Waa Maxay Nolol?

1. Ujeedada Noloshu waa in Alle oo keliya la caabudo

2. Tacaburka Noloshu waa in wax la barto

3. Dabeecada Noloshu waa in is bedel la sameeyo

4. Imtixaanka Noloshu waa in lagu Saburaa

5. Nuxurka Noloshu waa Daryeel

6. Fursada Noloshu waa in aad dantaada garataa

7. Qanaacada Noloshu waa in aad Iimaan xoogan leedahay

8. Hanitda Noloshu waa Caafimaad buuxa & Qalbi Qani ah

9. Nuurka Noloshu waa Awlaad Baari ah in Alle ku siiyo

10. Guusha Noloshu waa Guri & Qoys farxad leh

11. Sirta Noloshu waa inaad daacad ahaataa

12. Farxada Noloshu waa in aad Dadka caawisaa

13. Quruxda Noloshu waa inaad wax bixisaa

14. Macaanka Noloshu waa Jaceyl

Dhalashadu waa Bilowga Nolosha. Dhimashadu waa dhamaadka Nolosha Aduunka. Goortii aan dhalano, waa la Adimaa laakiin Salaad lama tukado… Goortii aan dhimano, Lama adimo Laakiin waa la tukadaa. Adinka dhalashadeena waxa uu leeyahay Salaada dhimashadeena. Taasi waa sida ay u gaaban tahay Nolosha Aduunka

Diyaariye: Farah Cawaash

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *