Waa Maxay Nabaddu?

WAA MAXAY NABADDU?

Waa su’aal da’awayn una baahan jawaab hufan,oo qofkasta oo caqli leh marka la waydiiyo,uu aragti kaga jawaabayo.

Aragtiyadaa faraha badan hal meel ayay isugu wada biyo shubanayaan. Haddaba akhriste hadaan isku daynu inaynu qeexno,su’aasha waa maxay nabadi?

Nabaddu waa tiirka koobad ee,aasaaska nolosha ama xaalad xasiloon,oo lagu wada noolaan karo.

Nabaddu waa dahab,iyo door ay mudan tahay in la,doonto waana danta ummada. Nabad la’aan waa nolal la’aan.

Haddii ay nabaddu meesha ka baxdo waxaa baa’ba’aya aasaaskii nolosha oo dhan dhinac kasta ha’ahaatee.

Nabad iyo colaad, waa kuwo aad u da’ wayn, lana kowsaday jiritaanka aadanaha. Ka hor intaan taariikhda la qorin, xilli-taariikheedyada loo yaqaanno “Waayadii arahsiga” iyo “Waayadii ugaadhsiga” dadka waa ay dhexmari jireen colaad iyo nabad labaduba,balse hadba midka ay doortaan labada qoloee is haysaa, ayay dhaqayadeed maali jireen. Kuwa colaadda doorta, waxay u badnayd, in ay labaduba tirtirmaan ama in midkood la jabiyo oo la gumeeyo. Kuwa nabadda doorta, waxay u badnayd, in labaduba badhaadhaan oo nabad ku wada noolaadaan. Waayadaas, aaladaha iyo xeeladaha dagaal ee la adeegsan jiray waxay ahaayeen kuwo waxyeeladoodu aad u yar tahay, una kooban tahay.

Taariikhda la qoray, xilliga loo yaqaanno “Waayadii hore” waxaa ku xusan ummado iyo qabaa’il tirtirmay, sababta ugu wayn ee baaba’oodana ay ahayd colaad iyo masiibooyin laga dhaxlay khilaafkaas. Waxaan tusaale u soo qaadan karnaa ummadahaas suulay: Boqortooyadii dadkii Maaya ee Koonfurta Ameerika oo tirtirantay abaara sannadkii 909 C.D. iyo qabaa’ilkii Anasasi, Mesa iyo Hohokam ee Waqooyiga Amerika oo iyana jiritaankoodii lumay intii Udhaxaysay 1100 – 1500 C.D

FAA’IDOOYINKA NABADDA
——————————————
1:In cid kastaa nabad ku seexato kuna soo toosto,xilli kasta.
2:In khayraadka dalka si siman loo qaybsado,loona wadaago.
3:In ay cadaaladdu taaba gasho,oo aan cidna cid dulmiyin.
4:In ummadaa wada taalaa,isugu gooshaan,si kalsooni,leh xilli kasta.
5:In uusan daadan dhiig,si macna daraa,xaqdarana la isku dilin.
6:In aqoonta bulshadaas meel sare gaadho,asaageedna la tar-tanto.

Abwaan soo maaliyeed ayaa isagoo sheegaya qiimaha nabadda wuxuu yidhi:

Inay nabadu guri hooyo tihiyo gogoshi kuu-tiilay.

Goobjoog nin kii shalay ahaa wuu garwaaq sadayee

Caqli gii gudhan baan ogayn guul inay tahayee

Waa goodan barwaaqoo rimaan gaawa loo sidayee.

DHIBAATOOYINKA NABAD LA’AANTA
———————————————————–
Dhibaatooyinka ka dhasha nabad la’aanta,maaha ookaliya in uu rag dhinto sida dad badan aamin sanyihin. dhibatooyinka ka dhashaa nabad la’aanta waa kuwa saamayn weyn ku leh bulshadaa,qaarna waa laga soo kaban karaa qaarna lagama soo kaban karo, bal hadaba aynu ka iftiimino dhawr qodob aan is lee
yahay waa ugu muhiim san yihiin:

A: In cidkastaa oo wax garad ah ama haldoorka bukshadaa cararaan oo hij-roodaan oo wadammada deriskaa amman iyo nabad gelyo udoontaan.

2:In dagaalo sokeeye bilawdaan,dhiig badani,ku daato,hooyooyin badana ku gablamaan, gabanno badanna ku agoomoobaan.
3:marka ay meel tahay meel colaadeed,waxaa luma ammankii iyo cadaaladii bulshada,waxaa ka dhalanaysa,qofkasta oo wax dila,ama kufsada ama dhaca hanti dawladeed iyo mid ummadeedba inuu nabad diidka ku biiro,oo garab iyo gaashaan ka helo,una sii fududaato,inuu hawlahaa,nabadda ka dhana sii wado.
4:waxaa adkaanaysa,in bulshadu,is dhex galaan,is caawiyaan,ama is aaminan.
5:waxaa noloshoodu dirqi galaysaa dadka danyartaa ee xoogooda ku xamaasha,inay fursad, noloshooda uwaayaan,ayna cidhiidh gasho markaasna ay ucararaan meel ay ammaan ka helayaan,taasna waxay keenaysaa,in colaadu sii daba dheeraato
6:waxaa ka yimaada nabad darada barakac,iyo qax sababa in waddankuba uburburo.
7:waxy keentaa nabad la’aantu kufsi,iyo in haweenka meel looga,dhaco,ayna
fududaato,dhucu iyo in hooyooyinka lagu xad gudbo.

Waxaan kusoo ururin qormadayda

“NABAD BAA NAAS LA NUUGO LEH”

“NABADDA ADAA KU NOOLE IYADU KUGUMA NOOLA”

Qalinkii:abdirahmaan mohamoud askar

Check Also

cudurka baraska

Noocyada Cudurka Baraska, Sababaha Keeno Iyo Dadka Halista Ugu Jiro Inuu Ku Dhaco

Baraska waa cudur kayimaada khalad ku dhacay hidasidaha qofka kaasoo sababa in maqaarka, timaha, iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *