Sideed Ku Garan Kartaa Shaqada Ilaahay Hibada Kuu Siiyey Inaad Ka Shaqayso

Ilaahay (swt) dadka adduunka ku nool waxa uu ku mannaystay hibooyin kala duduwan. Dadka kuwa ugu farxadda iyo guusha badanina waa kuwa nasiib u helay in ay qabtaan amma ku shaqeeyaan wax Alle uu hibo u siiyay marka horeba . Waxa aad arkaysaa arday jaamacad galay oo kulliyad doortay inyar ka bacdina ka baxay oo kulliyad kale ku biiray waqtigiina ka lumay. Iyadoo laga yaabo haddana inuu taasna ka tago oo waqti kale ka sii khasaaro. Gabay aan dugsiga sare ku qaatay balse hadda aanan magaciisa iyo abwaankii tiriyayba xasuusnayn ayaa midhahiisa waxa ku jiray ?? Ninba sadadu waa meel anse(aniga se) taydu waxay saarantahay suudha fardaha?e ?? . Midhahaas inta hore ee NINBA SADADU WAA MEEL waa inta aan u gol-leeyahay ee inna tusaysa in xattaa dadkeennii hore qirsanaayeen arrinkan. Gabayaagaasi waxa uu ku baanayay sida looga danbeeyo miyigii uu ka yimid ee uu uga yahay nin fardo-fuulka ku wacan oo dagaalyahan ah balse magaalada markuu yimid isagoo soo taagan xoolihiisii si farsamaysan oo maskaxaysan loo dhaafiyay.

Haddaan araarta ku sii yar dheeraado, filosoofarkii weynaa ee Aristotle waxa laga hayay murti uu macnaheedu ahaa ?? haddii aad is tidhaa ogow shaqada Alle hibada kuu siiyay ee aad ku soo baxayso naftaaduna raalli ku tahay waxa aad ka eegtaa laba arrimood dhextaalkooda: waa ta koowaade bal garo waxa Alle hibada kuu siiyay , ta labaadna xisaabta ku darso baahiyaha adduunka ka jira ??. Imisaynu aragnaa nin farsamada ku wacan oon haddana xisaabiye ku shaqeeya, nin xisaabiye ku wacnaa oo haddana farsamo yaqaan noqday baahiyaha shaqsiyeed iyo helitaanka fursadeed awgood. Waxa jira iyagna sidaa aynu kor ku soo xusnay dadka qaar ku shaqeeya xirfado ay ku wanaagsanyihiin horumarna ka gaadha waxa ay qabanayaan.Haddii aynu nahay Afrikaan arrinkan muhiimaddiisu maaha mid la xuso habo yaraatee. Laakiinse waa mid aynu dareensannahay. Saaxiibkay saaxiibkiis ayaannu maalin booqanay waa nin ka shaqeeya arrimaha ammaanka aadna ugu niyadsan oo had iyo goor ka sheekeeya. Ninkaasi markii aannu sheeko wadaagnay waxa uu ii sheegay in shaqadan uu hayo ay uga horreeyeen shaqooyin hore oo ka lacag badnaa balse aanu wax qoomamo ah ka qabin ee uu shaqadan ku helay xasilooni markii ugu horraysay noloshiisa. Filanwaa ayay igu noqotay markii hore inaan la kulmo nin reer Hargaysa ah oo dareensan arrinkan iskuna hawlay sidii uu u qaban lahaa shaqada nooca uu jecelyahay.

Biyo dhaca qoraalkaygan haddaan u gudbo. Innagoo dad muslimiin ah oo ogsoon in ujeedada laynoo abuuray ay tahay in Alle caabudno inta aynu adduunka kor saarannahay, haddana waxa muhiim ah inuu qofku garto waxa uu jecelyahay inuu qabto si uu ugu noolaado nolol xasiloon oo uu ku faraxsanyahay ugana tago wax dhaxal gal ah. Haddaba haddii aad ka mid tahay dadka aan nasiib u helin inay gartaan waxa ay ku fiicanyihiin talooyinkan soo socda bal ila eeg. Inkastoo aynu ku noolnahay waddan ka mida dunida saddexaad oo sidii bariis loo heli lahaa uun aynu ku fakirno laakiinse ogow lacagtu mar welba maaha dhiiri-galinta(motivation) keliya ee shaqada.

Arrinkani waa mid isku jira saddex waxyaabood oo kala ah baahi, jacayl iyo xirfad. Jacayl hadda markaan leeyahay maaha jacaylkii cilmi boodhari oo kale ee waxaan ula jeedaa jacaylka aad u hayso xirfadda aad ku shaqayso. Si kastaba ha ahaatee, waxa jira laba hab oo aad u mari karto sidii aad isku waafajin lahayd saddexdaas shay ee kor ku xusan:

1. Baahiyaha jira u kuur gal

Hareerahaaga bal eeg waxa kuu muuqan doona adduunka oo baahi gaar ahi jirto. Marka xigta is weydii adigu inaad wax ka qaban karto baahidaas iyo inkale? Habkani waxa uu markaas kuu sheegayaa haddii aad arki karto wado aad u mari karto sidii aad baahidaas wax uga qaban lahayd, markaa shaqadaada rasmiga ah ee Alle hibo kuu siiyay waa taas. Waana mid kugu waajib ah inaad wax ka qabataa. Waxa aad sugtaaba iska yar. Tusaale ahaan haddii aad aragto in ay wax ka qaldan yihiin maansooyinka dhallinyarada danbe ay samaynaso, ha sugin inta la marin-habaabinayo hab-dhaca maansada ee bilow inaad maanso tiriso.

2. Daba-gal waxa aad jeceshahay

Qalbigaaga haddii aad dhagaysato waxa aad garan karta waxa laguu sameeyay inaad qabato cibadada Alle ka sokow. Waa inaad aamintaa qalbigaaga. Markaad sidaas samaysana waxa aad garan kartaa waxa aad jeceshay inay shaqadaadu la xidhiidho.Habkani kaa hore ayuu ka soo horjeedaa sida nin jiray uu u yidhi ?? ha weydiin naftaada waxa adduunku u baahanyahay balse weydii naftaad waxa kaa dhiga inaad qof jira tahay.?

Nasiib darro se waxay tahay labadan hab ee kor aynu ku magacawnayba waa qaar aan dhammays ahayn oo saamayntoodu xusin mudan tahay. Habka koowaad haddii aad raacdo waxa uu kuu horseedi inaad qabato wax aanad jeclayn dhab ahaan balse aad u aragto inay waajib ku saran tahay.

Ka labaadina waxa uu dhaxalsiin karaa inaad si bilaa hadaf ah aad u noolaato adoo ku boodaya kolba shaqo oo aad noqoto qof aan waxba ka go?nayn (lack of commitment).
Guntii iyo gabo-gabadii, si waaqiciga waafajisan waa inaynu baranaa sidii aad ula noolaan lahayd ?XIISADDA?? u dhaxaysa labadaasi hab .

XALKA WAAFAQSAN XAQIIQADA

Qeybaha ugu xeeladda badan ee la xidhiidha sidii aad u heli lahayd waxa aad dhab ahaan ku fiicantahay inaad ka shaqayso waa inaad fahanto muhiimadda arrinkan soo socda.

Waa maxay waxyaabaha hibada Alle kuu siiyay? Maxaad samayn kartaa ee aan qof kale awoodin inuu sameeyo? Haddii su?aashan ku guulaysato inaad jawaab u hesho waxaad heshay dhextaalka saddexdii arrimood ee aynu soo xusnay ee kala ahaa : xirfaddaada shaqsiyeed, baahida uu adduunku u qabo xirfaddaadaas iyo rabitaankaaga shaqsiyeed ee la xidhiidha xirfaddaas.
Sida aad ku heli karto jawaabta su?aalahanna waxa ka mida:

Kowaad, isku day inaad aqoonsato kartiyaha aad leedahay. Maxay dadku had iyo goor kugu ammaanaan? Qor oo dabeedatana si habaysan u dhig.

Labaad, arag baahiyaha hareeraha yaalla. Tusaale ahaan haddii aad tahay ?entrepneur? suuq soo hel inta aanad ?product? samayn. Haddii aad rabto inaad Sheekh noqotana, soo hel dadka aad rabto inaad isgaadhaan ka hor inta aanad waqti ku kharash garayn tabobar aad qaadato. Waxa aan uga jeedaa bal horta soo hel dadka u baahan inaad caawiso kadib taas ka duul.

Saddexaad, ka fikir waxa aad jeceshahay inaad qabato. Waxa ku farxad galiya nolosha. Iyo Waxa dhiigga kugu kariyaba? Liis garee waxa aad jeceshay inaad qabato markaan cidina kula joogin. Ugu danbaynna, Ilaahay ayuunbaa ku tusi kara jidka saxda ah ee isaga raali ahaanshihiisa ku dadaal.

Qore: Eng. Khadar Axmed Faarax (Tar-san), Hargeisa , Somaliland.
Email : K_kaahin@hotmail.com

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *