Waa Maxay Suuqgeyn (Marketing)?

Salaan diiran ban idin soo diraya dhamman akhristayasha qiimaha badan leh, salaan ka dib aynu toos ugu dhaadhacno maqaalkan ciwaankisu kor ku xusan yahay, aynu ku bilaabo qeexid kooban oo laga yidhi suuqeynta ”

Suuqgeyntu waa nidaam maamuul oo daaha ka roga dabeedna daboola baahiyaha macaamiisha, daah ka rogista & daboolidda baahida macaamiisha ayaa lagu tilmaamaa laf-dhabartaa suuqgeynta”

Suuqgeytu waxay leedahay faham badan oo kala duwan lakiin waxay kasiman yihiin waxa ka mid ah:

-In la raaligeliyomacaamiisha.

-In tilmaan laga dhigo macaamiil sax ah.

-In xiriir lala yeesho macaamiisha.

-In tartamayaasha laga fiicnaado.

-In si fiican loo isticmaalo hantida shirkadda.

-In sare loo qaado saamiga shirkaddu ku leedahay suuqa.

-In sare loo qaado faa’iidada.

Haddaba si aynu si fiican isula jaanqaadno aynu xusno taariikh kooban oo ku saabsan suuqgeynta, suuqgeyntu waxay soo martay maraaxil kala duwan, wixii ka horreyey kacaankii warshadah baahi looma qabin suuqgeynta gebi ahaanba, waayo waxkasta oo las oo saaro waxaa loo heli jiray suuq la soo dhigi karo iyaddo laga faa’iidaysanyo horummarkii technologyga ee xilligaas. Baahida oo aad u balaarnayd, wax kasta oo yimaada si sahal ah ayaa loo iibin jiray, wixii ka danbeeyey sannadkii 1920kii ayaa la dareemay baahida suuqgeynta xilligaas waxa batay tartanka washadaha, waxa suuqa yimid alaabo ama products badan oo isku mid ah oo ay sameeyeen warshado kala duwan.waxa sida oo kale hoos u dhacay awooddii iibsiga(Purchasing power) macaamiisha asbaabo la xiriiray saamigii suuqyadda oo hoos u dhacay xilligaas shirkaddku waxay bilaabeen in ay awoodda saaraan sidii iibka ay sare ugu qaadi lahaayen.

Biloowgii kontonaadkii ayaa sharikaad badani dareemeen in suuqa la oo dhigo product/Service, dabadeedna la xayaysiiyo oo kaliya aysan ku filnayn,xilligaas ayaa shirkaad badani awooda saareen inay marka hore ogaadaan baahida mcaamiisha, dabeedna isku dayaan in ay daboolaan haaidaas xilligan dabe ahmiyadda suuqgeyntu waa in xariir waqtigiisu dheer yahay ah lala yeesho macaamiisha(Marketing relationships).

Isku soo duuduuboo waxan oran karnaa haddaad rabtid in aad ka badbaadid debinnada dadka ama organizationku waliba business organizationku ka badbaadan waa in aad ugu horeyn ka jawaabtid waliba si fiicaan oo fahan qoto dheer oo aqoon iyo cilmi ku salaysan uga jawaabtid su’aalo badan oo ay ka mid yihiin.

1-Muxuu ganacsigaagu ku saabsan yahay ? Maxaad ku fiican tahay ? Maxaadse ku liidataa ?

2-Maxay macaamiishaadu rabaan ? Sidee ku ogaanaysaa in aad dabooshay baahidii macaamiishaada ? Sidee ku xaqiijinaysaa in aad fahmi kartid baahidoodamustqablka ?

3-Yaa kula tartama ? Maxaad kaga fiican tahay ? Sidee u xaqiijinaysaa in aad ka horaysid tartamayaashaada ?

4-Sidee kuu arkaan macaamiishaadu ?

5-Jihadee shirkaddaadu u socotaa ? Waa maxay vision kagu maxaadse u baahan tahay si aad u xaqiijiso visionkas ?

“BUSINESS HAS ONLY TWO FUNCTIONS- MARKETING & INNOVATION” Philip Kotler.

Abdinajah Ismail

Source:-How to create successful business

Articles of Siciid Ali Shire

Soomaalidda iyo ganacsiga

Check Also

suuqgeynta

Xeeladaha Suuqgeynta Ee Ay Ganacsatadu Isticmaasho

Qofka bani’aadamka ah dhaqankiisa iyo go’aankiisaba waxaa si aanu dareemayn saamayn ugu yeesha, hadba deegaanka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *