Uurka Iyo Cuntada Nafaqada Leh

uurkaUurku wuxuu yimaada marka ay manida bacrimiso ugxanta laga soo daayay ugxan sidaha, ugxantu waxay soo martaa tuubada ugxan sidaha oo ah meesha bacrimiska uu ka dhaco. Ugxanta marka ay bacrismato waxay usoo gudubtaa minka oo ah meesha ay ku dhageyso. Marka ukunta bacrimisan si guul ah ay ku dhagto uur ku jirta waxaa meesha ka dhasha uur. Uurku waa hab socda mudo 40 todobaad. In kastoo habkaan uu u muuqdo mid fudud, hadana waxaa jira waxyaaba badan oo saameeyn kara uurka.

Waa maxay astaamaha Uurka?

Ka hor inta aadan iska baarin uur, waxaa laga yaabaa inaad dareentid calaamado xili hore soo baxo, calaamadaha inta badan la dareemo waxaa ka mid ah:

  • Daal
  • Xanuun sahlan oo aroortii la dareemo
  • Naasaha oo barara ama danqada
  • Jawiga ama qaabka nolosha oo isbed bedela
  • Calool istaag ama kaadida oo badata.

Dumarka qaar waxaa laga yaabaa iney dareemaan calool qabad iyo dhiig bax fudud, dhiiga baxa fudud wuxuu ka dhashaa marka ay ukunta bacrimisan ku dhageyso minka, inta badana wuxuu yimaada 1 ilaa 2 isbuuc gudahoda, dhiiga uma badna sida dhiiga caadada, mararka qaar waxaa laga yaaba in dhiig baxa ka dhasha marka ay ukunta bacrimisan ku dhageyso minka lagu qaldo dhiiga caada.

Astaamaha uurka waxaa laga yaabaa iney ukala duwan yihiin dumarka qaar, tusaale ahaan; waxaa laga yaabaa inaad dareentid xanuunka arooti uurka kugu horeeya, oo aadan dareemin uurka ku xiga. Astaamaha la dareemo ee uurka ma ahan kuwa kaliya ee lagu ogaan karo inuu jiro uur, sababtoo ah astaamaha qaar waxaa la wadaaag xaalado kale oo caafimaad.

Sidee lagu ogaadaa uurka?

Si loo ogaado uurka waxaa cabir lagu sameeyaa xadiga dheecaan la dhaho Human Chorionic Gonadotropin (hCG), waxaana loogu yeeraa hormoonka uurka. Hormoonka hCG waxaa la soo daayaa marka ay ukunta bacrimisan ku dhegto minka, xadiga hormoonka wuxuu bataa marka uu imaan waayo dhiiga caadada, taasna waxay tusineysaa in ogaanshaha uurka ay fududahay kadib marka caadada ay imaan weydo.

Hormoonka hCG waxaa laga helaa kaadida iyo dhiiga, faaidada ugu badan oo ay leedahay in lagu ogaado kaadida ayaa ah, in qofka asagoo qarsanaya ogaan kara, wuxuuna ku ogaan karaa si qiimo jaban, marka loo bar bar dhigo in lagu ogaado dhiig baaris.

Uurka iyo cuntada nafaqeysan

Cuno nafaqadeeda ay isku dheeli tiran tahay oo lacuna xiliga uurka waxay sara uqaadaa koriimada iyo dhismaha jirka uurjiifka, waa muhiim inaad ogaatid nafaqa noocee ah ayaad ubaahan tahay iyo meesha laga helo nafaqooyinka.
Majirto cuno mid ah oo la dhihi karo waxaa loogu talagalay uurka. Xaqiiqada ayaa waxay tahay uur iyo uur la’aanba waa muhiim in dabeecad laga dhigto cunidda cunno isku dheelitiran. Cunooyinka isku dheelitiran waxaa ka mid ah cunidda mira ama fawaakihaat badan, qudaarta, haruurka sida digirta, galeyda, qamadiga, borotiinka iyo dufinta fiican oo laga helo (kaluunka, lowska, avocadada, sisinta).
Hasa yeeshee waxaa jira nafaqooyin qaar oo ubaahan in il gooni ah lagu hayo xiliga uurka, waxaa ka mid ah nafaqooyinkaas.

-Folic-ama folet asid (folic acid): waxay ka hortagtaa in ilmaha ay ku dhashaan iin ama cilad, Maadadaan waa Vitamin B, waxay caawisaa iney ka hortagto cilad ku timaada tuubada neerfaha, oo ah xaalad halis ah oo soo wajihi karta maskaxda iyo xangulaha.
Cuntada laga helo: badarka, qudaarta cagaaran, liin bambeelada, digirta la qala jiyay, iyo digirta cagaaran oo lagu kariyo cunada. Cabirka loo bahaan in lacuno xiliga uurka waa 800 micrograms.

-kalsiyam (calcium):  wuxuu xoojiyaa lafaha. Hooyada iyo uurjiifkaba waxay ubaahan yihiin kalsiyam si ay uhelaan lafa xoog iyo ilkaha, sidoo kale kalsiyam wuxuu caafimaad wareega dhiigga, murqaha iyo habka dareemayaasha.

Cuntada laga helo: Wax yaabaha laga sameeyo caanaha ayaa ah meesha ugu fiican ee laga helo maadada kalsiyam sidoo kale waxaa laga heli karaa borokooli iyo cabitaanada la shiido. Cabirka loo baahan yahay maalintii waa 1,000 milligrams.

-Vitamin D – wuxuu caawiyaa dhisidda lafaha
Cuntada laga helo ayaa ah kaluunka.

-Borotiin (protein): borotiinku wuxuu caawiyaa koriimada. Borotiinka wuxuu lagama maarmaan uyahay koriimada uurjiifka, khaasatan 6da bil ee dambe ee uurka.
Cuntada laga helo- hilibka aan cadiinta lahayn, digaaga, kaluunka, ukunta ayaa ah meelaha ugu badan uu jirka ka heli karo borotiinka, sidoo kale waxaa laga heli karaa digirta cagaaran ee lagu kariyo cunada, waxyaabaha laga sameeyay caanaha iyo subaga lowska la marsado rootiga. Cabirka loo baahan yahay maalintii waa 71 grams.

-Ayron (iron):> waxay ka hortagtaa dhiig yari.
Jirka wuxuu isticmaalaa maadada Ayron si uu usameeyo HB oo ah maadada xambaarta ogsijiinta kujirta dhiigga, xiliga uurka cabirka dhiigga wuu is bedelaa si jirka uu ula qabsado shaqada jirka hooyada iyo kan uurjiifkaba, sidaa darted jirka wuxuu ubaah naanaayaa Ayron dheeraad ah si loo helo HB badan oo xambaari kara ogsijiinta ay ubaahan tahay hooyada iyo uurjiifkaba.
Hadii aadan cunin ayron kugu filan, waxaa laga yaabaa inaad dareentid daal, waxaad kaloo unuglaaneysaa infekshan, sidoo kale waxaa kor ukacaya farsadaha in uu cunuga dhasho xiligi loogu talagalay kahor asagoo kayar culeyski laga filaayay.
Cunada laga helo waxaa kamid ah hilibka aan lahayn baroorta, digaaga iyo kalunka, sidoo kale waxaa laga heli karaa badarka, digirta iyo qudaarta cagaaran.

Baro Caafimaad

Check Also

cabista caanaha geela

Nafaqada Iyo Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *