Tus in ay kaa Khaldanaayeen.!!

Ka fakir kolki aad yareyd waxaad aaminsaneyd in wax kasta suuragal kuu yihiin. Waxaad kori jirtay geed weyn adigoo ka cabsaneyn in aad soo dhaceyso. Fikrad baa kugu soo dhaceysay ka dibna waad ka dhabeynaysay maxaa yeelay kalsooni sare ayaad lahayd. Ma aadan garaneyn cabsi. Ma aadan rumeysnayn in ay jiraan wax ku joojin kara. Waxaad ahayd geesi aad u dhiiran, leh riyo badan, isku daya hal abuur & tijaabo badan.

Kolki aad weynaatay wax badan ayaa is bedelay! Waxaa saameyn weyn kugu yeeshay deegaanka, dadka & duruufaha kugu xeeran. Waxaad bilowday inaad quusato, rajo dhigto, aad ka baqdo fashil hadii aad wax isku daydo, Waxaa kula dersay welwel & murugo joogta ah, waxaad dooratay madadaalo & waqti lumis badan inaad isku dhaafiso. Goortii aad imtixaan ku dhacdo wuxuu ku oranayaa macalinki weligaa wax baran meysid. Marki aad is tiraahdo shaqo bilow, waxay saaxiibadaa kuu sheegayaan in shaqooyin aysan jirin oo la heli Karin. Marki aad is tiraahdo ganacsi furo waxaa laguugu oranayaa waad ku khasaareysaa ama waad fashilmeysaa. Hadii aad damacdo Xil sare ama hal abuur kale waxaad la kulmeysaa mucaarad joogta ah.

Haddaba, Ka taxadar waxa riyada iyo hamigaaga dilaya, inta badana waxay kaaga imanayaan Asxaabta & Ehelka. Shaki bay gelinayaan kartidaada, waxay kugu sifeynayaan in aadan waxba qabsan karin, way ku liidayaan, hoos bay kuu eegayaan, waxay kugu xukminayaan qof caajis badan. Iyadoo taasi jirto hadana ADIGA ayaa ka mas’uul ah noloshaada, adiga ayay kugu xiran tahay in aad maqasho dadka negative-ka ah & in aad iska dhega tirto, Dhagax kasta oo dadku kugu soo tuuro adiga ayaa ka dhigan kara Gidaar ku xaniba ama Buundo aad gudubto.

Tus in ay kaa khaldanaayeen. Ka dhigo dhiirigelin horay kuu dhaqaajisa in aad sameyso waxa dadku ku oran jireen ma sameyn kartid. Qorshee Noloshaada, Qaabee mustaqbalkaaga, Daryeel naftaada, Samee jimicsi joogta ah, Baro xirfad kasta ilaa aad khabiir ku noqoto, Aqri buug kasta oo ku anfacaya, Jooji waqti lumis iyo khiyaali. Jooji cabasho iyo calaacal badan. Jooji wax kasta energy-ga kaa qaadaya.

Ha u joojin wax dad ku yiraahdeen darteed. Waxaa jiraya kuwa ku neceb, kuwa shaki ku geliya, kuwa aan ku eedeeya, Kuwa ku niyad jebiya mar kasta, Aargoosiga ugu wanaagsan waa in aad Tusto in ay kaa Khaldanaayeen. Ka dhigo dhiirigelinta ugu xoogan aad weligaa maqli karto marki qof ku yiraahdo waxaa ma qaban kartid, U cadee in ay khaldanaayeen. Waxna sahal laguma helo, waad kufeysaa, waad dhibaatooneysaa laakiin ha joojin, ha quusan, horay u soco. U shaqee si adag, U istaag in aad tahay qof xoogan, ka gudbi kara caqabado badan, gaari kara meel sare, qabsan kara wax weyn, dadna wax tari kara. Tus in ay kaa Khaldanaayeen keliya. Ha u qaadin colaad. Ha ka dhigan cadow. Cafi ka dibna caawi. Ogow in badan waxay kula rabeen in aad heer ka gaarto nolosha. Tus in aad is bedel sameyn karto.

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *