Ugaar ah Guurdoonka Ama gayaanka is raba.

Labada qof ee raba in ay xidhiidh hasaawe, oo ay nolol ku wadaagan sameeyaan waa in ay haasawahooda ku dhisaan qodobadan.

1. In ay yihiin laba qof oo madax bannaan (Qofna aannu qof kale ku xidhnayn ama sheeko wadaag la lahayn)
Tusaale ahaan wiilku marka uu rabo in uu gabadh la haasawo waa in aannu inan kale haasawe la lahayn, gabadha uu la haasawayaana waa in ay tahay mid xora oo aan wiil u doonanayn ama xidhiidh haasawe oo kale lahayn. sidoo kalena aan ahay gabadh cadad bax ku jirta oo ciddo tirsanaysa sida: Gabadh la furay ama laga dhintay.

Diin ahaan ma bannaana in uu ninku gabadh nin kale la haasawo uu isna sheeko ka doono. Sababta oo ah waxa ay keenaysa isku dhac iyo khiyaamo.

2. Daacad iyo niyad samaan.

Labada qof waa in ay daacad ka yihiin haasawahooda, haddii mid kamida ama labaduba uu khiyaamo wato u jeeddadoodu waxa ay noqonaysaa mid madhalays ah oo aan wanaag keenin.

3.Run:

Badanaa lammaanuhu marka ay haasawayaan runta iskuma sheegan, haseyeeshe waxa muhiim ah si ay u guulaystaan gayaankan is doortay in ay runta isku sheegaan oo ay xaqiiqada noloshooda si dhaba uga wada hadlaan.

4 Axdi ama ballan:

Labada gayan ballan iyo shuruudba way gali karaan, balse waa in ay ogaadaan uun ballankooda ama heshiiska ay wada galayaan diinta muu ka hor imanayaa mise wuu ogol yahay.

5. Talo saarasho rabbi.

Qodobkani waa mid aad umihiima waliba waa udub dhexaadka qodobbadan iyo dhammaan hadafkasta oo nololeed. Labada qofba waxa wanaagsan kahor heshiiska haasawe iyo ka dibba in ay Tukadaan laba rakcadood oo (Salaatul istikhaaro ah)  Waxay u fudaydinaysaa hawlahooda iyo ajandaha ay wataan haddii uu khayr yahay, haddii uu shar yahayna way kala jeedinaysaa.

Haddii ay labada qof ee raba in ay xidhiidh qoysnimo sameeyaan tallaaboooyinka iyo kuwa lamidka ah ee wanaagsan raacaan Allena talo saartaan, waxa ay noqonayaan ku wo isku daggen oo aan murugo iyo warwer toona dareemin.
Alle ha isku soo dhaweeyo laba qof oo kasta oo si wanaagsan oo xalaala isku raba haddii ay yihiin kuwo khayr isku leh oo nolosha wadaagi karaaya.

Xigasho: buugga Beerta Qosyska.

Nada Yuusuf Cumar

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *