Fursadaha Ugu Fiican Ee Lagu Qaadi Karo Uurka Mataanaha

Uurka mataanaha, mataano, uur,

Mataano waa marka caloosha hooyada ay wada galaan in ka badan hal cunug. Mataanuhu waxay ka kooban yihiin labo qeybood oo kala ah mataano ka samaysmay hal ukun iyo kuwo ka samaysmay labo ukun.

Dumarka caadada u hela sida joogtada ah  waxay soo deyaan hal ukun bil kasta, ukuntaas haday bacrimin heli weydo dhiiggii caadada ayay noqotaa. Ukun kasta waxaa gala hal xabbo oo manida ragga ah.

Fursadaha uurka mataanaha

Marka hore Alle ayaa bixiyo mataanaha, midda kale fursadda inay hooayda mataano qaaddo waxaa lagu qiyaasaa 250-kii jeer ee uur ah in hal mar kaliya ay mataano qaadi karto hooyada (1:250) laakiin waxaa jira waxyaabo la arkay inay badin karaan jaaniska uur mataano ah inuu Alle ku siiyo waxaa ka mid ah: haddii qoyskaaga ay dhaxal u leeyihiin mataano dhalista, haddii hooyada ay horay u dhashay mataano iyo haddii hooyada ay qaadatay daawooyinka fududeeya bacriminta ugxanta ee la siiyo hooyooyinka dhalmo la’aanta ka sheegto “Fertility treatment”, sidaas ay tahayne ma ahan daawooyin qofka loogu qoro inuu mataano dhalo darteed.

Hiddaha: hadii aad tahay mataan ama qoyskaaga ay ku jiraan mataano waxaad dhici kartaa inaad dhaxal u hesho inaad mataano dhashid.

Da’da: Hadii da’daadu weyn tahay waxaa badanayaa fursadahaaga uureysiga mataanaha. Dumarka 35 jirka ah ama ka weyn waxay soo deeyaan hormoonka loo yaqaan FSH (follicle-stimulating hormone) in ka badan kuwa da’adaas ka yar. Hormoonkaan FSH waxaa uu caawiyaa in ukuntu ay baaluqdo, sidoo kale dumarka soo daayaa FSH dheeraad ah waxaa laga yaabaa inay soo daayaan in ka badan hal ukun halkii mar.  Dumarka 35 ka weyn ee bilaabay inay wax dhalaan waxaa bata fursadahooda dhalmada mataanaha.

Mataano hore: Hadii aad horay mataano u dhashay waxay u badan tahay inaad mataane kale dhashid mustaqbalka.

Sida ugu fudud oo loo ogaan karo inay hooyada uur mataano ah sido waa in la saaraa qalabka kumbuyuutarka “Ultrasound”, wayna fudud dahay in la ogaado haddii 13 usbuuc uurka gaaro.

Muuqaalkaan Waxaa soo jeedinaynaysa Ubahiina Muuse Waxayna si fiican u sharraxaysaa uurka mataanaha.

Daawasho wacan:

Akhriso: Astaamaha Uurka Cusub Iyo Cunnada Uroon Hooyada Uurka Leh

Akhriso: Waa Maxay Astaamaha Uurka Cusub, Sidee Loo Ogaadaa, Maxaase Khatar Ku Ah Uurka?

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *