VIDEO: Talefannada iPhone S6 Iyo S6 Plus Oo La Ogaaday In Ay Adkaysi Badan U Leeyihiin Biyaha

Tijaabooyin la sameeyey ayaa xaqiijiyey in talefannada gacanta ee Apple iPhone S6 iyo S6 Plus ay iska caabbin karaan biyaha aanay guntoodu aadkau fogeyn, waxa aanay tijaabooyinkani muujiyeen in talefannadani ay biyaha ku dhex jiri karaan muddo hal saac ka badan iyadao o asanay wax dhibaato ahi soo gaadhin.

Tijaabo muuqaal ah oo uu Zach Straley  soo dhigay kanaalkiisa shabakadda Youtube ayaa uu si muuqata ugu tijaabinayaa adkaysiga ay talefannada gacanta ee iPhone S6 iyo S6 Plus u leeyihiin biyaha, isaga oo laba talefan oo cusub dhex dhigaya weel biyo uu ka buuxiyey.

Si kastaba ha ahaato ee warkan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Al-Carabiya ayaa sheegaya in shirkadda Apple aanay marnaba sheegin in labadan Mobile ay adkaysigaas badan ee hadda la arkay u leeyihiin biyaha, waxaa iyaduna la mid ah saacadda Apple Watch oo dad badan oo isticmaalaa ay sheegeen in ay biyaha u adkaysan karto.

Check Also

New WhatsApp feature allows users to delete sent messages

WhatsApp has rolled out a new feature that allows users to delete text messages sent …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *