VIDEO: Sida Loo Daryeelo Jirka Wax Diida ( Sensitive Skin)

jirka wax diidaSalima Amsa oo ah khabiirad Soomaaliyeed kuna nool dalka Canada ayaa bishii aynu soo dhaafnay ee June ee sanaadkaan 2015-ka si rasmi ah usoo bandhigtay daawooyin jirka la mariyo oo xalaal ah oo ay mudo dheer ku howlanayd.

Daawooyinkaan oo dhowr qeybood ka kooban ayaa loogu talogalay in lagu daryeelo noocyada kala ee jirka, sida midka qalalan, midka qoyan, midka wax diida, midka caadiga ah iyo jirka saliida leh.

Salima ayaa muuqaal hoose nagu natusinaysa sida loo daryeelo loona nadiifiyo jirka wax diida ( sensitive skin) iyadoo la isticmaalayo AHA RENEWAL CREAM, CLEANSER iyo TONNER oo ka mid ah waxyaabaha  ay soo saartay khabiiradaan.

Calaamadaha lagu garto jirka waxa diida waxaa ka mid ah

  • Cun cun ( skin irritation)
  • Dhabannada oo qalala
  • Gubasho
  • Finan yar yar
  • Dabka iyo cadceeda oo qofka dhiba

 

Daawooyinkaan waxaad ka heli kartaa Salima Skin Soloutions.

Halkaan hoose kaga bogo muuqaalka

Check Also

biyaha bariiska, jirka iyo timaha, qurxinta

Ahmiyada Biyaha Bariiska Ay U Leeyihiin Jirka Iyo Timaha Dumarka (TIJAABO CILMI AH)

Bariisku waxuu cunto dhaqameed u yahay qeybo ka mid ah dunida, gaar ahaan wadamada Asia …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *