Waa Maxay Wallac Maxaase Loo Cuni Karaa?

Wallacu waa astaan muhiim ah oo lagu garto marka haweeneydu ay uur qaado. Wallaca waxaa lagu gartaa matag iyo lalabo.

Maxaa keeni kara wallaca?

Weli lama hayo sabab rasmi ah oo keenta wallaca balse waxay dhakhaatiirtu u malaynayaan inay keeni karaan:

  • Noocyo homoonada ka mid ah oo jirka ku bata sida hormoonka estrogen-ka, hormoonka progestron-ka iyo hormoonka HCG-ga
  • Sokorta dhiiga oo hoos u dhacda
  • Waxyaabaha udgoon sida catarrada oo xasaasiyadoodu kororto.

Akhriso: Calaamadaha lagu garto uurka bilowga ah

Cuntooyinka u fiican gabadha wallaca ah:

  • Sanjabiisha: Sanjibiisu waa daawo dabiici ah oo si aad u tayo badan ula dagaalanta lalabad. Waxaa loo isticmaali karaa cabbitaan ahaa ama inyar oo ka mid ah ayaa shaaha lagu darayaa, dhaqso ayayna lalabadu u ba’aysaa
  • Mooska: waxaa uu leeyahay faaidooyinka badan. Moosku waxaa uu yareeyaa lalabada.

Talooyin dheeraad ah:

  • Si fiican u naso gaar ahaan marka uurku cusub yahay. Iska ilaali waxyaabaha fakarka iyo welwelka keena.
  • Iska ilaali in calooshaadu marnaato.
  • Iska yaree  kafeega ama qaxwada 3 bilood ee ugu horraysa uurka.
  • Ka dheerow melaha baraafuunada iyo catarradu ay ka carfayaan.
  • Badso cuntooyinka leh carboheydrate-ka.
  • Cun hadba xoogaa yar oo cunto ah si joogto ahna u cun (6 jeer maalintii)
  • Cun cuntooyinka borootinka leh iyo vitamin B sida lowska. Ka dheerow cuntooyinka ay ku badan yihiin  basbaaska, aashitada iyo dufanka.
  • Biyo cab cuntooyinka dhexdooda. Marka aad cunto isla markiiba biyo haka daba cabin sug nus saac.

Halkaan ka daawo Ubahiina Muuse oo ka hadlaya wallaca

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *