Video: Gabar U Dhalatay Dalka Azerbaijan Oo Dabaq Dheer Iska Soo Tuurtay Arrin Soomaalida Ku Saabsan Awgeed

Gabadh 20 jir ah oo u dhalatay dalka Azerbaijan ayaa isku dayday in ay isdisho si ay caalamka ugu baraarujiso dhibaatada dadka Somali –da ah haysta.

Gabadhan oo magaceeda la yidhaahdo Gunel Hasanova, oo ah ardayad dhigata Jaamacad dhaqaale ah oo caasimada dalkaas Azerbaijan ee Baku wax ka dhigata ayaa isku dayday inay daaqada gurigeeda dabaqa 11 ku yaala inay iska tuurto.

Gunel ayaa la sheegey inay dad arkayay ay bilayska la hadleen, halkaas oo bilayskii soo gaadheen intayna nafteeda galaafan. Bilayska iyo Shaqaalaha wasaarada Arrimaha Gudaha dalkaas ayaa la sheegey inay markii danbe ku qanciyeen inayna nafteeda dilin.

Gunel ayaa la sheegey inay amuurtan ugu kacday si ay uga mudaharaado sida Somali-da loola dhaqmo iyo gaajada haysata shacabka Somalia maanta.

Xigasho: Wakaalada Wararka ee Azerbaijan

hoos ka daawo muuqaalka:

Check Also

Yaa Soo Diray Casumaadda? (QISO)

Lamaane dhalinyaro ah oo is guursaday ayaa degay guri cusub iyagoo ku camiray alaabo badan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *