Waa Maalinkaagii

Hubaaal waxaad tahay qof ilaahay awood iyo karti Ku manaystay waxaad tahay shakhsiga loo xilsaaray innuu dunidan maamulo oo uu Ku hago jidka toosan iyo wanaaga.

Waxaad tahay khaliifka uu illaahay u dhiibay talada adduunka addiga adigaagan akhriyaaya maqaalkayga ka laga rabo inuu guto waajibkii ka saarnaa kownka iyo adduunka. Allaah waxa uu inna leeyahay addunkan addiga ayaa lagugu abuuray si aad u camirto oo aad barwaaqo iyo wanaag ugu camirto.

Hadaad garawsatay inaad tahay qofka uu sugayo adduunku oo waliba masuuliyadda ka saaran tahay inuu u guntado danta diintiisa,dadkiisa,dalkiisa iyo waliba dhamaan danta duniddu.

Waxa lagaa rabaa inaad maskaxdaada iyo caqligaagaba aad Ku haysid wadadaa dheer ee Ku sugaysa ogoowna wadadda aan kuu tilmaamayo ma yaalaan kumana goglana roog casi,sidaa darteed waxaa lagaa rabaa inaad yeelato awooddii,aqoontii iyo waliba kartidii lagu gaadhayay waxa aad rabto,rabigaana aad talada saarato.

Waxa laga yaabaa inay duniddu aad u neceb tahay isbadalka balse waxa hubaal ah innuu isbadal lama huraan yahay qof walba iyo waliba qaran walba waa haddii aad rabto inaad u shaqayso si ka duwan sidda aad u shaqayn jirtay soona saarto wax ka duwan wixii aad soo saari jirtay,bal u fiirso xikmaddani hoose:-

“Dunidu waa ay neceb tahay isbeddelka, sidaas oo ay tahayna
isbeddelku waa waxa keliya ee keena horumarka.”
— Charles Kettering

Xaqiiqdii qofkii raba innuu isbadalaa waxa ku waajib ah innuu horta badalo caadooyinkiisa iyo waliba dhaqamadiisa xun ee liita had iyo goorna Ku sababa innuu noqdo qof bilaa anfac ah oo dadka agtooda iyo gudaha naftiisaba qiima daro ka dareemaya,markaad badasho adduunka gudahaaga markaa waxa uu isbadalka gudahaagu saamayn dhab ah Ku yeelan doona aduunkaaga dibadda iyo waliba wax kasta oo aad si maalinla ah u qaban jirtay.

Waxa jirta qaacido odhanaysa haddii aad rabto inaad badasho adduunkaaga dibadda oo aad u badasho mid horumar,horu u socod iyo hawl wanaagsan markaa waxa aad Ku qasban tahay inaad intaas in la mid ah ka qabataa gudaha naftaada ayna waliba iyadu noqotaa midda horaysa si natiijadda ka dhalata aad uga gurato adduunkaaga dibadda.

Waxa la yidhaa qofku marka uu rabo innuu qiimeeyo innuu yahay maalinkan uu noolyahay maalin ka wanaagsan maalinkiisii shalay, markaa ha qiimeeyo oo is barbardhig ha ku sameeyo maantadiisa iyo waliba tagtadiisii ama shalaydiisii, haddii ay maantadiisu ka wanaagsanaato shalaytadiisii markaa hore usocod ayuu ku jiraa,  balse haddii ay shalaydiisii ka wanaagsanaato maalintan u noolyahay markaa waxa uu Ku jiraa dib u dhac iyo waliba khasaare, sidaa darteed waa inaad hore u socotaa oo aanad waliba socodka joojin inta aad nooshahay ee aad neefsanayso.

Hubaal dadaalna waxa u wanaagsan dadaalka aakhiro loogu jiro. Waayo waxa uu allaah quraankiisa innoogu sheegay inay guushu tahay guusha aakhiro ee ah inaad cadaab ka badbaado janana Ku guulaysto.

Alle ha inna waafajiyo jidka toosan,

waana qalinkii Aqoonyahan:-HAMSE JAMA (black)

Waxaad noogu soo hagaajin kartaa wixii talo iyo tusaalaba ah emailka:-hamsejama144@gmail.com

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *