Waa Maxay Curiyaha Magnesium?

Magniisiyom (magnesium)  waa curiye kamid ah curiyayasha jirka u baahnyahay waa curiyaha afaraad ee ugu badan jirka bani-adanka  waxa uu ku kaydsanyahay lafaha 50% inta soo hartana jirka ay ku kala qaybsanyihiin waxa uu ilaaliyaa isu dheela tirka dhiiga ,sidaa daraadeed waxad arkaysaa inuu murqaha iyo neerfaha jirka si aad ah ugu badanyahay ,waxa uu ilaaliyaa lafaha xoogooda iyo sidoo kale isu dheelatirka sokorta dhiiga kujirta ,waxa uu toosiya garaaca wadnaha iyo xididada dhiig mareenada ah .

Halkee laga helaa curiyaha magniisiyomka (magnesium)?

Waxaa si aad ah looga helaa khudaarta kala duwan sida : yaanyada ,bataatiga ,digirta ,fuul suudaniga ,burka galayda laga sameeyo ,masagada,shuklaatada ,waxaa kaloo laga helaa caanaha iyo kaluunka >

Calaamadaha lagu garto qofka magniisiyamku ku yaryahay :

Xanuun qoorta iyo dhabarka ku yimaada ,sidoo kale qofka wuxuu dareemaya daal iyo madaxa oo hal dhinac ka xanuuna (migraine),murqaha oo yaraada , gaajada oo yaraata, matagga iyo hurdo la’aana way raacaan inta badan.  


Tiro intee le’eg aya laga rabaa jirka bani-adanka inay kujirto?

1-3 sano jirka waxaa laga rabaa inay qaataan 80 milligram maalinki

4-8 sano jira waxaa laga rabaa inay qaatan 180 milligram maalinki

9-13 sano jir waxaa laga rabaa inay qaatan  240 milligram maalinki

Gabdhaha iyo wiilasha way ukala duwanyihiin inta midkasta laga rabo inuu qaato.


Gabdhaha:

14-18 sano jir 360 milligram maalinki

19-30 sano jir 310 milligram maalinki

31 sano jir iyo kabadan  320 miligram maalinki

Haweeneyda uurka leh

19-30 sano jir 310 milligram

31 sano iyo kabadan 320 milligram


Wiilasha:

14-18 sano jir ah 410 milligram maalinki

19-30 sano jir ah 400 milligram maalinki

31 sano jir iyo kabadan  420 milligram maalinkii

W/Q: Dr. Osaama Cusmaan

Check Also

qawadka

Sababaha Keena Qawadka Iyo Calaamadaha Lagu Garto

Qawadka  waxaa caafimaad ahaan loo yaqaan “Tinea versicolor”  waa cudur ku dhaca maqaarka waxaana sababa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *