Waa Maxay Is-Hormarin Qofeed? Maxayse Tahay Muhiimadda Ay Leedahay?

Qormada maanta aan rabo in aan usoo gudbiyo akhristayaasha waxay tahay: Waa maxay is-hormarin qofeed? Maxayse tahay muhiimadda ay leedahay? Waa maxayse tiirarka ay ku qotonto ama ku taagantahay?

Muddo dheer oo aan u kuur galay hormarinta qofka (Personal development) iyo hormarinta maamulka (Administration development), waxaa iiga soo baxday in macnaha rasmiga ah ee hormarinta qofeed aysan laheyn qeexid laysku waafaqsan yahay ama heshiis lagu wada yahay. Qoraa kastana si buu  u qeexaa, in kastoo isku dayo badan ay sameeyeen khubaradda maamulka, tababarayaasha, iyo kuwa xiiseeya Is-hormarinta qofeed, ayey ku sheegeen sida tan: Is-hormarinta qofeed: waa hannaan shareecada islaamka waafaqsan,  qofkuna ku hormarinayo ama ku raadinayo xirfad, cilmi, dhaqaale, hab-dhaqan toosan, iyo xeriir bulsho, taas oo gaarsiinaysa inuu dareemo raali ahaansho(personal satisfaction) iyo nabad gudaha ah, kuna kaalmeyneysa inuu diiradda saaro sida uu ugaari lahaa hadafyadiisa nololeed, iyo sida uu ugu guulaysan lahaa culaysyada soo wajaha, ee hakinaya horusocodkiisa.

Qeexitaankaan wuxuu ku dhisan yahay qodobo muhiim ah oo kala ah:

Hadafka/Yoolka guud ee qofka muslimka ahi uu nolosha ka leeyahay ayaa waxeey tahay in uu gaaro  raali ahaanshaha Alle, galana Janadiisa. Sidaa daraadeed, waa inuu udhaqmaa qofku hab gaarsiinkara Yoolkaa, una camal falaa si uu u gaaro hadafkaas. Intaas waxaa dheer dhamaan Ahdaafta kale waxay kaalmeynayaan hadafkaas nololeed ee guud. Tusaale ahaan Ahdaafta kale ee qofka waxaa ka mid ah inuu hanti tabco. Hadaba waa in lagu tabcaa wado Xalaal ah si ay u kaalmeeyso hadafka guud ee nolosha.

Isku soo wada duuboo Is-hormarinta waa in ay tahay mid ku salaysan ama waafaqsan diinta Islaamka. Qofka loogama baahna inuu ka raadiyo Is-hormarintiisa waxyaabo aan waa faqsaneeyn shareecadda Islaamka. Is-horamrinta waxaa sal u ah xoojinta sidii uu u dahiri lahaa qofku nafsadiisa si uu u gaaro dhameystirnaanta Iimaanka ama sare ugu qaado. isla markaana uu ka fogaado wax kasta oo hoos u dhigaya Iimaankiisa. Sidoo kale Is-hormarintu kuma xirna da’ ama xili go’an, ee waa hawl joogta ah oo looga baahanyahay qofka. Isla markaana uu ku dadaalo wax kasta oo ka qeyb qaadanaya hormarkiisa, ha ahaato Cibaado fara badan, cilmi kororsi, abuuris xeriir fiican oo bulshada dhexdeeda ah.

Muhiimadda ay leedahay Is-hormarintu waxa ka mid ah:

  • Ugu horeyn ma jiraan aduunkaan wax sugan, ee isbedel joogta ah ayaynu ku jirnaa, sidaa darteed waxaa loo baahanyahay sidii loola qabsan lahaa isbadaladaas, uuna qofku si joogta ah  isu hormarinlahaa si uusan uga harin Tareenka nolosha.
  • Waxaa kaloo jirta baahi joogta ah oo ah dhinaca xirfada iyo macluumaadka intaba, qof kastana wuxuu  u baahan yahay si joogta ah inuu u baadi goobo.
  • Suuqyadda shaqadda ma naxariistaan ee waxay u baahanyihiin xirfado cusub iyo macluumaad dheeri ah. Hadii aadan aheyn qof si joogta ah isku hormariya, tartanka shaqadda waad ka hareysaa, wayna kugu adkaaneysaa in aad la qabsatid shaqadda.
  • Culaysyadda nolosha soo wajaha weey badan yihiin sidaa daraadeed waxaad u baahan tahay in aad markasta baratid tabaha iyo sidii aad ula dhaqmi laheed ama uga gudbi laheed Culeeysyadaas.


Tiirarka eey ku taagan tahay Is-hormarinta

Wax kasta sal iyo asaas ayey leeyihiin, hadaba halkan waxaan si kooban ugu sharxi doonaa Shanta Tiir ee Is-hormarintu ku taagantahay. Waxayna kala yihiin sidan hoos ku qoran:

  1. Waa in aad istaqaano

Qofku waa in uu isweydiiyaa kumaa tahay? Maxeyse tahay awoodaada iyo xirfadda aad leedahay? Hadii uusan qofku su’aalahaas jawaab rasmi ah u helin, waxaa ku adkaan doonta inuu Is-hormariyo.

  1. 2. Waa in eey kuu cadahay waxa aad ka damacsantahay noloshaada.

Waxaa loola jeedaa qofku waa in uu leeyahay qoraal cad oo cadeynaya hadafka uu leeyahay kuwo dhow (Short term goals) iyo kuwo fogba (Long term goals). Hadafyada fogi waa kuwa lagu higsado gaaritankooda mudo ka badan sanad sida in uu qaato degree jaamacadeed iwm. Hadafyada dhawi waa kuwa lagu higsado  gaaritaankooda mudo sand ama ka yar ah,waxeeyna u adeegaan sidii lagu gaari lahaa hadafyada fog sida barasho loqadeed iwm. Taasi macnaheedu waa in qofku leeyahay meel uu ka duulayo, ogyahayna meesha uu u socdo, laakiin hadii uusan ogeyn meesha uu u socdo iyo meesha uu hada joogo waxaa cad in uu ku fashilmayo is-hormarintiisa.

  1. 3. Waa in aad taqaanid sida aad ula dhaqmi laheyd naftaada iyo dadka kale intaba

Waa in aad taqaanid waxa aad ka rabtid ama ka damacsantahay nafsadaada iyo tan dadka kaleba, aadna ka dhaadhicin kartid waxa aad damacsantahay, weydiin kartidna waxa aadan fahmin, adigoo adeegsanaya qaabka iyo sida ugu wacan ee lagula xeriiro dadka kale. Hadaba waa lama huraan in aad hormarisid xirfadaha kaa kaalmeynaya xeriirka iyo bulshanimadda, isla markaana aad ogaatid in ay lama huraantahay in aad xeriir fiican la yeelatid dadka kale, ogowna waxa kula saxani, qof kale waa ay la qaldanaan karaan. Tusaale ahaan 20 qofood hadii aad weydiisid “Maxaa la dhahaa GUUL?” mid kasta sib uyuu kuugu sheegayaa  taasoo ah sida uu u arko inay tahay guusha macnaheeda. Sidaa darted waa in aad taqaanaa sida aad ula dhaqmi laheyd naftaada iyo tan dadka kale intaba.

  1. 4. Waa in aad leedahay xirfad aad kaga faa’iideysankartid hantidaada

Waxaa loola jeedaa in aad leedahay hanti aad uga maarmi kartid in aad dad kale  wax weydiisatid.Soomaalida ayaa tiraahda “Bukto badan iyo Baryo badan waa la isku nacaa” Taasi waxay kugu dhiiri galinaysaa in aad abuuratid illo dhaqaaleed. Maxaa yeelay hadii aadan heysan lacag aad isku hormarisid ama aad isku maal galisid Is-hormarintu wey adag tahay in ay sidii la rabay noqoto.

  1. 5. Waa in aad leedahay Xirfado aad wax isku bari kartid

Tani waxay tilmaameysaa awooda aad u leedahay in aad si fudud ama dhaqso ah ku heli kartid kuna kobcin kartid macluumaadka iyo cilmigaagaba, adigoo adeegsanaya marba xirfadda aad u baahantahay ee kaa kaalmeyneysa waxa aad ubaahantahay. Tusaale ahaan maanta oo caalamkii uu noqday tuulo oo kale (Global village), oo macluumaad kasta aad ku heli kartid muddo kooban, bal kawaran  hadii aadan aqoonin sida loo adeegsado internet-ka. Sidaa daraadeed waa in aad abuurtaa amaba kordhisaa xirfadaha kugu saacidaya kororsiga cilmiga.

Shantaan tiir ee aan soo sheegay, ayaa u ah jiridka ay ku taagantahay Is-hormarinta, la’aantoodna ay adagtahay inuu qofku Is-hormariyo.

 

W/D: Cabdikamaal Maxammed Sheekh C/laahi

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *