Cabitaanada Jirka Nafaqeeya Quruxdana Kordhiya

Inaad qurux badnaatid uma baahna kaliya inaad waxyaabaha la isku qurxiyo marsatid balse waxaa muhiim ah in aad gudaha iska nafaqayso oo aad cunto wanaagsan iyo cabitaanada khudaarta dabiiciga ah ee caafimaad leh qaadatid.

Hadaba  Hafsa Hassan oo ina baranaysaa cabitaanada jirka nafaqeeya, awooda kordhiya iyo energy kordhiya. Cababitaannada ay Hafso samaynayso ayaa iskugu jira labo qeybood oo kala ah:

  • Avocado parsley iyo kiwi la isku shiidayo.
  • Baytaraaf, liin dhanaan iyo sanjabiil la isku shiidayo.

Avocado waxay yareysaa miisaanka, waxay wanaajisaa aragga indhaha iyo caafimaadka wadnaha, sidoo kale waxay ka hortagtaa gabowga. Midhaha kiwi waxay qani ku yihiin Vitamin C.

Baytaraafku waxa uu aad ugu wanaagsan yahay dadka qaba dhiig karka, iyo dhiig la’aantu hayso, sinjibiishuna waxay sifaysaa dhiigga, labadaan shaywaxay leeyihiin faaidooyin aan la soo koobi karin.

Cabitaan waxaad ka helaysa faytamiinska jirkaagu u baahay energy fiicanna way ku siinayaan waxaa intaa dheer waxay kordhiyaan caafimaadka guud ee qofka

Check Also

Hilib Shiilan Oo Aad U Macaan

Assalaamu calekum, walaalaha qaaliga ah soo dhowaada meel kastoo aad dunida ka joogtaan, waa mar …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *