Waa maxay sababta asalka u ah Rajo-dhigida?

Alla maxaan aduunyo qanac la’aan ka jirto ku noolnahay! Qofna kuma qanacsana waxa uu heysto dunidan. qof kasta waxaa ku jira jamasho wuxuusan heysan. Maxay sidaa u tahay? Sababtoo ah waxaan jecelnahay is bar-bar dhigid & ku dayasho.

Dadka qaar baa cadeynaya jirkooda si madabkoodu u noqdo Cadaan. Dad badan oo cadaana waxay rabaan inay helaan midab madow bunni ah. Kuwaa u dhimanaya inay dhuubtaan si ay ugu ekaadaan kuwa model-ka ah, qaar kalaa jecel in miisaan u kordho oo buurtaan. Dad badan ma garanayaan waxa ay sameynayaan keliya waxay arkeen cid kale oo sameynaysa.

Dhalin badan ayaa timahooda madow neceb oo midabeeya halka waayeel badan ay madoobeyaan. Qaar baa u dhimanaya inay shaqo helaan halka kuwa kale ay karaahiyeysteen shaqadooda. Kuwaa dhib kasta u mara inay lacag helaan, kuwa kale ayaa wax ay ku qabtaan waaya markay lacagta heleen kuna ciyaara. Dad badan baa u murugooda inay dhoofaan marki ay tagaan halki ay rabeena ku duceysta yaa mar uun ku celiya.

Is bar-bar dhigid & ku dayasho waa cudur. Miyaysan ahayn waqtigi aan joojin lahayn arrintaa, kuna farxi lahayn sida aan nahay & waxa aan heysano.

Ogow, si kastoo aad si adag u shaqeyso ama u dedaasho waxaa jira dad kaa hanti badan, dad kaa qurux badan, waxaa jira dad kaa liita, dad kaa dhibaato badan.

Ha is bar-bar dhigin cidna. Naftaada ha bar-bar dhigin naf kale. Mushaharkaaga mid kale. Caruurtaada caruur kale. Gurigaaga guri kale. Gaarigaaga gaari kale. Mobile-kaaga mid kale. Jooji ku dayashada. Bilow Nolol. Waxaa hubaal ah inaad habkan ku noqoneysid qofka ugu farxada badan. Had & jeer xusuuso! Waxa ugu adag aduunka waa inaad isku daydo inaad noqoto qof kale oo aadan ahayn.

I aamin! Waxa ugu fudud aduunka aad sameyn karto waa inaad qofkaa tahay ahaatid. Faraxsanow kuna noolow noloshaada dhabta ah. Waxaa jira sabab uu Alle SWT kaaga dhigay sida aad tahay, kuu siiyay waxa aad heysato.

Xusuusnow: Is bar-bar dhigida waxay waxyeelaysaa xiriirka kaala dhexeeya naftaada, kan dadka kale & tan ugu muhiimsan xiriirka Alle. Waxay kaa dhigtaa mid aan ku mahad-celin nimcada Alle kugu maneystay.
Ahow qofka aad tahay. Ku qanacsanow waxa aad heysato.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *