Waa kuma Ninka Ragga ah?

Ninka Ragga ah waa qeyb ka mid ah Abuurta Alle ee quruxda badan
Wuxuu bilaabaa dhex-dhexaadnimo isagoo aad u yar
Wuxuu wax ay naftiisa u baahnayd siiyaa Walaashii
Wuxuu isagoo yar ku riyoodaa siduu kaalinta Aabihii u geli lahaa oo u nasin lahaa
Wuxuu u huraa waqtigiisa siduu Waalidkii u caawin lahaa
Wuxuu ku bixiyaa lacagtiisa xaqul-jeebka ah inuu hadiyad ugu iibiyo haweeneyda uu jecel yahay si uu u arko iyadoo faraxsan

Wuxuu dhalinyaranimadiisa oo dhan ka fakiraa siduu Guri iyo reer u dhisi lahaa
Wuxuu u shaqeeyaa si uu u daryeelo kuwa mas’uuliyada ka saaran tahay.

Wuxuu dhisaa mustaqbalkooda isagoo Bankiga deyn ka soo qaata taasoo ku qaadata inuu dib isaga bixiyo mudo badan

Wuxuu dhididkiisa iyo wixi uu soo shaqeeyay ula soo cararaa kuwa uu jecel yahay
Wuxuu la soo jeedaa xilli dambe habeenki fakir mustaqbalka ubadkiisa iyo siduu meel uga soo saari lahaa
Dadka oo hurda ayuu u istaagaa in uu Salaada ugu yeero.

Wuxuu u fariistaa Geed hoostii si uu Nabad uga shaqeeyo, arrin adagna u dhameeyo
Wax badan ayuu halgamaa wuxuuna u dulqaataa canaanta madaxdiisa, qoyskiisa iyo waalidkii
Wuxuu ku jiraa halgan aan dhamaad lahayn si uu dhaxal wanaagsan uga tago dunida
Noloshiisa wuxuu ku dhameystaa inuu u adeego naftiisana u huro farxadooda

Sidaas oo ay tahay ayaa mararka qaarkood hadana Ninkaa Raga ah waxaa loo arkaa sidan:
Haduu baxo, waa careless aan waxba kala jeclayn
Haduu guriga joogo, waa mid caajis ah
Haduu caruurta canaanto, waa qabiid, aan naxariis aqoon.
Haddii uusan canaanan, waa qayru-mas’uul aan dan ka gelin
Hadii uu afadiisa ka joojiyo inay shaqeyso, waa mid aan kalsooni qabin ama xoriyada ka qaadaya
Hadii uusan ka joojin inay shaqeyso, waa mid u nool in xaaskiisa biisho
Hadii uu Hooyadii maqlo, waa Ciyaal Mama
Hadii uu naxariista badiyo, waa nin daciif ah
Hadii uu hadal dabacsan ku hadlo, waa nin jilicsan

Dumarow, xushmeeya nin kastoo Raga oo Noloshaada qeyb ka ah. Ma garan kartid waxa uu dartaa u hurayo iyo halganka adag uu ku jiro

Diyaariye: Farah Cawaash

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *