaaga dadka, xitaa in uu ruuxda ka jaro qof way uga fududahay koob biyaha ah oo la cabo sababtoo ah cuqdada iyo xumanta qalbigiisa ka buuxda ayaa ilowsiisey Alle ka cabsigii iyo wixii uu la kulmi lahaa maalinta qiyaame.

11: Qofka xaasidka ah waa maseyrloow maseyrku maha keliya kan ay kala maseyran labada is qaba ama xiriirka leh balse kan xaasidku waa maseyr uu ka maseyro qof wax wanagsan haysta,qof awlaad wanagsan haysta,qof lacag haysta,qof wax bartay,qof sharaf leh,qof qurux badan,iwm.

–Hadaba kuma soo koobi karno qofka xaasid

Hadaba kumasoo koobi karno qofka xaasidka ah sifooyinkiisa oo dhan halkan;qof kasta oo calaamadahan iyo ka badanba leh waxa muhiim ah in laga feejignaado loona duceeyo in rabi soo hanuuniyo…waxa kaloo muhiim ah qofkii iska dareema xaasidnimo yar ama calaamadahan oo kale leh in uu isdaba qabto ilaahayna utoobad keeno.kana ducaysto in Allah ka dilo xididka xaasidnimo oo jirkiisa kujira,waayo xaasidnimadu waxay cibaadada qofka ucunta sida dabku dhuxusha ubaabi’iyo oo danbas uga dhigo
–Nebigeena nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaate wuxuu yiri xaasidnimada iyo iimaanku meel kuma wada kulmaan,marka qof aan iiman lahayn xaalka uu kusuganyahay waad garan kartaan,ilaahay qalbigena xiqdiga iyo xasadka haka fogeeyo

Waad mahadsantihiin dhamaan..

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *