Nafaqada Iyo Caafimaadka Ay Xambaarsan Yihiin Midhaha Chia Seeds Iyo Qaababka Loo Isticmaalo

Waa midho aad u yaryar oo ka baxa geedka magaciisa la idhaah Salvia Hispanica. Midhahani waa midhi Allah (swc) ku manaystay wanaag aad u faro badan oo wax tar wayn u leh jidhka. Waxaa ku jira walxo aad uuga sareeya walxaha ku jira subaga omega-3, antioxidants iyo waliba dietary fiber aan la dhigmin inta dhirta fiber ka leh ee layaqaan. Waliba waxaa ku jira nafaqooying kale oo aad u muhiim ah, sida protein ka laga helo dhirta, vitamino iyo minerals. Waana midhi yaryar oo dabeeci ah oo ka baxa dhulka.

Chia seeds waxaa loo beeraa sida gooni ah oo waliba dabeeci ah, wayna jirtaa kuwo aan si dabeeci ah loo beerin. Markaa waxaa fiican kuwa sida dabeeciga ah loo beeray. Inta badana waxaa lagu beera dhulka South-America.

Chia seeds ma leh wax dhadhan ama ur, waana shay gali kara ama lagu dari karo wax kasta. Kaaga daranta dhuxda iyo nuxurka ku jira midhahani waa mid aan waxba dili karayn xataa dabku ma dhaawacayo anfacaadooda. Sidaad doontid baad u cuni kartaa ama u isticmaali kartaa ama aad u karsan kartaa.

Nutrition information per 100 grams:
Energy 1650 kJ / 400 kcal
Protein 17.2 g
Carbohydrates 17 g
Fat 32.8 g
Omega-3 (ALA) 20.8 g
Dietary Fiber 32g
Sodium 0 g
Vitamin B1 1.4 g
B2 0.24 g Vitamin
B3 vitamin 8.4g
Vitamin A 1.3 g
Calcium 872 mg
Magnesium 468 mg
Manganese 5.8 mg
Phosphorus 924 mg
Iron 48.8 mg
Zinc 7.4 mg
Potassium 892 mg

Waxaa ku jira midhahan Chia seeds:

Chia includes:
8 x more omega-3 than salmon
6 x more calcium than whole milk
15 x more magnesium than broccoli
3 x more iron than spinach
25% more dietary fiber than flax seed
30% more antioxidants than blueberries
50% more folate than asparagus

8 jeer in kabadan omega-3 in kabadan kaluunka salamon ku jirta
6 jeer in kabadan calsium ka ku jira caanaha loda ee subaga badan
15 jeer in kabadan magnesium ta ku jirta braccoli
3 jeer in kabadan iron ta ku jirta spinach
25% in kabadan dietary fiber ka ku jira flax seed
30% in kabadan antioxidants ka ku jira bluberries
50% in kabadan folate ka ku jira asparagus

Waxaas oo dhan oo ka mid ha vitamens, antioxidants iyo waliba nafaqooyin kaas oo dhan baa mashaAllah midhahan ku dhan. Kuli waxyaabahan oo dhamina waa waxyaabo lagama maarmaan ah oo jidhku aad uugu baahi badan yahay.

Waxaa kujira Chia seeds natural plant protein, si dagdag ah uu jidhku u qaato oo unugyada jidhka si dhakhso ah ay uugala baxaan anfacaada midhahan si dagdag ah.

Waxaad waliba ka heli kartaa midhahan omega-3 iyo omega-6 oo ah dufanka wacan ee uu jidhku aadka uugu baahan yahay. Dufankan oo aad u caawiya , lafaha, ilkaha iyo dhamaan jidhka oo dhan. Dufanka omega-3 wuxuu jidhka ku caawiyaa inuu hoos u dhigo dhiigkarka, wuxuuna u fiican yahay wadnaha iyo cholesterol ka dhiiga oo uu simo.

Chia seed waxay waliba ka qaybqaataan in cuntadu sifiican oo bilaa dhib ah u marto dheefshiida. Waxayna jidhka ka saaraan wasakhda soo abaarta jidhka.Waxayna ka dhiiga ku caawiyaan inuu ahaado sida uugu fiican iyo waliba waxay ilaalisa inuuna jidhku ka dhamaan energi.

Haddii aad ku dartid chia seeds cuntada aad cunaysid waxaa kor u qaadmaya duxda cuntada. Appetite kaagana hoos bay u dhigaysaa. Arrinkana waxa uu aad uugu fiican yahay dadka buurbuuran inay cuntada ku darsadaan.

Chia seed waxa kale oo ay waliba kaa caawinayaan inay ka hortaga dada.Inuu jidhkaagu horay u gaboobo, inay unugyada jidhku dhismaan iyo in midhiciradu aysan dhaawacmin.

Waxaa isticaamli kara:

Carruurta iyo dadka waa waynba
Qof caafimaad qaba iyo qof bukaan ah ba. Balse haddana haddii aad qabtid xanuun culus ama alergic kala tasho dhakhtarkaaga. Wali waxaa ku socda midhahan cilmi baadhis la rabo in lagu ogaado alergic ku jira midhahan oo ah mid aan la ogayn, balse la og yahay uun anfacaadooda.

Waxaad isticmaali kartaa 1-2 qaado maalintii (12-25 grams).

Waxaad tusaale ahaan ku darsankaraa biyo intaad yara radisid, ama juice, smoothie ama yugurt. Ku jara dhig yashga aad ku daraysid 15-20 si midhahani ay iskugu badalaan gel oo ay isku dhex galaan.

Haddii aad doontidna wax kasta oo cuntada aad cuntid ka mid ah baad ku darsankaraa ama sidooda baad ku cuni kartaa.

Midhahana waa midho ka mid ah waxyabaha uu Allah (swc) ku manaysaty faa´iidooyin aad u fara badan lana rabo in laga faa´iidaysto. Waxaad ka soo iibsan kartaa tukaanada iibsha alaabaha dabayciga ah.

Ku dadaal daryeelka naftaada si aad uuga maarantid isticmaalka dawooyinka. Qadarka Allah inta ka sokaysa adiga uunbaa isdili karana ina noolayn kara.

Waxtarkooda Allah inasiiyo midhahan , sharkoodana Allah naga hayo Allahuma aamiin.

Baaraka Allahufiikum

By: Saamiyah

cafiifaa@gmail.com

Check Also

cabitaano dabiici ah, subaxdii, aroortii

Cabitaanno Ku Wanaagsan In Qofka Uu Cabbo Aroortii Oo Uu Maalintiisa Ku Bilaabo

Dadka u diran caafimaadkoodu waxa ay marar badan ka fikiraan cabbitaanka caafimaad ahaan ugu fiican …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *